Laga soo xigtay: Hans Kouwenhoven / Eerste Kamer
Qodob

Muxuu sameeyaa Golaha Sare?

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/30/2025, 9:26 GH

Go'aanada Golahani ayaa saameyn weyn ku leh waxa ka dhaca Nederlaan. Muxuu yahay dhab ahaantii Golaha Sare? Maxeyna go'aanadeeda muhiim u yihiin? Maqaalkan ayaa ka aqrineysaa sababta Golaha Sare uu dowr muuhiim ah uga galo maamulka Nederlaan.

Muxuu yahay Golaha Sare?

Waxaa

markii ugu horeysey la sameeyey 1815, markii Nederlaan
loo sameeyey. Waxaa kaloo sannadkaasi la aasaasay
. ilaa iyo markaasi ayey Nederlaan lahayd labad Gole oo wadajir u sameeye iyo u baara sharciyada.

Golaha Sare waa qeyb muhiim ah oo baarlamaanka Nederlaan. Iyada oo ay weheliso Golaha Wakiilada waxey sameynayaa

. Golaha Sare waxey ka kooban yihiin 75 xubnood, oo lagu magcaabo senatorada. Senatoorada toos uma doortaan shicibka Nederlaan. Iyaga waxaa dooranaaya
ee laba iyo tobanka gobol.

Siduu u shaqeeyaa Golaha Sare?

Sharciyada cusub waxey ka bilaabmaan Golaha Wakiilada. Halkaa ayaa qorshaha loga hadlaa, oo wax looga bedelaa iyo lagu ansixiyaa. ka dibna waxaa la geeyaa Golaha Sare.

Waxaa fiirinaayaan senatoorada haddii uu sharciga la bandhigay si fiican loo qoray, haddii la fulin karo iyo haddii uu oggol Dastuurka ama sharciyada kale.

Waxey uga hadlayaan qorshaha shirarka iyo waxey weydiiyaan su' aalo

haddii uu tallaabada saameyn weyn ku leeyahay dadka Nederlaan. Tusaale ahaan magangelyodoonka, la qabsiga iyo guriyeynta.

Doodda ka dib waxaa senatoorada u codeynayaan sharciga la soo bandhigay. Haddii aqlabiyada codka siiyaan wuxuu noqonayaa sharci rasmi ah. Haddii ay ka soo horjeestaan, waa in dowladda ay qorshaha wax ka bedeshaa ama ka noqotaa.

Golaha Sare waxey wasiirada weydiin karaan

su' aalo ku saabsan maamulka, tusaale ahaan qaabilaada qaxootiga ama tallaabooyin saameyn ku leh degmooyinka.

Golaha Sare waxey la tashadaan ururada bulshada

Waxaa Golaha Sare sharciyada kala hadlaa khubarada mawduuca ficil ahaan ku luga leh. Sidaa awgeed waxey senatorada mararka qaarkood ka helaan waraaqo ama talooyin

, qubarada ama golayaasha la talinta. Golayaasha la talinta ee caanka ah waxaa ka mid ah Golaha Qaranka, oo sharciyada qiimeeya sharciyada hadey ka soo horjeedaan dastuurka ama sharciyo kale, iyo
, oo talo ka bixiya mawduucyada sida shaqada, daqliga iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale ururada bulshada, sida

, waxey kaloo la wadaagi karaan fikradooda iyo walaaca ku saabsan sharciyada cusub. Sidaan ayaa senatoorada iney muuqaal fiican ka helaan sida xeerarku dhab ahaantii dadka u saameynayaan.

Halkani Golaha Sare waxey u shaqeysaa si ka duwan Golaha Wakiilada: senatoorada ma sameeyaan gorgortan iyo ma sameeyaan maamul cusub. Shaqadooda waa keliya iney sharciyada la soo bandhigay si fiican u qiimeeyaan.

Muxuu Golaha Sare muhiim u yahay?

Golaha Sare wuxuu sugaa in sharciyada si fiican loo baaro ka hor intaan la dhaqan gelinin. Taasi waxey ka hortageysaa in qaladaad sharciga ku jiraan ama nidaam xaqdaroah ku jiro.

Shaqadani waa u muhiim qof walba oo Nederlaan jooga. Go'aamada golaha Sare waxey saameyn ku leeyihiin nolol maalmeedka: laga bilaabo kirada iyo daryeel caafimaad ilaa waxbarashada, shaqada iyo magangelyada. Iyadoo si qoto dheer u fiiriyo sharciyada wuxuu Golaha Sare ka caawiyaa inuu dalka ka hirgalo cadaalad iyo maamul wanaag.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful