Nolosha qoyska iyo carruurta
Halkan waxaad ka akhrisan kartaa macluumaad ku saabsan waalidnimada, xiriirka ka dhexeeya waalidiinta iyo carruurta, guurka iyo furriinka, daryeelka carruurta, iyo mowduucyo kale oo aad la kulmi doonto waalid ahaan Nederland
Warbixin

Waa inaad dhaqaale ahaan arrimahan habeysaa marka xaaladda qoyskaaga is bedelo
Haddii ay xaaladaada qoyska is bedesho, taasi waxey saameyn kartaa daqligaaga iyo qarashka aad bixiso. Haddii aad qof wada degaysaan, guursaneyso, ilmo kuu dhasho, aad qof is fureysaan, ama lammaane kaa dhinto. Maqaalkan ka aqri waxa aad habeyneyso xaaladaha isbedela ee reerka.

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato haddii aad doonayso inaad Nederland ku guursato oo aad haysato sharciga degenaanshada magangalyada
Ma rabtaa inaad xariirkaaga rasmi ka dhigtaa sharci ahaan? Waad ku guursan kartaa Nederlaan. Waxaa kaloo jira qaabab kale aad xariirka rasmi uga dhigtaa. Wixii dheeraad ka aqri qodobkan.

La qabsashada bulshada markaad sharci deganaansho heysato
Ma kala tageysaan lamaanahaaga? Nederlaan furiin waad sameyn kartaa, laakiin taasi waxey ku xiran tahay xaaladaada shaqsiga. Furiinka tusaale ahaan saameyn ayuu ku yeelan karaa sharcigaaga deganaansho ee Nederlaan. Halkan ka aqri sida furiinka yahay.

Maxay lamaanayaal badan oo ku nool Nederland u wada noolaadaan ka hor inta aysan is guursan?
Haddii aad ku cusub tahay Nederland, waxaa laga yaabaa inaad aragto in lamaanayaal badan ay wada nool yihiin iyagoon is guursan. Mararka qaar way is guursadaan mar dambe, mararka qaarna ma guursadaan. Taasi way ka duwanaan jirtay awalkii. Waxaad ka akhrisan kartaa sababta maqaalkan.

Maxay carruurta Nederland u noqdaan kuwo goor hore madaxbannaan?
Waxay Nederlaand, carruurtu noqdaan kuwo madaxbannaan marka ay yar yihiin doorashadooda iyo ra'yigooda. Waalidiinta ku cusub Nederland, tani mararka qaarkood way ka duwan tahay wixii ay hore u yaqaaneen. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa sida waalidiinta iyo carruurtu ula falgalaan Nederland, iyo meesha qaabkan waalidnimada uu ka yimid.

Haddii ilmahaagu si ka dhaqso badan kaaga hor barto luqadda Nederlandka: maxaa isbeddelaya guriga?
Carruur badan ayaa si ka dhaqso badan waalidkood u barta luqadda Dutch-ka. Natiijo ahaan, mararka qaarkood waxyaaluhu way is beddelaan guriga. Ilmahaagu wuxuu sidoo kale bartaa siyaabo kala duwan oo uu u fikiro, u hadlo, iyo u sameeyo doorashooyin. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa sida aad u taageeri karto ilmahaaga adigoon dib u dhigin.

Maxaa loogu dareemaa xariirka waalidka iyo iskuulka ee Nederlaan uga duwan yahay?
Haddii aad ku cusub tahay Nederland, xiriirka aad la leedahay dugsiga ilmahaaga wuxuu u ekaan karaa mid ka duwan sidii aad hore u taqaanay. Dugsiga iyo waalidku way wada shaqeeyaan, laakiin mid walba wuxuu leeyahay doorkiisa. Halkan ka akhri sida ay taasi uga shaqeyso Nederland.

Waa maxay daryeelka carruurta?
Nederland, carruur badan ayaa dhigta daryeelka carruurta. Halkaas, ilmahaagu wuu ciyaari karaa, wax ku baran karaa, oo horumarin karaa. Daryeelka carruurtu wuxuu ka caawiyaa waalidiinta inay si fiican isugu daraan shaqada, isdhexgalka, iyo daryeelka. Maqaalkan, waxaad ka akhrisan doontaa waxa daryeelka carruurtu yahay, faa'iidooyinka uu bixiyo, iyo waxa daryeelka carruurtu uga sameyn karo ilmahaaga.

Noocyada daryeelka carruurta ee laga heli karo Nederland waa maxay?
Haddii adiga iyo lammaanahaagu aad shaqeysaan, waxaa laga yaabaa inaad u baahato daryeelka ilmaha ee ilmahaaga. Nederland, waxaa jira noocyo kala duwan oo daryeelka ilmaha ah. Maqaalkan, waxaad ka akhrisan doontaa noocyada kala duwan ee daryeelka ilmaha ee la heli karo, kharashyada, iyo da'da ugu yar ee ilmahaagu ku tagi karo daryeelka ilmaha.