• Bilowga
  • Raadinta shaqada tabaruca marka aad heysato dokumentiga-W ee 1 sano ah
Laba qofood ayaa taagan miiska meedoenbalie.
Laga soo xigtay: Nino van den IJssel / COA

Raadinta shaqada tabaruca marka aad heysato dokumentiga-W ee 1 sano ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/4/2024, 9:26 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Ma heysataa dokumentiga-W ee 1 sano ah ma rabtaa shaqo tabaruc ah? halkan ka aqri shaqada tabaruca loo qabto iyo sida shaqada tabaruca loo helo.

Meelahan ayaa ka heleysaa shaqo tabaruc ah

Shaqo tabaruc ama lacag la'aan ah meelo badan aya ka qaban kartaa. Tusaale xarumaha degmada, ama iskuul ama maktabad. Waxaad qofka ku xariiriya ee

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xarunta Dejinta Magangelyodoonka (COA)
ama qofka xariiriyahaaga ee
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Ururka qaxootiga caawiya Nederlaan (VWN)
ayaad weydiin kartaa wixii suura gal ah.

Waxaad kaloo aadi kartaa Meedoenbalie. Tani waa meesha COA oo ay wada shaqeynayaan ururrada shaqada tabaruca ee degaankaaga (shaqo tabaruc) soo bandhigaan. 40 xerooyinka COA ayaa heysta Meedoenbalie. Waxaad weydiin kartaa shaqaalaha COA haddii xeradaada ay leedahay meeshaasi oo kale.

Shaqada tabaruca ee xerada-Coa

Waxaad shaqo tabaruc ka shaqeyn kartaa xerada-COA. Tusaale adigoo ka caawinaaya nadaafada iyo dayactirka dhismayaasha ama beerta. Ama inaad ka caawiso tarjumida. Waxaad shaqadan sameyn kartaa ugu badnaan 25 saac wiigii. Waxaa lagu siinayaa qarash ugu badnaan €14,- wiigii. Waxaa warbixin dheeraad ka heleysaa deskiga warbixinta ee COA.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Shaqada tabaruca sida looga shaqeeyo marka aad heysato dokumentiga-W ee 1 sano ah