Laga soo xigtay: IND
Qodob

Waxaad wareysiga 1aad ee IND ku mareysaa Ter Apel

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/13/2025, 4:10 GD

Waxaad leedahay wareysiga 1aad ee Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND). Waqtiga wareysigan waxey IND ku weydiineysaa su'aalo adiga iyo safarkaaga Nederlaan ku saabsan.

Casumaada wareysiga

Waxaad boostada laguugu soo dirayaa casumaada wareysiga 1aad ee

. Waxaad warqadaasi boostada ka soo qaadaneysaa resebshanka xeradaada
dadka boostada loo soo diray. Waa inaad resebshanka aqoonsigaaga
tustaa si boostada kuu taala aad u soo qaadato

Waxaad kaloo fiirin kartaa MyCoa haddii ay boosto kuu taalo. Haddii aad ku qorto V-nambarka ku buuxisaa, ma arkeysaa baqshad cagaaran ama gaduud ah. Baqshada cagaaran waa micnaheeda tahay in boosto kuu taalo. Ma jirtaa baqshad gaduudan micnaheeda tahay inaan boosto kuu yaalin

My COA - ku noolaanshaha

Haddii aad nambarkaaga 'V-nummer' ku buuxiso websaaytka COA, waxaad arki kartaa in boosto ay kuu soo dhacday xeradaada.

Waxyaalahan ayey IND ku weydiineysaa wareysiga

Wareysiga waxey IND hubinayaan

ama in warbixinta. IND wareysigan su'aalo ay ku weydiinayaan su'aalo kugu saabsan. iyo xubnha reerkaaga. IND wareysiga 1aad kuma weydiineyso dhibaaatadaada oo faahfaahsan. Waxaad leedahay wareysi 2aad oo aad si faahfaahsan u sheegi karto.

Mudada wadahadalka ma joogo garyaqaan

Waxaad warreysiga1aad la yeelan doontaa IND kaligaa, qareen la'aan. Waxa kaliya oo aad heli doontaa qareen wax yar ka hor waraysiga 2aad.

Waxaa muhiim ah inaad wareysiga 1aad ee aad la yeelato IND isku wixii aad sheegto wareysiga 2aad. Tusaale ahaan dadka qoyskaaga. Mudada wareysiga ugu sheeg sida daacada ah qoyskaaga. Haddii aad ka dib weydiisaneyso mideynta qoyska, waxey IND fiirineysaa inaad dadkan qoyskaaga hore ugu sheegtay mudadii wadahadalka.

.

Sidan ayaa dokumentiyada IND ugu gudbineysaa mudada dacwada magangelyadoonka socdo

Boggan ka aqri dokumentiyadee aad u geyn karto IND. Iyo ka qaabka aad ugu geyneyso.

Waxaa jooga tarjumaan ku hadlaaya luqadaada ku hadla marka wareysiga IND aad leedahay

Shaqaalaha IND wuxuu su'aalaha kugu weydiinayaa luqada Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa adiga kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale wuxuu tarjumayaa jawaabtaada luqada Nederlaanka. Tarjumaanku wuu madaxbanaan yahay, uma shaqeeyo IND oo wax daqli ah kuma laha go'aanka codsigaaga magangelyada. Maadaama ay tarjumaanada aad u mashquul yihiin wey dhcdaa in kugu soo aado tarjumaan lahjad kale ku hadla. Isla markii sheeg haddii adiga iyo tarjumaanka aadan si fiican isu fahmeynin. Sababtoo ah waa muhiim inaan is afgaranwaa uusan imaan maadaama tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin.

Carruurta kula safraysa waxaa iayagana lala yeelan karaan waraysi

Dacwada magangelyada waxaa loogu talo galay dadka waaweyn, maadaama IND gaar ahaan ula hadasho dadka waaweyn. Laakiin waxaa jira caruur la soo qaxay waalidkooda, waxaa markaa ay xaq u leeyihiin wareysi u gaar ah la yeeshaan IND. Ilmaha qasab kuma aha wadahadalka IND iney maraan hadeysan rabin. Laakiin waa IND waa iney weydiisaa ilamah iyo waalidka.

Ilmaha laga bilaabo da' da 15 jir waa la weydiiyaa haddii ay rabaan wareysi u gaar ah iney rabaan in INDla yeelato

Ilmaha si toos ah loogama qaado wareysi. Waxaa IND weydiineysaa wareysiga 1aad hore u weydiineysaa inay ka weyn da' da 15 jirka ay rabaan wareysi u gaar ah sababo ay jiraan ay u soo qaxeen. Sidoo kale haddii ay wareysi 2aad rabaan in IND ka qaado oo qaxitaankooda ku saabsan.

Ilmaha u dhaxeeya da' da 12 jir ilaa 15 jir waa la weydiiyaa waalidkooda haddii ay rabaan wareysi u gaar ah iney rabaan in INDla yeelato

Waxaa IND la rabaa inta lagu jiro wareysiga 1aad iney ilmaha u dhaxeeya 12 iyo 15 jir inay xagga waalidka ka weydiiyaan iney wareysi rabaan. Haddii IND aysan waalidka weydiinin wareysiga 1aad, laakiin ilamaha uu rabo wareysi in laga qaado, waxaa taasi bilowga dacwada loogu soo gudbin karaa IND xagga garyaqaanka. Taasi badiyaa. waa ilamah u dhaxeeya 12 ilaa 15 jir ma aha wareysi gaar ahaan ah oo shaqaale IND. Badiyaa ilamah waxaa fursad loo siiyaa iney warqad ku soo qoraan waxa ay rabaan iney sheegaan.

Waxaa jira muddo dheer oo sugitaanka IND

Waxaad celcelis sugeysaa 20 wiig wareysigaaga koowaad ee IND.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful