
Laga soo xigtay: Inge van Mill
Waxan ayaa loo baahan yahay inaad ogaato si aad magangelyo u weydiisato
Qodobkaan sii wadaaji
Waxaad Nederlaan ka heli kartaa deganaansho magangelyo maadaama aad wadankaaga shaqsi ahaan qatar ugu jirtey ama wadankaaga qof walba ay qatar u tahay. Waa muhiim inaad sababaha saxda ah magangelyo ku heshaa.
Waa kuwan noocyada sharciga deganaanshaha ee jira
Waxaad Nederlaan sharci deganaansho muddo ah heleysaa 2 arrimood. Kuwaasoo kala ah
Sharciga deganaanshaha magangelyada qodobka-A: Sharcigani waxaa lagu siinayaa haddii waddankaaga aad ka soo jeedo aad qatar ku sugan tahay iyadoo laguu raadsanaayo isirkaaga, diintaada, jinsiyadaada, fikradaada siyaasadeed ama kooxdaada bulshada. Tani waxaa lagu magacaabaa qodobka-A ama heshiiska qaxootiga oo hoos imaada Heshiiska qaxootiga
Sharciga deganaanshaha magangelyada ee qodobka-B: sharcigani waxaa lagu siinayaa haddii waddanka aad ka timid qatar u tahay dhamaan dadka meeshaasi ka yimid ama haddii aad adiga shaqsi ahaan qatar ku sugan tahay sababaha kor lagu soo sheegay mid ka mid ah. Tani waxaa lagu magacaabaa qodobka-B ama badbaadinta hoose
Waxaa go'aaminaaya IND haddii aad sharci deganaansho heleyso
U sheeg si waadix ah sababaha aad u soo qaxday
Ma go'aamisey IND inaad sharci magangelyo heleyso? Warqada aad ka heleyso IND waxaa ku qoran qodobka aad sharciga ku heshay qodobka-A ama qodobka- B.
Nederlaan labada sharci deganaanshaba isla xaquuqdii ayaa leedahay
Sharciga deganaanshaha qodobka-A iyo qodobka-B isla xaquuqdii ayaa Nederlaan leedahay:
Sharciga deganaanshaha magangelyada wuxuu socdaa 5 sano laga bilaabo taariikhda aad sharciga weydiisatay
Waxaa codsan kartaa reerka in laguu keeno
Waxaa 5 sano ka dib weydiisan kartaa sharci deganaansho oo aan waqti ku xirnayn.
IND sharcigaaga deganaansho 5 sano ka hor wey kaa ceshan karaan
Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo oo qodobka-A, laakiin wax qatar dambe ah kuma sugnid wadankaaga? Markaa IND sharcigaaga deganaanshaha magangelyada wey kaa qaadan kartaa. Tusaale ahaan maadaama wadankaaga aad ka soo jeedo uu amaan u yahay kooxda diiniga ee aad adiga tahay
Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo oo qodobka-B, laakiin wadankaaga dib ayuu amaan u noqday? Markaana IND sharcigaaga deganaanshaha magangelyada wey kaa qaadan kartaa. Tusaale ahaan maadaama dagaalkii wadankaaga aad ka soo jeedo ka jirey oo dhamaaday.
Waa muhiim inaad arrintaada si fiican u sheegato IND si aad markaa sababta saxda ah aad magangelyo ku hesho
Farqiga u dhexeeya sharciga muhiim uma muuqdo, maadaama aad Nederlaan isku xaquuq leedahay mudada aad joogto. Haddana waa muhiim sababtoo ah mar mar ayey saameyn ku yeelataa mudada iyo sababta aad Nederlaan ku joogeyso.
Ka soo qaad wadankaaga aad ka soo jeedo ayaa dagaal ka jiraa, oo markaa qof walba ayaa qatar ku jira. Adigana sidoo kale sidaa awgeed sharci deganaansho oo qadabka-B ayaa heli kartaa. Intaa ma dheer tahay inaad qatar ku jirto maadaama aad urur diini ah ka tirsan tahay. Waxaad magangelyo ku heli kartaa qodobka-A. Haddii dagaalka wadankaaga uu dhamaado, markaa sharciga B waa lagaa ceshan karaa. Laakiin sharciga qodobka-A waxey IND kuu arkayaan inaad weli qatar ku sugan tahay maadaama aad ka tirsan tahay urur diiniyeed gaar ah. Markaa Nederlaan waa joogi kartaa ilaa uu sharcigaaga socdo, ama xitaa sharci deganaansho cusub ayaa weydiisan kartaa
Sidaa awgeed ku dadaal inaad si waadix ah u sheegato dhamaan sababta aad u soo qaxday. Markaa IND sharcigaaga ma ceshan karaan haddii xaalada wadankaaga aad ka soo jeedo uu is bedelo