• Bilowga
  • Shaqo
  • Sharuudaha inaad ka shaqeyso shaqada tabaruca adigoo heysta dokumenti-W oo 1 sano ah
Laba qof oo ka shaqeynaaya beerta

Sharuudaha inaad ka shaqeyso shaqada tabaruca adigoo heysta dokumenti-W oo 1 sano ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/15/2024, 3:43 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Waa laguu oggol yahay shaqada tabaruca inaad qabato marka aad magangelyo weydiisato iyo aad heysato dokumeti-W oo 1 sano ah. Halkan ka aqri wixii dheeraad ah ee sharuudaha.

Shaqo tabaruc ah waa shaqo aan lacag lagu siineynin

Shaqada tabaruca waa shaqo aad dadka kale u qabaneyso ama bulshada adigoo aan lacag ku qaadaneynin. Waxaad shaqada tabaruca u sameyneysaa adigoo jecel inaad shaqada qabato. Ama aad qibrad shaqo rabto inaad kororsato. Shaqada tabaruca waxaad kaloo ku tababaran kartaa luqada Nederlaanka iyo waxaa la kulmeysaa dad Nederlaan ah.

Mar mar ayaa shaqada tabaruca qarash yar lagu siinayaa

Mar mar ayaa lagu siinayaa qarash shaqada tabaruca aad qabaneyso. Tusaale qarashka safarka ama qarash kale ee aad geleyso. Qarashkani wax saameyn ah kuma laha lacagta aad ku noolaaneyso ama cuntada ee aad ka qaadato COA. Qarashkaasi ma aha daqli ahaan.

Waxaa la oggol yahay ugu badnaan €210,- bishii iyo €2100,- oo qarash laguu celinaayo shaqada tabaruca. Waxaa kaloo lagu siin karaa wax kale oo aan lacag ahayn. Tusaale ahaan foojar hadiyada ah ama tababar lacag la'aan ah ama aqoon isweydaarsi lacag la'aan ah.

Waxaad u baahan tahay cadeyn shaqada tabaruca

Ma heshay urur aad shaqo tabaruc aad ka qaban karto? Matkaa waa in ururkani ka weydiistaan cadeynta shaqo tabaruca

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Ururka Fulinta ee Ceymiska shaqo bixyaasha (UWV)
. Cadeynta shaqo tabaruca waa warqad ku qoran in shaqadaada tabaruca uusan ahayn shaqo lacag lagu qaato.

Isla markii ururka ay cadeyn ka helaan codsiga, waad bilaabi kartaa shaqada tabaruca. Waxaa UWV go'aan ay gaareysaa codsiga 2 wiig gudahooda codsiga. Looma baahan inaad go'aanka UWV aad sugto.

Mar mar waxaad u baahan tahay Cadeynta Asluubta (VOG)

Mar mar waxaad shaqada tabaruca

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
u baahan tahay Cadeynta Asluubta Wanaagsan (VOG)
. Badiyaa ururka ayaa kuu dalbaayaa VOG. Taasi looma baahna inaad adiga sameyso. Uma baahnid
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
nambarka-BSN
si aad u weydiisato VOG dalbato.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Shaqada tabaruca sida looga shaqeeyo marka aad heysato dokumentiga-W ee 1 sano ah