• Bilowga
  • Waxaad qaadaneysaa mashruucaa ka qeyb galka
Dad koox ah oo heysta sharciga deganaanshaha ayaa sameynaaya 'Mashruuca ka qeybgalka cadeynta'(PVT).
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland / Goedele Monnens

Waxaad qaadaneysaa mashruucaa ka qeyb galka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/17/2023, 9:15 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Si aad la qabsataa bulshada waxaad kaloo qaadaneysaa lacag la, aan "Mashruuca ka qeybqaadashada cadeynta'(PVT). Tani waa qeyb waajib ah oo qof walba laga bilaabo 1 oktober 2017 sameeyaa la qabsasho bulshada.

Waxan ayey ku saabsan tahay PVT

Mudada PVT waxaad heleysaa warbixin aad ku saabsan dowlada Nederlaanka loo baahan yahay inaad ka ogaatid si aad la qabsashada u sameyso. Waxaa PVT soconaayaa ugu yaraan 1 saac iyo waxyaalahan wax ka mid ah ayey ku saabsan tahay:

  • Dastuurka Nederlaan;

  • Micnaha xurriyada ee Nederlaan;

  • Micnaha sinnaanta ee Nederlaan;

  • Micnaha wadajirka ee Nederlaan;

  • Micnaha ka qeybgalka Nederlaan;

  • Socod lagu lugeynaayo degmada aad degan tahay;

  • Ugu dambeyn adiga iyo degmada ayaa saxiixiina saaraaya heshiiska 'heshiiska la qabsashada'.

Waa shaqada degmada iney fuliyaan PVT.

Saxiixaaga ayaa saareysaa 'cadeynta ka qeybgalka'

Markuu dhamaado PVT waa inaad saxiixdaa hoosta 'cadeynta ka qeybqaadashada'. Halkaasi waxaad leedahay inaad xeerarka iyo qiyamka ee muhiimka ah ee Nederlaan inaad taqaan oo aadna ixtiraameyso.

Waxaad heysataa 3 sano oo aad PVT ku gabagabeyso

Waxaad heysataa 3 sano oo aad PVT ku gabagabeyso. Waxaa 3 sano ay bilaabanayaan ka dib markaad degmada

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
'Qorshaha La qabsashada Bulshada iyo Ka qeybgalka'
ay qortay. Ma aadan gabagabeynin mashruuca mudada loogu talo galay? Iyo degmada ma u aragtaa inuu qaladkaaga yahay? Markaa waxaa lagu siinayaa ganaax.

Waxa ka imaan karo haddii aad saxiixi weydo "cadeynta ka qeyb galka'

Saxiixida 'cadeynta ka qeybgalka' waa sharuud

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeega Socdaalka -iyo Jinsiyada (IND)
si aad si guul ah u sameyso la qabsiga.

Haddii aadan saxiixin cadeynta? Markaa ganaax ugu badnaan € 340,- ayaa lagu siin karaa. Ganaaxan 1 mar ka badan ayaa lagu siin karaa.

Sidoo kalena waxey u badan tahay inaan lagu siin doonin deganaansho joogto ah ama jinsiyada Nederlaanka haddii aad saxiixi weydo 'cadeynta ka qeybgalka'. Taasi waxaa keliya lagu siinayaa haddii aad si guul ah u sameysay la qabsi bulshada.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Bilaabida la qabsashada bulshada ka hor 1 janaayo 2022