
Waxaad wareysi la leedahay IND kaasoo ku saabsan codsigaaga magangelyo
La wadaag baraha bulshada:
Inta lagu jiro wareysigaaga, IND waxay ku weydiineysaa su'aalo ku saabsan codsigaaga magangalyada. Maqaalkan, waxaad ka akhrisan kartaa waxa dhaca inta lagu jiro wareysiga. Waxaad sidoo kale akhrin doontaa waxaad sameyn karto haddii aadan wax fahmin, aad u baahan tahay nasasho, ama haddii wax ka khaldan yihiin wareysiga.
Laga bilaabo wareysiga labaad dacwada magangelyada Schiphol soconeysaa 6 beri
Waxaa ku mareysaa Schiphol wadahadal faahfaahsan oo
Waxaa jooga tarjumaan ku hadlaaya luqadaada ku hadla marka wareysiga IND aad leedahay
Shaqaalaha IND wuxuu kugu weydiinayaa su'aalaha Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa su' aalahani kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale jawaabtaada wuu ku tarjumayaa Nederlaanka. Tarjumaanka waa madax banaan yahay, tarjumaanka uma shaqeeyo IND iyo wax awood ah kuma laha go'aanka codsigaaga magangelyada laga gaaro.
Mararka qaar waxaad heleysaa turjumaan ku hadla lahjad ka duwan. Isla markiiba sheeg haddii adiga iyo turjumaanka aadan si fiican isu fahmin. Waa muhiim in aan isfaham la'aan dhicin sababtoo ah adiga iyo turjumaanka si fiican isuma fahamtaan
Sidan ayaa 6 da beri u soconayaan laga bilaabo wareysiga 2aad
Maalinta 1: wareysiga 2aad ee IND ayaa leedahay
Maalinta 2. Waxaad kala hadlaysaa wareysiga 2aad qareenkaaga
Qareenkaaga ayaa kaala hadli doona wqoraalka IND ee wareysiga 2aad. Inta lagu jiro wada hadalkan, tarjumaan ayaa sidoo kale kaa caawin doona inuu kuu turjumo wax kasta oo adiga iyo qareenka aad isdhaafsataanaan. Haddii ay wax ka maqan yihiin warbixinta ama aan si sax ah loo qorin, qareenkaaga ayaa tan u gudbin doona IND.Maalinta 3: IND waxay samaysaa go'aanka koowaad
IND waxay qiimeysaa inaad buuxisay shuruudaha ogolaanshaha joogitaanka magangalyada. Waxaa jira 3 doorasho: oggolaansho, diidmo ama iney u baahan waqti dheeraad ah.Maalinta 4: Qareenkaaga ayaa ka jawaabaya go'aanka koowaad ee IND
Hadii IND ay qorshaynayso inay soo diido codsigaaga magangalyada, kala hadal qareenkaaga. Qareenkaaga ayaa markaa ka jawaabi kara warqad go'aanka koowaad ee IND. Warqadan waxaad ku sharaxaysaa sababta aad u ogolayn go'aankan.Maalinta 5 iyo 6: Goáanka kama dambeyska ee IND
Waxa IND go'aamineyaa inaad buuxisay shuruudaha ogolaanshaha ee sharciga magangelyada. waxaa suura gal ah 3: ogolaansho, diidmo ama waqti dheeraad.
Haddii IND u baahan tahay wakhti dheeraad ah, codsigaaga magangelyo