
Waxaad wareysiga 1 aad ee dacwada magangelyodoonka IND ku mareysaa Schiphol
La wadaag baraha bulshada:
Goobta xiran ee Schiphol waxay kaloo ka kooban tahay xafiiska Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND). Waxaad la yeelan doontaa wadahadal oo ku saabsan codsigaaga magangelyo. Inta lagu jiro wareysiga 1 aad, IND waxay ku weydiineysaa su'aalo adiga kugu saabsan iyo duulimaadkaaga Nederland. Waxayna IND hubineysaa in macluumaadkaagu sax yahay.
Waxyaalahan ayey IND ku weydiineysaa wareysiga
Wareysiga waxey IND hubinayaan
Waxaa jooga tarjumaan ku hadlaaya luqadaada ku hadla marka wareysiga IND aad leedahay
Shaqaalaha IND wuxuu kugu weydiinayaa su'aalaha Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa su' aalahani kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale jawaabtaada wuu ku tarjumayaa Nederlaanka. Tarjumaanka waa madax banaan yahay, tarjumaanka uma shaqeeyo IND iyo wax awood ah kuma laha go'aanka codsigaaga magangelyada laga gaaro.
Mararka qaar waxaad heleysaa turjumaan ku hadla lahjad ka duwan. Isla markiiba sheeg haddii adiga iyo turjumaanka aadan si fiican isu fahmin. Waa muhiim in aan isfaham la'aan dhicin sababtoo ah adiga iyo turjumaanka si fiican isuma fahamtaan
Mudada wadahadalka ma joogo garyaqaan
Waxaad warreysiga1aad la yeelan doontaa IND kaligaa, qareen la'aan. Waxa kaliya oo aad heli doontaa qareen wax yar ka hor waraysiga 2aad.
Waxaa muhiim ah inaad wareysiga 1aad ee aad la yeelato IND isku wixii aad sheegto wareysiga 2aad. Tusaale ahaan dadka qoyskaaga. Mudada wareysiga ugu sheeg sida daacada ah qoyskaaga. Haddii aad ka dib weydiisaneyso mideynta qoyska, waxey IND fiirineysaa inaad dadkan qoyskaaga hore ugu sheegtay mudadii wadahadalka.
.
Sidan ayaa dokumentiyada IND ugu gudbineysaa mudada dacwada magangelyadoonka socdo
Waxaa suura gal ah inaad dacwad gaaban gasho
IND miyay u malaynaysaa inaad ka timid
Ma u maleyneysaa IND inaad hore magangalyo uga codsatay waddan kale oo Yurub ah? Ama in aad sharci degenaansho u haysato wadan kale oo EU ah? IND waxay markaas ka baaraandegi doontaa codsigaga magangalyada