
Waxaad codsatay magangalyo Ter Apel
Qodobkaan sii wadaaji
Waqtigan, codisga Ter Apel wuxuu qaataa 7-10 beri. Markaa ka dib waxey qaadataa 8 ilaa 1 wiig ilaa aad wareysiga koowaad la sameyneyso IND. Taasi waxaa lagu magacaabaa "wareysiga codsiga". Iyadoo dadka badan yihiin, ma jiro xero soo dhaweynta ee Ter Apel meel ku filan dadka dhan. Sidaa awgeed ayaa mar mar uu bas kuu qaadayaa ku geynaaya xarunta dhibaatada deg dega. Meeshaasi waxaad joogeysaa 7 ilaa 10 beri. Dib ayaa laguugu soo celinayaa Ter Apel si aad codsigaaga u dhameystirto.
Fadlan ogow, inta ka hadhay nidaamka boggan kuma khuseeyo haddii:
haddii aad ka timid wadan nabad ah sida ay qabto dawladda Nederlaan. Markaa kadib IND waxa ay go'aamin doontaa habraac kale. Habraaca soo haray ee ku qoran boggan kuma khuseeyo adiga.
haddii AVIM ay aragto in aad horay uga diiwaan gashan tahay wadan kale oo katirsan Yurub, IND ayaa go'aamineysa inaad hesho habraac kale. Habraaca soo haray ee ku qoran boggan kuma khuseeyo adiga.
Haddii aad ka yar tahay 18 oo aad joogtid Netherlands adoo lasocon waalidkaa ama masuul, waxaad tagi doontaa hoyga gaar ahaan loogu diyaariyey caruurta aan lalasocon. Tani waxa loo yaqaan xarunta hoyga ee caruurta aan qaangaadhin ee ajaanibta. Hoyga dhexdiisa, waxa jira qof ku daryeelaya oo kaa caawinaya ururka Nidos. Qofkani waxa loogu yeedhaa masuul. Qofkani wuxuu masuul ka yahay adiga haddii aan waalidkaa ama masuul kula joogin Netherlands.
haddii aad ka yar tahay 13 sano oo aad Nederlaan ku sugan tahay oo aadan haysan waalidiin ama qof mas'uul kaa ah, waxaad u tagi doontaa qoys ku koriya. Nidos ayaa kuu diyaarin doonta qoys ku koriya.
IND waa inay ku go'aamisaa codsigaaga magan-galyo 15 bilood gudohood
Kadib markaad saxiixdo codsigaaga magangalyada, waaxda Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND) waa inay go'aan ku gaartaa muddo 15 bilood gudaheeda ah. Tani waxaa loo yaqaanaa "muddada go'aan gaarista" IND. Tani waa waqti kama dambeys ah oo muhiim ah oo sharci loo dejiyey. Mararka qaarkood IND kuma guuleysato inay go'aan ku gaarto 15 bilood gudahood.
Waxaad markaa kadib siin kartaa IND fursada ugu dambeysa ee ay ku go'aamineyso codsigaaga magangalyada 2 toddobaad gudahood. Tani waxaa loo yaqaanaa 'ogeysiiska qaansheegadka'. Waxaad sidan ku sameyn kartaa adigoo warqad u diraya IND ama u marinaya foomka. IND go'aan maku gaari weyday 2 toddobaad gudahood? Markaa IND waa inay ganaax bixisaa. Tani waxaa loo yaqaanaa 'bixinta lacagta ganaaxa'. Taa waxaad uga dacwoon kartaa maxkamadda.
Kadib diiwaangelintaada Waaxda Booliska Socdaalka, Aqoonsiga iyo Qeybta Tahriibinta Dadka (AVIM), waa inaad sugtaa waraysigaaga ugu horreeya ee IND. Tani waxaa loo yaqaanaa "dhageysiga codsiga". Marki halkaas la marayo, waxa ay qaadataa 8 ilaa 12 toddobaad ka hor intaadan dhegeysiga codsiga ay kula yeelan IND. Waxaad joogi doontaa Xarunta Hoyga Dhexe (COL) ee kutaala Ter Apel ama hoyga degdegga ah (xasaradaha) oo kuyaala meel kale oo Nederlaan ah. Halkan waxaad ka heli doontaa meel aad seexato, wax aad cunto, daryeel caafimaad iyo hagitaan.
Fadlan ogow: Waxaad badanaa ku heli doontaa casuumada codsiga dhageysiga iimayl. Haddii aad galisid V-lambarkaaga webseedka COA , waxaad ku arki kartaa haddii aad heshay iimaylka hoygaaga. Marmarka qaar waxa jira liisas yaala qeybta qaabilaada ee xarunta hoygaaga oo ku qoran V-lambarada dadka helay e-maylka.