Laga soo xigtay: Canva
Qodob

BBL iyo BOL: waa laba qaab oo loo dhigto tababar-mbo

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/13/2025, 8:10 GH

Waxaa Nederlaan jira laba siyaabood oo lagu sii wado waxbarashada farsamada gacanta (MBO): iyada oo loo marayo BBL ama BOL. Labada barnaamijba waxay bixiyaan shahaadada rasmiga ah ee MBO, laakiin habka waxbarashadu waa ka duwan yahay. Maqaalkani waxa uu sharaxayaa farqiga u dhexeeya labadan tababar.

Haddii aad barato BOL, waxaad aadaa dugsi ku dhawaad maalin kasta

Dariiqa Tababarka Xirfadaha (BOL) waa barnaamij xirfadeed mbo oo aad ugu horrayn wax ku baranayso dugsiga. Waxaad dhigataa xiisado oo waxaad sidoo kale dhammaystirtaa tababar shaqo oo aad ka hesho shirkad si aad u hesho khibrad wax ku ool ah. Tirada maalmaha aad ku qaadato dugsiga iyo shirkadda waa ku kala duwan yihiin barnaamij ahaan. Tababar shaqo ayaa looga baahan yahay ugu yaraan boqolkiiba 20 barnaamijkaaga waxbarashada.

Mudada shaqo barashada ma heleysid mushahar, mararka qaarkood gunno yar.

Haddii aad sameyso tababar BBL ah, waxaad shaqeysaa usbuuca intiisa badan

Wadada Waxbarashada Shaqada Ku Salaysan (BBL) waa barnaamij

kaas oo aad isla wado shaqada iyo waxbarashada. Waxaad ka shaqeysaa 60 ilaa 80 boqolkiiba waqtigaaga shirkad tababar oo
. Badanaa waxaad dugsiga tagtaa 1 ama 2 usbuucii. Inta ka hartay usbuuca waxaad ka shaqeysaa oo aad ku barataa howsha ficil ahaan

Maadaama aad shaqeyso, waxaad badiyaa leedahay mushahar shirkada ah. Waxaad heshiis shaqaalenimo la leedahay shaqo bixiyahaaga.

Wixii dheeraad ee noocyada heshiisyada shaqaalaha ka aqri maqaalkan.

Tababarada BOL iyo BBL labadaba waa tababaro-mbo

Mbo- niveau 1 waa tababarka gelitaanka

Tababarka gelitaanka uma baahnid shahaado ama waxbarasho hore. Shahaadada mbo- niveau 1 waxaad ku shaqeyn kartaa sida caawiye ahaan oo shirkada. Mudada tababarka gelitaanka waxaad heleysaa hagitaan shaqsiyeed iyo caawino shaqadaada. Tababarka wuxuu badiyaa soconayaa hal sano. Si aad darajada -mbo 1 u dhigataa waa inad 1 agoosto ugu yaraan 16 jir ahaataa. Markaa waxaad sii dhigan kartaa waxbarasho darajada mbo niveau - 2.

Mbo-darajo 2 waa tababarka asaasiga

Barnaamijka aasaasiga ah ee farsamada, aa barnaamij wax ku ool ah. Waxaad baranaysaa inaad qabato shaqo la taaban karo oo xirfad ah. Shahaadada heerka mbo- 2, waxaad ka shaqeyn kartaa shaqooyin badan oo kala duwan, sida ilaaliyaha ama sikuuritiga, timo jaraha, cunto kariyaha, ama shaqaalaha daryeelka caafimaadka. Si aad u qaadato barnaamijka heerka mbo- 2, waxaad u baahan tahay 1 ka mid ah shahaadooyinkan:

  • Shahaadada vmbo ee waxbarashada shaqooyinka ama waxbarashada shaqooyinka asaasiga ku jiheysan.

  • Shahaadada vmbo waxbarashada isku dhafan, waxbarashada aragtiyeed, mavo ama vbo/lbo.

  • Shahaadada tababarka gelitaanka (mbo- niveau 1).

  • Cadeynta inaad waxbarashada seddexda sannadood ee hore ee havo ama vvo si fiican u dhameysatay.

Tababarka mbo-niveu 2 wuxuu badiyaa soconayaa 1 ilaa 2 sano.

Mbo- niveau 3 lagu magacaabo "Vakopleiding" waxaad baraneysaa mbo 3 inaad si madax-bannaan uga shaqeyso xirfad gaar ah. Ka dib markaad dhammaystirto barnaamijkan, waxaad tusaale ahaan u shaqayn kartaa sidii daryeele ama makaanik. Tababarka xirfadeed waa mid wax ku ool ah wuxuuna si fiican kuugu diyaarinayaa xirfad gaar ah. Waxaa jira barnaamijyo badan oo kala duwan oo heerkan ah, tusaale ahaan:

  • Daryeel iyo gargaar, sida shaqaalaha xanaanada caruurta.

  • Farsamada, sida makaaniga koowaad ee rakibaadda qalabka kororntada ama shaqaalaha taageerada ICT.

  • Dhaqaalaha iyo hal abuurka ganacsiga, sida shaqaale ganacsi.

  • Shaqooyinka hal abuurka, sida shaqaalaha masraxa iyo shaqaalaha tekniiga arrimaha fanka.

Si aad u dhigataa tababar mbo-niveau 3, waxaad u baahan tahay 1 ka mid ah shahaadooyinka soo socda:

  • Shahaadada vmbo shaqooyinka asaasiga ku jiheysan, waxbarasho aragtiyeed ama waxbarasho isku dhafan.

  • Shahaado mbo-niveau 2 tababar (tababar asaasi oo shaqo).

  • Cadeynta inaad waxbarashada 3 sannadood ee ugu horeeya ee havo ama vvo si fiican u dhameysatay.

Tababarka xirfada wuxuu badiyaa soconayaa 2 ilaa 3 sano.

Mbo- niveau 4: Tababarka dhexe ama Tababarka takhasuska

Tababarka mbo-niveau 4 wuxuu kuu diyaargelinayaa shaqo isku filnaan iyo mas' uuliyad weyn. Waxaad ka dib u shaqeyn kartaa tusaale ahaan maamule laan ahaan ama isku duwaha shaqooyinka. shahaadada niveau 4 waxaad kaloo ku sameyn kartaa waxbarasho hbo.

Waxaa jira laba nooc oo tababar heerkan ah:

1. Tababar maamul dhexe

Tani waa tababarka ugu sareeya ee Mbo. Waxaad baraneysaa si isku filnaan inaad darajo sare uga shaqeyso. Sharuudaha gelitaanka waxey la mid yihiin mbo-niveau 3. Badiyaa tababarka wuxuu socdaa 3 ilaa 4 sano.

2. Tababar takhasus leh

Tababarkan waxaad dhigan kartaa markaad dhameyso shahaadada mbo-niveau 3. Waxaad baraneysaa wax dheeraad ah oo shaqada aad ka shaqeyso. Tani waa doorasho wabaagsan haddii aad rabto inaad ku takhasusto xirfadaada. tababarka wuxuu soconayaa badiyaa ilaa 1 sano.

Waxbarashadaad bilaash ma ahan

Hadii aad dhigato tababarka-BOL, lacagta adiga ayaa iska bixinaaya. Waxaa 2025 yahay tababarka-BOL €1.458 sannadkii. waxaad bixineysaa oo kale buugaagta, dharka shaqada iyo agabka kale ee casharka.

Hadii aadan tani iska bixin karin? Markaa waxaad

maalgelinta waxbarashada
.Qodobkan ayaad ka aqrineysaa wixii dheeraad ah ee maalgelinta waxbarashada.

Ma dhigataa tababar- BBL? Markaa waxaad inta badan bixinaaya shaqo siiyahaaga (qeyb ka mid ah) qarashka, maadaama aad shaqeyso. Inta aad adiga bixineyso, waxey ku xiran tahay shaqadaada iyo shirkadda.

Kharashka waxbarashada sanad dugsiyeedka 2025-2026 waa:

  • €303 ee Mbo-niveau 1 iyo 2

  • €735 ee Mbo-niveau 3 iyo 4

Shirkadaha qaar ayaa waxey bixiyaan barnaamijyo shaqo iyo waxbarasho. taasi waxey micnaheeda tahay inaad shaqeyneyso isla markaana wax baraneyso, iyo in ballamada qarashka iyo shaqada waxaa lala sameynaayaa shirkadda.

Haddii aad tababar-mbo dooran rabto, waxaad caawino ka heli kartaa websaaytka Kiesmbo.nl.

Dooro tababarka mbo ee habboon

BBL iyo BOl waa laba qaab oo tababar mbo loo dhigtaa. BBL waxey isku dareysaa shaqo iyo waxbarasho, BOL waa gaar ahaan iskuul la socda shaqo barasho. Si fiican uga feker nooca waxbarashada ee kugu habboon iyo iska qor maantaba si aad u bilowdo dhisida mustaqbalkaaga.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful