
Qiyaanada Nederlaan
La wadaag baraha bulshada:
Nederlaan dadka kale ay tijaabineyaan iney khiyaaneeyaan ama lacag ama warbixin shaqsi u helo. Taasi waxaa loo yaqaan khiyaano. Qof walba ayaa dhibane noqon karaa, sidoo kale dadka ku cusub Nederlaan. Sidaa awgeed waa muhiim inaad ogaato sida ay u dhacdo khiyaamada, iyo noocyada jira, iyo waxa aad sameyn karto hadii ay kugu dhacdo.
Muxuu yahay khiyaano?
Waxaa khiyaamo ah, qof ayaa inta badan isku dayaa inuu ka xado lacag ama xogtaada shaqsiga ah. Khiyaanada wuxuu iska dhigaayaa inuu yahay mid lagu kalsoonaan karo, tusaale ahaan sida iibiyaha, shaqaalaha bangiga ama xitaa qof qaraabo ah. Wuxuu isticmaalaa tabo caqli badan si uu kuu qanciyo in arrintu run tahay. Mararka qaar, dadka khiyaanada sameeya waxay si aad u saaxiibtinimo iyo qancin leh kuula hadlaan. Waxay iska dhigaayaa inay doonayaan inay ku caawiyaan, laakiin dhab ahaantii waxay doonayaan lacag ama xog.
Sidee bay khiyaamo u dhacdaa?
Khiyaameeyayaasha badanaa waxay ku shaqeeystaan baraha bulshada, iimaylka, ama taleefoonka, laakiin mararka qaarkood sidoo kale guriga ama wadada. Hoos waxaad ka aqrin kartaa siyaabaha ugu badan ee dadka loo khiyaameeyo.
Wax gadista online-ka: Wax baad ka gadaneysaa Marktplaats, Vinted ama Facebook Marketpalce, laakiin marna ma heleysid alaabta. Ama qof ayaa soo diraaya link-ga si aad lacagta ku bixiso websaayt aan la aqoonin. Linkigaasi ayaa uu khiyaanoolaha lacagta kala baxayaa bankigaaga. Sidaa awgeed iska taxadar mar walba inuu websaaytka uu yahay qaab amaan ah yahay oo aad wax ku bixineyso.
Farriimaha been abuur ah oo ka imanaya bangiyada ama hay'adaha dawladda: Waxaad heleysaa iimayl ama farriin qoraal ah oo leh xiriiriye aad ku bixinayso ama aad ku galayso, tusaale ahaan bangi, adeegga boostada, ama hay'ad dawladeed sida Adeega Canshuuraha. Farriimahan waxay u muuqdaan kuwo sharci ah, laakiin waa been abuur. Haddii aad gujiso xiriirka, qof been abuur ah ayaa heli kara macluumaadkaaga ama lacagtaada. Bangiyada,
, iyo hay'adaha dawladdu weligood ma diraan xiriiriyeyaal si aad ama u gasho ama lacag u bixiso.DigiDKhiyaanada WhatsApp: Mararka qaarkood qof ayaa soo diri doona fariin sidan oo kale ah: 'Haye hooyo, waxaan haystaa nambar cusub. Dhaqso ma iga caawin kartaa lacag bixinta?' Tani inta badan waa khiyaamo. Khayaanada waxay isticmaalaan sawirada xubnaha qoyska, asxaabta, ama shirkadaha sharciga ah si ay ugu muuqdaan kuwo la aamini karo. Had iyo jeer wac nambarkii hore ama weydii su'aal gaar ah oo xubnaha qoyskaaga oo kaliya uu ka jawaabi karo
Khiyaanada Jacaylka ama Maalgashiga: Waxaad la kulmeysaa qof online ah oo ku dhaha inuu ku jecel yahay ama uu leeyahay qorshe wanaagsan oo uu lacag ku sameeyo. Muddo ka bacdi, qofkaasi lacag ayuu waydiinayaa. Tusaale ahaan, tigid ama maalgashi. Waligaa lacag ha u dirin qof aad online ka taqaano.
Khiyaanada aqoonsiga: Mararka qaarkood dadku waxay isticmaalaan baasaboorkaaga, kaarka aqoonsiga ama macluumaadkaaga shakhsiyeed si ay wax u iibsadaan, uga qaataan amaah ama ay u saxiixaan heshiis telefoon. Kaliya wadaag aqoonsigaaga haddii ay lagama maarmaan tahay oo u calaamadi sidii nuqul. Tusaale ahaan, leh
. Ha ilaawin inaad taariikhda ku qorto nuqulka.calaamad biyoodQR-da been abuur ah meelaha baabuur baarkinka laga bixiyo: waxaa degmooyinka qaarkood la arkay in QR been abuur loo istiikar ah agu dhejiyey lqofka koodka iscaanka ku sameeya waxaa loo wareejin doona goob lacag bixin been abuur ah oo waa lumin kartaa lacagta. Had iyo jeer ku bixi tikidkaaga baarkinka adoo adeegsanaya mitirkaaga rasmiga ah ee baarkinka ama app-ka lagu kalsoonaan karo sida Parkmobile ama Easypark. Weligaa ha u isticmaalin xeerarka QR ee mashiinka ku dhegan
booliiska been abuurta ah: mar mar waxey khiyaanoolayaasha iska dhigaan sarkaal boliis. Wey soo yeeriyaan garaska ama waxaan telefoonka inuu bangigaaga wax ka qaldan yihiin ama in ay rabaan in lacagtaada ' ilaaliyaan'. Waxey mar mar xiran yihiin dharka boliiska ama waxey ku tusayaan kaar boliis been abuur ah. waxey rabaan lacagtaada ama kaarka bangiga iney qaadaan. Boliiska dhabta ah marna kuma weydiinaayo kaar bangi, pin-ka bangiga ama lacagtaada. Haddii aad shakiso? markaa weydii inaad kaarka boliiska aragtaa, iyo ka dib adiga iskaaga u wac boliiska si aad u hubisoiney boliis dhab ah yihiin
Spoofinga(taleefoon been abuur ah):Waxaspoofingku wacaaya qof qiyaamoole ah oo nambar been abuur oo u eg midka bankiga, degmada ama shirkad kale. Waxey ku weydiinayaan inaad lacag u soo shubtaa ama aad warbixintaada shaqsiga siisaa. Iska markii ku demi telefoonka oo wac iskaaga namabraka rasmiga ee ururkaasi. Bangiga runta ah ama urur kale marna taleefoon kuma weydiiyaan inaad lacag u soo shubto
(handadaad xagga e-maylak): Mar mar waxaa heleysaa e-maylka uu qof kugu handadaayo inuu warbixintaada shaqsiga ama wuxuu ku leeyahay inuu 'filin' kaa duubay. Khiyaanoolaha wuxuu ku weydiinayaa lacag si uu taasi u xafido. Marna ha bixinin lacag hana ka jawaabin. Waa fariimo been abuur ah. U gudbiHandadaadboliiska amagoobta caawinta khayaanada .
Maxaa sameyn kartaa haddii lagu khiyaaneeyey?
Haddii aad u malaynayso in lagu khiyaameeyay, dhaqso u dhaqaaq. Sida ugu dhakhsaha badan ee aad uga jawaabto, way fiicnaan doontaa fursadahaaga yaraynta dhaawaca. Waa kuwan qaar ka mid ah tillaabooyinka la qaado si loo yareeyo dhaawaca:
Jooji lacag bixinta oo wac bangigaaga isla markaaba: U sheeg inaad u malaynayso in lagu khiyaameeyay. Mararka qaarkood bangigu wuxuu joojin karaa lacag bixinta ama soo celin karaa lacagta.
Keydi dhammaan cadaymaha: Keydi fariimaha, iimaylada, lambarrada taleefanka, iyo rasiidhada lacag bixinta. Macluumaadkan ayaa ka caawin doona booliiska ama bangigaaga baaritaankooda.
U sheeg booliiska: Booqo mareegaha booliiska ama wac 0900-8844. Samee dacwad gudbin, xitaa haddii ay tahay qadar yar. Tani waxay ka caawisaa booliiska inay soo qabtaan tuugada.
U sheeg caawinada Fraudehelpdesk: Waxay ku siiyaan talo bilaash ah waxaad samayn karto waxayna kaa caawinayaan inaad ka hortagto waxyeelo kale.
U sheeg qoyskaaga iyo asxaabtaada: Ha xishoon. Khiyaanadu waxay ku dhici kartaa qof kasta. Markaad tan wadaagto, waxaad ka caawisaa kuwa kale inay ka fogaadaan mid la mid ah.
Talooyin aad ku difaacdo naftaada
Weligaa ha gujin xiriirinta iimaylada ama fariimaha qoraalka ah ee aadan ku kalsoonayn.
Weligaa ha la wadaagin lambarkaaga sirta ah, DigiD ama faahfaahinta bangiga qof kale.
Kaliya ku bixi adoo isticmaalaya shabakadaha aaminka ah ee https:// ku yaal isku xirka.
Ma ka shakineysaa farriin ama qof? Caawinaad weydiiso qof aad ku kalsoon tahay.
Had iyo jeer hubi lambarka akoontiga ama lambarka taleefanka qofka aad la xiriireyso.
Si taxadar leh uga fikir ka hor intaadan bixin ama gujin. Khayaanoolayaashu waxay rabaan inaad si degdeg ah uga jawaabto, laakiin had iyo jeer qaado daqiiqad si aad u xaqiijiso in ay wax dhab ah yihiin.