
Maxaa lagaa rabaa inaad sameyneyso hadda xanuunsato oo aad muddo dheer shaqeyn karin?
La wadaag baraha bulshada:
Haddii aad xanuunsan tahay, waxaad u sheegtaa loo-shaqeeyahaaga. Nederland, waxaa jira sharciyo ku saabsan jirro muddo dheer ah iyo shaqada. Waxaad leedahay xuquuq, laakiin sidoo kale waajibaad. Maqaalkani wuxuu sharxayaa waxa la sameeyo haddii aad xanuunsato muddo dheer.
Haddii aad weli sii xanuunsan tahay muddo dheer
Ogeysiiska usbuuca 42aad haddii ay dhacdo xanuun muddo dheer ah
Wali ma xanuunsan tahay 42 toddobaad ka dib? Markaa loo-shaqeeyahaagu waa inuu xanuunkaaga u soo sheegaa UWV. Tan waxaa loo yaqaan ogeysiiska 42-aad ee toddobaadka. Mararka qaarkood waxaad xaq u leedahay Ceyrta-Jirrada. Tusaale ahaan, shaqaalaha uurka leh ama ka weyn 55 sano. Loo-shaqeeyahaagu waa inuu lacagtan u codsadaa UWV.
Muddadan, waxaad sii wadi doontaa inaad ka shaqeyso dib-u-noqoshadaada adiga iyo loo-shaqeeyahaaga.
Dib u fiirinta sanadka koowaad
Ma xanuunsanayd muddo 1 sanad ah? Markaa adiga iyo loo-shaqeeyahaaga ayaa si wadajir ah u dhammaystiri doona Qiimaynta Sannadka Koowaad. Waxaad ka wada hadli doontaan sida dib-u-mid-noqoshadaadu u socoto iyo inaad ku socoto waddada aad ku laabanayso shaqada (waqti buuxa).. Waxaad sidoo kale dib u eegi doontaa qorshaha waxqabadka.
Waxaad sidoo kale isla eegeysaan sanadka soo socda. Wali ma cadda sida aad ugu soo laaban karto shaqada shirkadda dhexdeeda? Markaa adiga iyo loo-shaqeeyahaaga waxaad u baahan tihiin inaad si firfircoon u sahamisaan fursado kale. Tan waxaa ku jiri kara: shaqooyin kale oo kugu habboon shirkadda dhexdeeda ah ama shaqo ka baxsan shirkadda.
Adeega shaqo " arbodienst", shirkada shaqo ku noqod " re-integratiebedrijf" ama UWV ayaa kaa caawin kara.
Waxaad ka heli doontaa warqad UWV si aad u codsato ceyrta-WIA
WIA waxay u taagan tahay Xeerka Shaqada iyo Dakhliga karida Shaqada. Ceyrta-WIA waxaa heli kara dadka si ku meel gaar ah ama si (buuxda) ah u awoodi waayay inay si shaqeeyaan sababo la xiriira xanuun darteeda.
Todobaadka 88aad ee xanuunkaaga, waxaad heli doontaa warqad ka socota UWV. Warqaddani waxay sharraxaysaa waxaad u baahan tahay inaad sameyso si aad u codsato ceyrta-WIA.
Qiimaynta dhamaadka ah iyo qiimaynta hadda jirta
Todobaadka 91 aad, adiga iyo loo-shaqeeyahaagu waxaad si wadajir ah u dhammaystiri doontaan Qiimaynta Dhamaaadka ah. Warbixintan, waxaad ku sharxi doontaan sida dib-u-mid-noqoshadaadu u dhacday.
Qiimaynta dhamaadka ah "Eindevaluatie", waxaad isticmaashaa qiimaynta hadda ee dhakhtarka shirkadda ama adeegga caafimaadka shaqada "arbodienst". Qiimayntani waxay sheegaysaa waxaad qaban karto iyo waxaad qaban karin waqtigaas. Loo-shaqeeyahaagu waa inuu sidoo kale dhammaystiraa qiimaynta kama dambaysta ah haddii aad ka tagto shaqadaada oo aad xanuunsanayd muddo 10 toddobaad ah ama ka badan wakhtigaas.
Ceyrta -WIA codsigeeda
Weli miyaa muddo dheer xaaladaada aysan fiicnayn? Markaa waa inaad ugu dambayn wiiga 93 aad ceyrta - WIA codsataa.
Ma dareemaysaa inaad dib u fiicnaaneyso, ma awoodi doontaa inaad shaqada ku laabato dhawaan? Markaa waxaad la ballansan kartaa loo-shaqeeyahaaga si aad u sii wadato bixinta mushaharkaaga. Haddii ay sidaas tahay, uma baahnid inaad codsato ceyrta WIA.
Ka dib 2 sano xanuunka uu jiro bixinta mushaharka socday ayaa joogsanaaya
Loo-shaqeeyahaagu wuxuu sii wadi doonaa inuu mushaharkaaga bixiyo ugu badnaan laba sano (104 asbuuc) haddii aad xanuunsan tahay. Haddii aad 2 sano ka dib markaad xanuunsaneyso, loo-shaqeeyahaagu wuu ku eryi karaa.
Ma heshaa ceyrta Xeerka Jirrada "Ziektiwet uitkering? Markaa ceyrtani waxay sidoo kale dhammaanaysaa 2 sano ka dib (104 asbuuc). Waxaa 2 sano ka dib markaad xanuunsato, waxaa suura gal ah inaad xaq u yeelato ceyrta- WIA. Markaa UWV ayaa qiimeyn doonta haddii aad xaq u leedahay.