
Maxey ku saabsan yihiin doorashooyinka Golaha Wakiilada 2025?
La wadaag baraha bulshada:
Waxaa 29 oktobar 2025 la qaban doonaa doorashooyinka Golaha Wakiilada ee Nederlaan. Xisbiyada siyaasiga waxey leeyihiin fikrado kala duwan sida waddanka loo maamulaayo. Waxaa barnaamijyadooda doorashooyinka ku qoran mawduucyada ay muhiim u arkaan. Halkan hoose ayaa ka aqrineysaa 4 mawduuc ee soo noqnoqda: guriyeynta, magangelyodoonka iyo soo galootiga, lacagta iyo daqliga, iyo dowrka Nederlaan siyaasadda caalamka.
Degaanka: Nederlaan waxaa ka jira guryo yaraan
Dad badan oo Nederlaan ah ayaa ka walaacsan suuqa guryaha. Waxaa jirta gabaabsi weyn oo ah guryo la awoodi karo qiimahooda, liiska sugitaanka guryeynta bulshada ayaa dheer. Xisbiyada qaarkood, sida GroenLinks-PvdA iyo SP, waxay rabaan inay dhisaan guryo bulsheed oo badan, halka kuwa kale, sida VVD iyo BBB, ay doorbidaan inay dejiyaan sharciyada si loo fududeeyo dhismaha, oo ay ku jiraan maalgashadayaasha gaarka ah.
Xisbyada qaarkood, sida VVD, BBB, PVV, FvD, iyo JA21, waxay rabaan inay abuuraan sharci cusub oo meesha ka saaraya mudnaanta qaxootiga haysta sharciga degenaanshaha guryaha bulshada. Xisbiyadani waxay aaminsan yihiin in tani ay qayb ahaan xalinayso guri la'aanta. Marka loo eego
Taageerayaasha sharcigan la soo jeediyey ayaa aaminsan in qof kasta oo Nederlaan ah uu helo fursado isla mid ah oo guriyeynta. Kuwa ka soo horjeeda sida GL-PvdA, D66, CU, SP, DENK, PvdD, iyo Volt ayaa ku doodaya in hindisahan uu qaxootiga ku hayn doono xeryaha waqti dheer, taasoo caqabad ku noqon doonta qaxootiga cusub imaanaaya iyo kordhinta cadaadiska xeryaha soo dhaweynta.
Xisbiyo badan, sida NSC, CDA, iyo SGP, ayaa sheegay in suuqa guryuhu uu culays ku hayo soo galootiga, laakiin kama sheegin wax la taaban karo oo ku saabsan baabi'inta mudnaanta dadka haysta sharciyada.
Magangelyo iyo soo galootiga
Magangelyo iyo soo galootiga waa mawduucyada muhiimka ah ee qorshaha doorashooyinka iyo dhammaan xisbiyada. Mawduucyadani waxay khuseeyaan cidda loo oggol yahay inay yimaadaan Nederlaan, muddada dadka loo oggol yahay inay joogaan, iyo sida loo habeeyo soo dhawaynta iyo isdhexgalka. Xisbiyada qaar ayaa doonaya in Nederlaan ay yeelato sharciyo adag oo ku saabsan qaabilaada qaxootiga iyo soogalootiga. Xisbiyada kale waxay aaminsan yihiin in Nederland ay tahay inay sii wado badbaadinta dadka u baahan magangelyo, si waafaqsan heshiisyada caalamiga ah. Taageerayaasha siyaasadaha adag, sida VVD, BBB, PVV, FvD, JA21, NSC, CDA, iyo SGP, waxay rabaan qaxooti la yareeyo iyo sharciyo adag. Waxay sidoo kale rabaan heshiisyo Yurub laga galo oo ku saabsan soo celinta qaxootiga iyo ilaalinta xuduudaha Yurub. Kuwa ka soo horjeeda siyaasadaha adag, sida GL-PvdA, D66, CU, SP, DENK, PvdD, iyo Volt, waxay aaminsan yihiin in Nederland ay tahay inay sii wado ilaalinta qaxootiga iyo in soo dhawayntu ay ahaato mid bini'aadantinimo ah.
Lacagta iyo daqliga
Dad badan ayaa ka welwelsan arrimaha acagta. Qiimaha Supermarket-yadu waa sarreeyaa, tamartuna waa qaali, wayna adagtahay in nolol maalmeedka la daboolo. Barnaamijyada doorashadu waxay muujinayaan kala duwanaansho weyn oo u dhexeeya xisbiyada oo ku saabsan sidii arrintan loo xallin lahaa.
Xisbiyada qaar waxey rabaan in dowladda
GL-PvdA, SP, D66, CU, DENK, PvdD iyo Volt waxay rabaan inay kordhiyaan mushaharka ugu yar iyo ceyrta, oo ay siiyaan taageero dheeraad ah dadka dakhligoodu hooseeyo.
VVD, BBB, NSC, CDA, JA21, PVV, FvD, iyo SGP waxay rabaan inay bixiyaan canshuur yar oo ay nolosha ka dhigaan mid la awoodi karo. VVD, BBB, NSC, iyo FvD waxay aaminsan yihiin inay muhiim tahay in dadka ganacsigooda leh ay si fiican u shaqeeyaan oo ay lacag helaan, iyo in shaqadu ay noqoto mid lacag badan laga helo. PVV, CDA, JA21, iyo SGP waxay in badan diirada saaraan
Nederlaan iyo siyaasadda caalamiga
Nederlaan waxay dowr ku leedahay siyaasadda caalamiga ah: gudaha
Waxaa Nederlaan ka socda dood ku saabsan inta ay tahay in Nederlaanku ku bixiyo difaaca. Waxay NATO ogolaatay in dalalku ay u qoondeeyaan 3,5 boqolkiiba dakhliga qarankooda difaaca iyo 1,5 kale oo loo qoondeeyo amniga ballaaran. Xisbiyada dhinacna wey taageerayaan sida, GL-PvdA, VVD, NSC, D66, CDA, CU, SGP, PVV, iyo Volt in la kordhiyo. Dhanka kale, SP, PvdD, iyo DENK ayaa aad muhiim u ah, iyaga oo aaminsan in amnigu uu ugu horeeyo diblomaasiyadda iyo xuquuqda aadanaha. Xisbiyada BBB, JA21, iyo FvD wali si cad uma aysan sheegin mowqifkooda heerka boqolkiiba 3,5 ee barnaamijkooda.
Dagaalka Gaza waa arrin muhim u ah xisbiyo badan. Xisbiyada sida GL-PvdA, SP, PvdD, iyo DENK waxay rabaan in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka iyo in Nederland ay joojiso hubka ay u direyso Isra' iil. Waxay aaminsan yihiin in Nederlaan ay wax badan ka qabato fududeynta gargaarka bini'aadantinimo iyo ilaalinta xuquuqda Falastiiniyiinta. Xisbiyada kale, sida SGP, PVV, BBB, iyo FvD, waxay aaminsan yihiin in Nederland ay sii wado taageerada Isra' iil. Xisbiyada sida VVD, CDA, iyo NSC ayaa aaminsan in Nederland ay sii wado baaqa nabada iyo gargaarka bini'aadannimo ee Gaza, laakiin sidoo kale Isra' iil waxay xaq u leedahay inay iska difaacdo weerarada Xamaas.
Dagaalka Yukrayn ayaa sidoo kale dowr ku leh doorashooyinkan. Ku dhawaad dhammaan xisbiyada ayaa taageera Yukrayn, laakiin habka ay sidaas u yeelaan way kala duwan yihiin. Xisbiyada sida VVD, D66, CDA, GL-PvdA, iyo Volt waxay rabaan Nederlaan inay sii wadaan taageeridda Yukrayn hub, lacag, iyo qaxooti la qaabilo. Waxay aaminsan yihiin in dalalka Yurub ay tahay in ay ku midoobaan ka horjeesashada Ruushka. Xisbiyada kale, sida SP, PVV, FvD, JA21, iyo BBB, waxay rabaan taageero militari oo yar waxayna aaminsan yihiin in Nederland ay diiradda saarto nabadda u dhaxaysa Ruushka iyo Yukrayn iyo gargaarka dadka ay saameeyeen dagaalku.
Sidee u dooraneysaa cida aad u codeyneyso?
Barnaamijyada doorashooyinka waxay muujinayaan farqi ballaaran oo u dhexeeya qorshayaasha xisbiyada. Qaar ayaa xooga saaraysa badbaadada iyo xeerarka adag, halka qaarka kale ay xooga saarayso wadajirka iyo badbaadinta.
Si aad wax u doorato, waa muhiim inaad tixgeliso waxa adiga kuugu qiimo weyn. dadka qaarkood, taasi waa guri la awoodi karo ama dakhli ku filan. Kuwo kale waxay qiimeeyaan daryeelka caafimaad ee wanaagsan, ama doorka Nederland ka ciyaareyso adduunka.
Waxaad is barbar dhigi kartaa barnaamijyada xisbiyada, tusaale ahaan hagaha doorashada sida