
Waxaad wareysiga 1 aad ee dacwada magangelyodoonka IND ku mareysaa Schiphol
Goobta xiran ee Schiphol waxay kaloo ka kooban tahay xafiiska Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND). Waxaad la yeelan doontaa wadahadal oo ku saabsan codsigaaga magangelyo. Inta lagu jiro wareysiga 1 aad, IND waxay ku weydiineysaa su'aalo adiga kugu saabsan iyo duulimaadkaaga Nederland. Waxayna IND hubineysaa in macluumaadkaagu sax yahay.
Waxyaalahan ayey IND ku weydiineysaa wareysiga
Wareysiga waxey IND hubinayaan
Waxaa jooga tarjumaan ku hadlaaya luqadaada ku hadla marka wareysiga IND aad leedahay
Shaqaalaha IND wuxuu su'aalaha kugu weydiinayaa luqada Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa adiga kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale wuxuu tarjumayaa jawaabtaada luqada Nederlaanka. Tarjumaanku wuu madaxbanaan yahay, uma shaqeeyo IND oo wax daqli ah kuma laha go'aanka codsigaaga magangelyada. Maadaama ay tarjumaanada aad u mashquul yihiin wey dhcdaa in kugu soo aado tarjumaan lahjad kale ku hadla. Isla markii sheeg haddii adiga iyo tarjumaanka aadan si fiican isu fahmeynin. Sababtoo ah waa muhiim inaan is afgaranwaa uusan imaan maadaama tarjumaanka iyo adiga si fiican isu fahmeynin.
Tan ayaa muhiim ah inaad ogaato si aad isu diyaariso
Waxaad warreysiga1aad la yeelan doontaa IND kaligaa, qareen la'aan. Waxa kaliya oo aad heli doontaa qareen wax yar ka hor waraysiga 2aad.
Waxaa muhiim ah inaad wareysiga 1aad ee aad la yeelato IND isku wixii aad sheegto wareysiga 2aad. Tusaale ahaan dadka qoyskaaga. Mudada wareysiga ugu sheeg sida daacada ah qoyskaaga. Haddii aad ka dib weydiisaneyso mideynta qoyska, waxey IND fiirineysaa inaad dadkan qoyskaaga hore ugu sheegtay mudadii wadahadalka.
.
Sidan ayaa dokumentiyada IND ugu gudbineysaa mudada dacwada magangelyadoonka socdo