• Bilowga
  • Badbaadada mudada ah ee Nederlaan wey joogsaneysaa haddii aad sharci muddo ah ku lahayd Yukrayn
Nin ayaa sii socda oo dhabarkiisa u jeeda masawrilaha.
Laga soo xigtay: Flickr

Badbaadada mudada ah ee Nederlaan wey joogsaneysaa haddii aad sharci muddo ah ku lahayd Yukrayn

La shaaciyey: 1/17/2024, 2:24 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Xaakinka ugu sareeya Nederlaan wuxuu soo go'aamiyey in badbaadinta mudada ee 4 maarso 2024 ay kaa joogsaneyso haddii aad sharci deganaansho muddo ah aad ku lahayd Yukrayn. Maqaalkan ka aqri taasi waxa ay adiga micnaheeda kuu tahay.

Go'aankan wuxuu quseeyaa dadka heysta deganaanshaha mudada ee Yukrayn

Waxaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Maxkamada Sare(RvS)
ay go'aamisey iney badbaadinta mudada ah ay joogsatay dadka deganaansho muddo ah ku haystay Yukrayn. Tusaale ahaan deganaansho muddo ah oo sahqo ama waxbarasho badbaadinta mduada ah waxey joogsaneysaa 4 maarso 2024. Ma heysatid jinsiyada Yukraynka laakiin waxaad heysataa deganaansho abadi ah? ma ahayd si rasmi ahaan qaxooti mudadii Ruushka ay soo weerartay Yukrayn? ama waxaad heysataa badbaadin muddo ah ayaa Nederlaaan ku siisay maadaama qof reerkaaga uu badbaado muddo ah la siiyey? Markaa farriintan adiga kuma quseyso. Xaaladahan waad sii heysaneysaa badbaadada mudada ah koleyba ilaa 4 maarso 2025.

Nederlaan looma baahna inaad isla markii ka baxdo

Ilaa 4 maarso 2024 waxaad heysaneysaa xaqa aad u leedahaydejinta qaxootiga Yukrayn, daryeelka, waxbarashada iyo shaqada. Waxaad heleysaa ka hor maarso 2024 warqad

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada(IND)
taasoo ku qoran saameynta ay adiga kuu leedahay go'aanka ka soo baxay RvS. ka dib 4 maarso 2024 koleyba xaq uma sii lihid degaan, daryeel, waxbarasho iyo shaqo Nederlaan ah. Waxaad laga bilaabo taariikhdaas aad heysataa 28 beri oo aad Nederlaan uga baxdaa.

Waxyaalahan ayaa kuu suura gal ah haddii badbaadada mudada ay kaa joogsato

1. waxaad weydiisa kartaa magangelyo qaxooti

Haddii aadan kunoqon karin wadankaaga aad ka soo jeedo, maadaama aadan nabad ku heysanin waxaad magangelyo ka weydiisan kartaa Nederlaan. Ka hor ma go'aansatay inaadan magangeyo weydiisanin laakiin hadda ayaa rabtaa inaad sameyso? Markaa waxaad iska xaadirin kartaa Ter Apel. Shaqaalaha

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Ururka qaxootiga caawiya (VWN)
iyo garyaqaankaaga ayaa taasi kaa caawini kara.

2. Waxaad weydiisan kartaa fiiso waxbarasho ama fiiso shaqo Nederlaan

Waxbaraneysaa ama shaqeysaa Nederlaan? Markaa waxaa la tijaabin kartaa waxbarasho ama fiiso shaqo inaad hesho.

3.waxaad adeegsan kartaa nidaamka dib u noqoshada

Waxaad ku noqon kartaa wadankaaga aad ka soo jeedid ama waddan aad ka heysato deganaansho joogto ah. Waxaad arrintaa darteed u heli kartaa dhaqaale dowladda Nederlaanka, taasi waxaa loo yaqaan nidaamka dib u haajirida.

4. Taasi waxey dhacdaa haddii sharci deganaansho la'aan Nederlaan ku sii joogto

4 maarso ka dib waxaad heysataa 28 beri oo aad Nederlaan uga tagto. Ma sii joogeysaa 28 beri ka dib Nederlaan? Markaa waxaad tahay sharci deganaansho la'aan Nederlaan. Waxaad tahay waqtigaas ka dib fasax la'aan Nederlaan ku joogtaa. Boliiska Ajaanibta waxey xaq u leeyihiin iney wadanka kaa saaraan.

Sharci la'aan oo Nederlaan lagu joogaa wax xaq ah uma lihid dejin, shaqo ama caawinaad dhaqaale

Kala hadal garyaqaankaaga haddii aad dacwadaad bilaawday

Ma bilowday bilihii la soo dhaafay dacwad ku saabsan joojinta badbaadada mudada? Markaa la xariir garyaqaankaaga si aad xaaladaada ugala hadasho. Garyaqaankaaga ayaa kuu sheegi kara in dacwadaada la joojinaayo iyo in kale go'aanka RvS darteeda.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?