• Bilowga
  • Inaad hesho umuliso ku hageyso mudada uurka
Umulisada waxey sameyneysaa echo (filinka uur ku jirka) ee uurkaaga.
Laga soo xigtay: Pexels / Mart Production

Inaad hesho umuliso ku hageyso mudada uurka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/11/2024, 1:31 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Sameyso ballan umulisada ah marka aad uurka yeelato. Umulisada ayaa ku caawineysa mudada uurka, marka dhalmada ilmaha iyo ka dib.

Umulisada ama dhaqtar kale ayaa sameynaaya filinka uur ku jirka

Mudada uurka waa in ugu yaraan 3 mar filinka uur ku jirka la sameeyaa si loo fiiriyo sida uu yahay uurkaaga. Ceymiska caafimaadka ayaa bixinaaya qarashka filinka uur ku jirka. Ma rabtaa filino uurka oo dheeraad ah? Taasi waxaad kala hadli kartaa umulisada. Haddii aadan sabab caafimaad oo dheeraad ah jirin oo tani ku saabsan, waa inaad qarashka iskaaga u bixisaa filinada uurka.

Hoos ayaa ka aqrin kartaa 3 da uur ku jirka ee laguu sameynaayo marka aad uurka leedahay:

Mudada filinka uurka (u dhexeyso wiiga 9aad iyo wiiga 12aad)
Filinka uur ku jirka ee wiiga 13aad
Filinka uur ku jirka ee wiiga 20aad

Waxaad heli doontaa baaris dheeraad

Sawirka uur ku jirka ka sokow waxaad heli doontaa baaritaan dheeraad oo dhiiga ah si loo ogaado haddii abuurka uu xanuuno leeyahay. Taasi waxaa loo yaqaan NIPT- baaris. Baaristaan waxaad ku ogaan kartaa in ilmaha uu leeyahay xanuunka (edwardssyndroom ama patausyndroom). Waxaad kaloo NIPT ku ogaan kartaa haddii ay jiraan xnuuno kale. Taasi adiga ayaa dooranaaya inaad rabto inaad ogaato.

Waxaa baarista laguu sameyn karaa laga bilaabo wiiga 10aad ee uurka. Haddii aad natiijo kale heysato, waxaad dooran kartaa baaritaan dheeraad ah.. Markaasoo aad ku hubsaneyso inuu ilmahaaga markuu dhalanaayo leeyahay xanuunka down-ama edward-ama patau. Baaristaan waa lacag la'aan. Wixii baaritaano dheeraad ah waxaad ka bixineysaa qarashka aad adiga iska bixineyso ee ceymiska caafimaadka.

Waxaa dhici kara i laguu diro dhaqtarka dumarka

Umulisada waxey kuu diri kartaa dhaqtarka qoyska. Taasi waxay umulisada sameyneysaa haddii ay jirto rajo ah in dhibaatooyin imaanaayo mudada dhalmada. Ama haddii ay ilmaha intuusan dhalanain daryeel caafimaad dheeraad ah u baahan yahay.

Dhaqtarada dumarka waa dhaqtaro waxyaalo dheeraad ah ka og daaweynta dhibaatooyinka dumarka mudada uurka ama dhalmada.

La xariir umulisada ama dhaqtraka dumarka xaaladaha soo socda

Isla markii wac umulisada ma dhaqtarka dumarka haddii:

  • Aad caloosha u dhacdo ama u kufto.

  • Aad xanuun daran ka dareemeyso calooshaaada.

  • Aad leedahay xumad joogto ah.

  • Aad dhiig bax xagga xubinta taranka ah leedahay.

  • Ay culeys badan kaa dhacaayo.

  • Aad biyaha minka ku jira kaa imaanaayo.

  • Aad leedahay dheecaan badan oo si gaar ah u uraaya.

  • Aad wiiga 26 ilamaha si fiican u dareemeynin dhaqaaqiisa.

  • Aad fool joogto ah leedahay.

La xariir umulisada haddii aad u maleyso inuu ilmaha kaa soo halaabay

Marka uu ilamah halaabo waxaa joogsanaaya uurka ka hor wiiga 20 aad uurkaaga. Haddii ay taasi dhacdo, adiga waxba kama qaban kartid. Qiyaastii 1 ka mid 10 qofood oo uur lah ayaa uu ku dhamaadaa inuu ka soo halaabo

Calaamadaha uurka soo halaabay, dhiig ka imaada xubinta taranka iyo xanuun xoog leh oo caloosha ah. Waa muhiim inaad umulisada aragtaa haddii aad u maleyso iney taasi jirto. Taasi waxay kaa caawini kartaa iney ku daryeesho. Mar mar ayaa halaabista si buuxda u dheceynin. Markaa waxaad u baahan tahay umuliso ama dhaqtar.

Qodobkan ma ku caawiyay?

Mashruuca tallaabooyinka

Markaad uur leedahay Nederlaan