Marka aad diyaarad ku imaado
Markaad Nederlaan diyaarad ku imaado. Haddii aad magangelyo ka codsato garoonka diyaaradaha, waa inaad jawaabta ku sugtaa xero soo dhaweyn oo xiran oo u dhow Schiphol Airport. Waxaad halkaasi joogeysaa ugu badnaan 28 beri.
Tallaabada 1: Imaanshaha garoonka diyaaradaha
Markaa imaado garoonka Schiphol ka dib, waxaad iska xaadirineysaa
Tallaabada 2: diiwaangelinta Kmar
Kmar waxey diiwaangelinayaa warbixintaada shaqsiga. Sida magacaaga, taariikhda dhalasho iyo jinsiyadaada.
KMar waxey kaa qaadayaan sawiro iyo farahaaga.
KMar waxey baarayaan dharkaaga iyo boorsooyinkaada iyo waxaa suura gal ah iney telefoonkaaga kaa qaadaan. waxaa lagu siinayaa cadeyn warqad ah haddii KMar ay dokumenti kaa qaado.
KMar waxey ku weydiinayaan suundefinedaalo jidka safarkaaga, haddii aad hore waddan kale magangelyo uga weydiisatay Nederlaan ama waddan kale oo Yurub ah iyo haddii halka wax reerkaaga ah ay kuu joogaan.
Waxaa KMar xagooda aad saxiixeysaa codsigaaga magangelyodoonka.
Tallaabada 3: wareysiga koowaad ee IND
Waxaad la leedahay wareysiga koowaad
Waxaa aad u muhiim ah in wareysiga 1aad ee IND la leedahay isla waxii aad ku sheegto ee aad wareysiga 2aad ku sheegeyso. Tusaale ilaa mudada aad iskuulka soo dhigatay iyo waqtiga aad soo qaxday. Ama wax kale oo muhiim ah oo noloshaada ku saabsan
Sheeg waqtiga wadahadalka si daacad ah ee reerkaaga. Haddii aad ka dib weydiisaneyso in qoyska laguu keeno, IND waxey fiirinayaan inaad reerkaaga hore wareysiga ugu sheegtay.
Mudada wadahadaladaasi ee IND waxaad soo qaadan kartaa xasuus aad qoaratay. Waxaad sameyn kartaa waqtiyada muhiimka ee noloshaada si aad u xasuusnaato. Taariikhda ma ogid? markaa si run ah ugu sheeg IND.
Mudada wareysiga ee IND waxaad siin kartaa dokumentiga caawinaaya arrintaada.
Waxaa jooga tarjumaan luqadaada ku hadla
Shaqaalaha IND wuxuu kugu weydiinayaa suundefinedaalaha Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa kaasi kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale jawaabtaada wuu ku tarjumayaa Nederlaanka. Tarjumaanka waa madax banaan yahay, uma shaqeeyo IND iyo wax awood ah kuma laha goundefinedaanka codsigaaga magangelyada laga gaaro.
La soco: Isla markii sheeg haddii aad tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin. Waxaa muhiim ah inaan is afgaran waa abuurmin maadaama tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin.
Tallaabada 4: ku sugitaanka xerada xiran
Ka dib markaad iska diiwaangeliso waxaa lagu geynayaa xero xabsi gaar ah ee ajaanibta. Tani waa Xarunta Cadaalada ee Schiphol (JCS). JCS adiga iskaaga ugama bixi kartid ilaa uu dacwadaada ka dhamaanaayo. Waxaad JCS joogeysaa ugu badnaan 28 beri. Dadka dhiban lama geynaayo JCSundefined.
Mar mar waxaa loo baahan yahay baaritaan dheeraad codsigaaga magangelyo ku saabsan
Ma baaritaan dheeraad ayaa baahan yahay si goundefinedaanka codsigaaga magangelyodoonka loo gaaro? Markaa howsha wuxuu qaadan doonaa wax ka badan 28 beri. Markaa waxaad aadeysaa xero soo dhaweyn oo furan oo Nederlaan ah.
Waxyaalahan ayaa la sameynayaa mudada sugitaanka
Mudada sugitaanka ee wareysigaaga 2aad ee IND waad sii nasan kartaa iyo isa sii diyaarin kartaa.
1. Waa muhiim inaad soo ururiso dokumantiyo kuwaasoo aqoonsigaaga iyo arrinta qixitaankaaga.
2. Waxaa warbixin ku siinaaya
3. Waxaa suura gal ah in lagaa baaro qaaxada. Kalkaaliso ayaa baareysa haddii aad qaaxada qabto. kalkaalisada waxey sameyneysaa haddii loo baahdo sawiro raajo ah oo sambabadaada. Ma qabtaa qaaxo? Markaa taasi daawo ayaa lagu siinayaa.