Laga soo xigtay: Canva
Qodob

Maxay qabataa goobta codbixinta iyo yaase ka shaqeeya?

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2025, 8:02 GD

Markaad codeyneyso Nederlaan, taasi waxaad ka sameyneysaa goobta codbixinta. Maalinta doorashooyinka waxaa ka jira Nederlaan goobaha codadka. Laakiin maxaa meesha ka dhacaaya iyo yaa ka shaqeeya? Qodobkan ayaa ka aqrineysaa.

Waad ka shaqeyn kartaa goobta codbixinta

Xafiiska codbixinta waxaa ka shaqeeya xubno ka mid ah guddiga codbixinta ee is diiwaan geliyey. Waxay hubiyaan cod-bixintaada iyo aqoonsigaaga. Sidoo kale, waxay xaqiijiyaan in wax walba si xasilloon u socoto iyo in codkaaga mid qarsoodi uu sii ahaado.

Haddii aad rabto inaad la shaqeyso goobta codbixinta, waa inaad:

  • Da'da 18 jir ama ka weyn ahaataa.

  • Inaad luqada Nederlaanka si fiican u taqaanaa.

  • Waa inaad tahay qof wax suga iyo caawiya oo awoodid inaad ku shaqeyso iyadoo cadadis jiro.

Waa inaad tababar ka qaadataa degmadaada haddii aad rabto inaad ka shaqeyso xafiiska codbixinta. Ma aha shardi inaad haysato shati qaran Dutch ah. Is-diiwaangelinta waxay sidoo kale ka dhacdaa degmada. Waxay go'aansadaan qofka heleya shaqooyinka kala duwan. Kadibna degmada ayaa ku martiqaadi doonta tababar bilaash ah.

Maxaad qabaneysaa markaad tahay shaqaalaha goobta codbixinta?

  • Waxaad soo dhawyneysaa dadka codbixiyayaasha.

  • Waxaad hubineysaa kaarka codbixinta iyo aqoonsiga.

  • Waxaad siinaysaa warqad codbixin.

  • Waxaad hubineysaa in cod bixiyaha uu warqada codbixinta geliyo sanduuqa.

  • Waxaad codbixiyaha ka caawineysaa haddii uu su'aalo qabo.

Waxaad kaloo noqon kartaa xubin goobta codbixiyaha oo keyd ah. Markaa degamada ayaa kuu yeeri doonta haddii uu qof ka maqnaado

Ma rabtaa inaad ogaato in goobta codbixinta uu kuu dhow yahay? Markaa ka aqri wixii dheeraad ah websaaytkan.

Waxaad kaloo u shaqeyn kartaa xisaabiyaha codadka maalinta doorashada

Xafiisyada codbixinta ayaa qaranka oo dhan furan laga bilaabo 7.30 illaa 21.00 saac. Kadib marka xafiisyada codbixintu xirnaadaan saacadu markay tahay 21.00, xubnaha xafiiska codbixinta waxay marka hore tirinayaan tirada codbixiyayaasha coddaysay (tan waxaa loo yaqaanaa 'ka qayb galka'). Kadibna cod xisaabiyayaasha waxay gacanta ku tirinayaan dhammaan warqadaha codbinta.

Haddii aad ka qaybqaadato guddiga doorashada, guddoomiyaha guddiga doorashadu wuxuu kuugu sharraxayaa waxa aad samaynayso. Kadib waxaad bilaabayso tirinta. Waxaad tirinaysaa codadka ilaa wax walba diyaar yihiin iyo degmada ay soo qaado sanduuqyada codbixinta.

Ka dib waxaa xisaabiyayaasha natiijada u shegayaan degmada iyo ka dibna ururka wadanga ee soo aruuriya codadka.

Tirinta waa mid u furan dadweynaha. Qof walba wuu aadi karaa inuu fiiriyo qaabka loo tirinaayo.

Lacag ayaad helaysaa haddii aad ka shaqeyso goobta codbixinta

Haddii aad ka shaqeyso xafiiska codbixinta, waxaad heli doontaa qarash guud. Inta aad heli doonto, waxay ku xiran tahay degmada.

  • Xubin ahaan oo goobta codbixinta waxaad inta badan heshaa inta u dhaxaysa €100 iyo €150.

  • Xisaabiye ahaan waxaad heleysaa ilaa €40.

Mararka qaarkood degmadu waxay sidoo kale bixisaa qado ama casho, ama waxaad heli doontaa qarash guud yar.

La soco: qarashka guud ma aha mid canshuur la'aan. waa inaad qarashkan ku buuxisaa daqligaaga canshuuraha.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful