
Waxaad iska diiwaan gelisaa Ter Apel ama Schiphol haddii aad ka diiwaan gashan tahay waddan kale oo Yurub ah
La wadaag baraha bulshada:
Haddii aad qaxooti ahaan u timid Nederland, waa inaad iska diiwaangelisaa xarunta diiwaangelinta ee Ter Apel ama Schiphol.
DISA iyo KMaR ayaa baraaya haddii aad magangelyo ka weydiisatay Yurub
Waxa
Magacaaga ama astaanta farahaaga ayaa ku jira 1 ka mid ah nidaamyaddan haddii:
Waxaad astaanta farahaaga ka bixisay waddan kale oo Yurub ah;
Waxaad hore magangalyo uga codsatay waddan kale, halkaas oo aad bixisay farahaaga;
-Waxaad dalbatay fiiso ama lagu siiyey fiiso waddan kale oo Yurub ah.
Waddanka nidaamka ku jira ee magacaaga ku qoran, ayaa mas'uul ka ah ka howlgelida codsigaaga magangelyo. Tani waa heshiis ay wadamada Yurub sameysteen, taasi waxaa la yiraahdaa '