Laga soo xigtay: RefugeeHelp / Youssef Amakran

Noocyo kala duwan ee ceymisyada

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/8/2024, 11:39 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Nederlaan noocyo kala duwan oo kala duwan oo ceymisyada ah si aad nafsadaada iyo alaabtaada u badbaadiso. Ceymisyada qaarkood waa waajib. Kuwo kalena waa ay fiican yihiin inaad heysato. Boggan ayaa ka aqrineysaa noocyada ceymiska ee jira.

Ceymiska waa heshiis urur ceymiska

Shirkada ceymiska waxey ku siineysaa lacag haddii ay wax dhacaan oo aad shirkada ceymiska ee aad ku jirto u tagto. Tusaale ahaan haddii aad jirato iyo aad cisbitaalka aadeyso ama haddii si lama filaan aad wax u jebisoadigooqof kale gurigiisa jooga.

Lacag ayaad bixineysaa ceymiska aad heshiiska ka heysato. Taasi badiyaa waa inaad bil walba bixisaa. Taasi waxaa loo yaqaan "sii bixis". Waxaa u shubeysaa shirkada ceymiska waxey ku siineysaa cadeyn ah inaadceymiska ku jirto. Taasi waxaa la yiraahdaa heshiis sugan ama"polis". Halkaasi waxaa ku qoran nooca ceymiska aad heysato iyo waxa tooska u ceymisan.

Waxaa jiro noocyo badan oo ceymiska ah oo aad heshiis la geli karto. Qaar ka mid ceymisyada waa waajib Nederlaan inaad sameysato. Qofka la xariiryahaaga

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagahaaga bulshada oo urur kale aha ayaa arrintan kaa caawini kara marka aad ceymisyada dooraneyso.

Hoostan ayaa ka aqrineysaa noocyada ceymisyada kala duwan:

Ceymiska waajibka ah

Caymiskani waa mid waajib ah:

Ceymiska caafimaadka

Qof walba oo jooga Nederlaan waa waajib inuu lahaado ceymiska caafimaadka. Ceymiskan wuxuu bixinaayaa dhamaan qarashka booqashada dhaqtarka, daawooyinka iyo cisbitaalada marka lagu dhigo.

Ka sokow ceymiska waajibka ah ee asaasiga marka aad rabto inaad ceymiska dheeraadka sameysato. Tusaale ahaan mida daryeelka ilkaha ama fiisoterabiga.

Mar mar waa waajib: ceymiska magdhowda

Ceymiska magdhowda waa nooc ceymis ah oo kaa badbaadinaaya marka aad si lama filaan aad wax u jebiso ama aad qof dhaawacdo. Ka soo qaad qof ayaad soo booqaneysaa gurigiisa waxaad si aan ula kac ahayn ugu dhacday faas oo ubaxa la geliyo oo qaali ah oo jabaaya. Ama eeygaaga ayaa adigoo xadiiqada jooga qof ku dhacaaya, markaasoo qofkaasi uu kufaayo. Ceymiskan markaad heysato looma baahna inaad qarashkaasi iskaaga u bixiso marka ay wax qaldamaan. Ceymiska ayaa markaa arrimahaasi kuu xalinaaya.

Ma heysataa baabuur, mooto, mootooyinka yar yar ama mootada? Markaa ceymiska magdhowda waa waajib (WA-verzekering). Haddii aad qasaaro u geysato gaariga ama motoorka aad dad kale ama tusaale ahaan aad sababto shil culus, markaa ceymis ayaa ku jirtaa.

Ceymisyada muhiimka

Halkan hoose ayaa ka aqrineysaa ceymisyada aan waajibka ahayn, laakiin muhiimka ah:

Ceymiska alaabta guriga

Ceymiska alaabta guriga waxaad ceymiska gelineysaa dhamaan alaabta guriga kuu yaala sida alaabaha waaweyn, qalabka elektriga, dharka iyo buugaagta. Shirkada ceymiska ayaa lacag bixineysa haddii tusaale ahaan dab, biyo, danab ama tuugo, qasaare ku dhaco alaabta guriga kuu yaala.

Shirkad walba oo ceymiska wey kala duwan yihiin alaabta ceymiska ku jira. Iyo inta lacag ee ugu badnaan aad ka heleyso shirkada ceymiska marka ay wax kugu dhacaan.

Ceymiska aasitaanka iyo sii qaadista

Waxaa ceymiska aasitaanka ay bixinayaan qeyb ka mid ah qarashka aasitaanka ama gubista. Taasi waa muhiim, si aan familkaaga iyo asxaabtaada aysan qarash xoogan loogu dalacin marka aad dhimato.

Haddii aad rabto in wadanka aad ka soo jeedo lagugu aaso, waxaad kaloo sameyn kartaa ceymiska "sii galbinta". Taasi waxey micnaheeda tahay haddii aad dhimato in wadanka aad ka soo jeedo lagu heynaayo. Ceymiskani badiyaa waa qaali.

Ceymisyada kale

Waxaa jira ceymisyo badan oo kala duwan oo aad sameysan karto, sida ceymiska safarka, ceymiska nolosha, ceymiska shaqo gabka iyo ceymiska sharciyada. Fiiri marka hore haddii aad ceymiska u baahan tahay. Markaa weydii nafsadaada 2 su'aal oo ah:

  1. Ma sareeyaa lacagta aad bishii bixineyso marka loo fiiriyo waxa lagu siinaayo haddii wax wax kugu dhacaan?

  2. Qarashka joogtada ee ceymiska qaali miyuu kugu yahay? Haddii aad ceymiska aadan aad ugu baahnayn, waxaad suura gal ah inaad iska deyriso.

La xariirkaaga ee VluchtelingenWerk Nederland (VWN) ama hagaha bulshada urur kale ayaa kaa caawin kara marka aad dooraneyso ceymisyada.

Ceymiska safarka
Ceymiska nolosha
Ceymiska shaqo gebista
Ceymiska arrimaha sharciyada
Qodobkan ma ku caawiyay?