Laga soo xigtay: Unsplash
Qodob

Ilmahaagu wuxuu yeelan karaa sabab u gaar ah oo uu ku cararo sidaas darteedna wuxuu xaq u yeelan karaa magangalyo

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/29/2026, 6:54 GH

Haddii aad carruurtaada ula carartaan Nederland, waxaad isla codsanaysaan magangalyo. IND badanaa waxay la hadashaa oo keliya waalidiinta. Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in dhibaatooyinka carruurtaada sidoo kale la maqlo. Tani waxay abuurtaa muuqaal wanaagsan oo ku saabsan xaaladda waddankii aad ka soo qaxday.

Carruurtu sidoo kale waxay halis gelin karaan naftooda, gaar ahaan maadaama ay carruur yihiin

Badanaa waxaad la carartaa qoyska oo dhan sababtoo ah dhammaan xubnaha qoyska ayaa halis ku jira. Mararka qaar waxaad u carartaa sababtoo ah 1 ama labada waalid ayaa halis ku jira. Carruurtuna markaas ayay kula cararaan. Habka magangalyada badanaa wuxuu ku saleysan yahay dhibaatada waalidka(waalidiinta). Laakiin carruurta la cararta waalidkood ayaa sidoo kale naftooda halis ku jiri kara.

Carruurtu waxay la kulmi karaan dulmi, guur qasab ah, gudniin, ama lagu qasbo inay ku biiraan ciidanka

Dalalka qaar, waxay khatar ku noqon kartaa carruurta. Wiilkaagu wuxuu u dagaallami karaa sidii askari carruur ah. Ama ururada dambiyada ayaa ku qasbi kara wiilkaaga inuu u shaqeeyo. Malaha qoyska ama tuulada aad ku nooshahay waxay rabaan inay ku qasbaan gabadhaada inay guursato. Ama in la gudo.

Sidaa awgeed waa muhiim in

iney ogaadaan dhibaatada ilmaha kula soo safray. Gaar ahaan haddii ay jiraan sababo kale aan ahayn kuwa aad adiga u soo qaxday. Mararka qaarkood ayaa sababta aad adiga u soo qaxday ilmaha uu uga sii cuslaan karaa ilmahaaga codsiga magangelyada.

Marka ay la hadasho carruurta, IND waxay si fiican u ogaanaysaa sababta ay khatar idinku tahay waddankaaga. IND ayaa markaa go'aan fiican ka gaari karta. Mararka qaar xitaa way suurtogal tahay in ilmahaaga la siiyo magangalyo oo aadan helin. Iyo in markaa laguu ogolaado inaad Nederland joogto sababtoo ah ilmahaagu wuxuu halis ugu jiraa waddankaaga.

Carruurta kula safraysa waxaa iyagana IND la yeelan kartaa waraysi

Dacwada magangelyada waxaa loogu talo galay dadka waaweyn, maadaama IND gaar ahaan ula hadasho dadka waaweyn. Laakiin waxaa jira caruur la soo qaxay waalidkooda, waxaa markaa ay xaq u leeyihiin wareysi u gaar ah la yeeshaan IND. Ilmaha qasab kuma aha wadahadalka IND iney maraan hadeysan rabin. Laakiin waa IND waa iney weydiisaa ilmaha iyo waalidka.

Ilmaha laga bilaabo da' da 15 jir waa la weydiiyaa haddii ay rabaan wareysi u gaar ah iney rabaan in INDla yeelato

Ilmaha si toos ah loogama qaado wareysi. Waxaa IND weydiineysaa wareysiga 1aad hore u weydiineysaa inay ka weyn da' da 15 jirka ay rabaan wareysi u gaar ah sababo ay jiraan ay u soo qaxeen. Sidoo kale haddii ay wareysi rabaan in IND ka qaado oo qaxitaankooda ku saabsan.

Ilmaha u dhaxeeya da' da 12 jir ilaa 15 jir waa la weydiiyaa waalidkooda haddii ay rabaan wareysi u gaar ah iney rabaan in INDla yeelato

Inta lagu jiro wareysiga 1aad waxaa IND waalidiinta ilmaha da'dooda u dhaxeyso 12 iyo 15 jirka weydiisaa in ilmahaasi rabaan iney wareysi maraan. Sidoo kale caruurta da'dooda u dhaxeyso 12 ilaa 15 jir ee aan heysanin sabab u gaar ah oo magangelyo waa iney fursad u helaan iney arrintooda sheegtaan.

Haddii IND aysan waalidka weydiinin wareysiga 1aad, laakiin ilamaha uu rabo wareysi in laga qaado, waxaa taasi bilowga dacwada loogu soo gudbin karaa IND xagga garyaqaanka. Taasi badiyaa. waa ilamah u dhaxeeya 12 ilaa 15 jir ma aha wareysi gaar ahaan ah oo shaqaale IND. Badiyaa ilamah waxaa fursad loo siiyaa iney warqad ku soo qoraan waxa ay rabaan iney sheegaan.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful