
IND waxay hubineysaa in codsigaaga magangalyada lagu baaraandegaayo habka xuduudaha
La wadaag baraha bulshada:
Ka dib markaad iska diiwaangeliso Boqortooyada Netherlands Marechaussee, IND waxay qiimeyneysaa in codsigaaga magangalyada lagu socodsiin doono nidaamka xuduudaha. Maqaalkan, waxaad ka akhrisan doontaa waxa IND ay tixgeliso. Waxaad sidoo kale akhrin doontaa marka IND ay go'aansan karto in hab magangalyo oo ka duwan uu ku habboon yahay xaaladdaada.
Waxaa IND eegeysaa xaaladaada
Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND) wuxuu hubiyaa in codsigaaga magangalyada lagu socodsiinayo nidaamka xuduudaha. IND waxay eegaysaa, tusaale ahaan
Cidda aad tahay;
Da' daada;
Hadaad keligaa timid ama qoyskaaga la socoto
Hadey carruurtaada kula socdaan;
Caafimaadkaaga;
Haddii aad u baahan tahay taageero dheeraad ah;
Haddii IND codsigaaga uga baaraandegi karto habka xuduudaha;
Mararka qaar codsigaagu wuxuu ku jiraa nidaamka xuduudaha. Mararka qaar IND waxay go'aansataa in hab magangelyo oo kale uu ku habboon yahay.
Da'yarka badanaa lagiumo daro nidaamka xaduudka
Ma ka yar tahay 18 sano oo ma kaligaa ayaad timid Nederland? Markaa badanaa ma gasho nidaamka xuduudaha
Ma waxaad la imaanaysaa qoyskaaga oo ma jiraan carruur da'doodu ka yar tahay 18 sano? Haddii ay sidaas tahay, IND badanaa kama shaqeyso codsigaaga nidaamka xuduudaha. Kadib waxaad aadi doontaa goob qaabilaad oo kale. IND waxay markaa codsigaaga ku farsameyn doontaa hab magangalyo oo kale, tusaale ahaan habka magangalyada ee caadiga ah ama habka magangalyada ee la dedejiyay ee
Mararka qaar IND waxay codsigaaga ka baaraandegtaa habka xuduudaha. Tusaale ahaan, haddii IND ay shaki ka qabto inaad runtii tihiin kuwo wada jira oo qoys ahaan ah.
Dadka nugul mararka qaarkood kuma sii jiraan nidaamka xuduudaha
IND waxay go'aansan kartaa inaysan kuu ogolaan inaad ku sii jirto nidaamka xuduudaha haddii aad aad u nugul tahay. Tusaale ahaan, dhibaatooyin nafsi ah awgood, dhibaatooyin caafimaad, ama sababtoo ah waxaad ahayd dhibane rabshado
U sheeg qareenkaaga ama VluchtelingenWerk sida ugu dhakhsaha badan haddii aad u baahan tahay caawimo dheeraad ah.
Haddii aadan ku sii jiri doonin nidaamka xuduudaha
IND ma go'aamisaa in codsigaaga aan laga sii shaqeyn doonin habka xuduudaha? Markaa badanaa waxaad aadi doontaa goob kale oo qaabilaad ah
Codsigaaga magangalyada waxaa lagu sii wadi doonaa hab magangelyo oo kale. IND ayaa kuu sheegi doonta habka adiga kugu habboon.
Haddii aadan wax fahmin habka weydiiso caawino
Waxaa laguu xilsaaray qareen laga bilaabo bilowgii nidaamka xuduudaha. Miyaadan fahmin sababta aad ugu jirto nidaamka xuduudaha? Mise ma fahantay sababta aad ugu guurayso nidaam kale? Haddii ay sidaas tahay, kala hadal qareenkaaga sida ugu dhakhsaha badan
Waxaad sidoo kale caawino weydiisan kartaa VluchtelingenWerk.
Waxaa jooga tarjumaan ku hadlaaya luqadaada ku hadla marka wareysiga IND aad leedahay
Shaqaalaha IND wuxuu kugu weydiinayaa su'aalaha Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa su' aalahani kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale jawaabtaada wuu ku tarjumayaa Nederlaanka. Tarjumaanka waa madax banaan yahay, tarjumaanka uma shaqeeyo IND iyo wax awood ah kuma laha go'aanka codsigaaga magangelyada laga gaaro.
Mararka qaar waxaad heleysaa turjumaan ku hadla lahjad ka duwan. Isla markiiba sheeg haddii adiga iyo turjumaanka aadan si fiican isu fahmin. Waa muhiim in aan isfaham la'aan dhicin sababtoo ah adiga iyo turjumaanka si fiican isuma fahamtaan
Mudada wadahadalka ma joogo garyaqaan
Waxaad warreysiga1aad la yeelan doontaa IND kaligaa, qareen la'aan. Waxa kaliya oo aad heli doontaa qareen wax yar ka hor waraysiga 2aad.
Waxaa muhiim ah inaad wareysiga 1aad ee aad la yeelato IND isku wixii aad sheegto wareysiga 2aad. Tusaale ahaan dadka qoyskaaga. Mudada wareysiga ugu sheeg sida daacada ah qoyskaaga. Haddii aad ka dib weydiisaneyso mideynta qoyska, waxey IND fiirineysaa inaad dadkan qoyskaaga hore ugu sheegtay mudadii wadahadalka.
.
Sidan ayaa dokumentiyada IND ugu gudbineysaa mudada dacwada magangelyadoonka socdo
Waxaa suura gal ah inaad dacwad gaaban gasho
IND miyay u malaynaysaa inaad ka timid
Ma u maleyneysaa IND inaad hore magangalyo uga codsatay waddan kale oo Yurub ah? Ama in aad sharci degenaansho u haysato wadan kale oo EU ah? IND waxay markaas ka baaraandegi doontaa codsigaga magangalyada