Laga soo xigtay: Marchalilah
Qodob

Tani waa inaad ogaataa haddii aad joojineyso waxbarasho ama aad tababar cusub aad sameyn rabto

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/29/2025, 3:01 GD

Haddii aad rabto inaad wax ka barato Nederlaan, waxyaalo badan waa inaad sii habeysaa. Waa inaad iska qortaa tababarka, bixisaa qarashka waxbarashada iyo mar mar waxaad heli kartaa dhaqaale ardayda. Sidoo kale haddii aad waxbarashada joojineysaa, waxaa jiro nidaamyo. Qodobkan ayaad ka aqrineysaa wixii dhaqaale ah ee lagaa rabo inaad habeysaa haddii aad waxbarasho bilaabeyso ama joojineyso.

Joojinta waxbarashadaada sanadka ugu horeeya

Mar mar kuuma suura geleyso tababarka? Taasi waa suura gal, laakiin sameyka hor 1 febraayo ee fasalka koowaad oo waxbarashada.

Haddii aad waqtiga la rabo joojiso, markaa waxaad

iyo
waxey noqon doontaa hadiyad. Tani waxey micnaheeda tahay inaadan qasab kugu ahayn inaad lacagtaasi dib u bixiso. Taasi waxaa la yiraahdaa habeynta sannadka koowaad "eerstejaarsregeling". Markaa safarka ardayga waxey noqoneysaa hadiyad.

Fiiro gaar: waa inaad deynta dib u bixisaa.

Nidaamkan joojinta waxbarashada waxada keliya isticmaali kartaa hal mar

, iyo hal mar
ama
).

Dhigishada tababar cusub

Tababarka kuguma habboona? Markaa tababrka waad bedelan kartaa. Markaa

looma baahna inaad joojiso, haddii ugu badnaan 4 bilood u dhexeeya labada tababar.

Sidan ayaad wax u baran kartaa iyada oo aan hakad lahayn adiga oo kaashanaya

.

Ma rabtaa inaad waxbarashada joojiso?

Markaad iska tireysid tababarka

Haddii aad joojineyso tababarka-mbo, waa inaad iska tirtaa iskuulkaaga. Waxaad iskaga tiri kartaa xagga websaaytka iskuulka ama la xariiri kartaa iskuulkaaga.

Ma ku jirtaa waxbarasho hbo ama wo- waxbarasho? Markaa waa inaad iska tirtaaStudielink

.

Joojinta qarashka ardayda ee DUO

Qarashka ardayda iskeeda uma joogsaneyso. Waa inaad adiga iskaaga u habeysaa.Mijn DUO

waxaad isticmaaleysaa
iyo waxaad joojineysaa qarashka ardayda maalinta ugu dambeysa ee bisha aad weli waxbarashada ku jirto.

Dib u bixinta ama deeqda hadiyadda ee qarashka ardayda

Haddii aad dhigato mbo 1 ama 2, markaas deeqdaada aasaasiga ah, badeecada safarka iyo deeqda dheeraadka ah had iyo jeer waa hadiyad. Laakiin haddii aad dhigato mbo 3 ama 4, hbo ama jaamacad, markaas deeqdaada iyo badeecada safarka waxay noqon doonaan hadiyad haddii aad shahaadadaada ku hesho 10 sano gudahood. Markaas ma tahay inaad dib u bixiso. Amaahdaada waa inaad had iyo jeer dib u bixisaa.

Jooji badeecada safarka ardayga haddii aad joojiso waxbarashada

Ma joojinaysaa waxbarashadaada? Haddii ay sidaas tahay, sidoo kale jooji badeecadaada safarka ardayga. Tani samee ka hor ama maalinta shanaad ee bishan aad xaq u lahayn inaad heshid badeecadan safarka. Tani waxaad ku sameynaysaa mashiinka qaadashada kaarka OV-chipkaart.

Ma ka soo daahday? Markaa waxaad heli doontaa ganaax dhan €81 ilaa €179 bisha nuskiisa.

dib u helida lacagta casharka ama lacagta waxbarashadahaddii aad joojiso waxbarashada

Barnaamijyada waxbarashada farsamada gacanta (MBO), mararka qaarkood waxaad dib u heli kartaa (qayb) qarashkii ah. Tan ka codso DUO ka hor maalinta ugu dambeysa ee sanad dugsiyeedka.

Tababarada hbo-ama jaamacad waxaad lacag celinta ka codan kartaa iskuulka ama jaamacadda

Deynta waxbarashada bixinteeda marka aad waxbarashada dhameyso

Ma joojineysaa waxbarashada iyo ma rabtaa inaad ka dib dib u bilowdo? markaa wxaad heleysaa laba sano oo aad ka soo fekerto. Ka dib waxaa bilaabanaaya dib u bixinta deynta waxbarashada.

Waxaad bilaabeysaa dib u gudista 1 janaayo sannadka ka dib aad waxbarashada joojisey ama qalin jibisay. Deynta waxaad u bixineysaa qeybo ahaan.

Waxaad ugu badnaan heysataa 35 sano oo aad ku bixiso deynta waxbarashada ku bixiso. Inta aad bixineyso, waxey ku xiran tahay dakhligaaga iyo xaalada nololeed.

Waad sii wadan kartaa waxbarashada

Ma rabtaa inaad wax sii barato? Taasi waa awoodaa! waxbarashadaada ka dib waxbarasho cusub ayaad bilaabi kartaa. Tusaale ahaan darajo sare ama waxbarasho kale.

Ma sii heysataa shahaado hbo-ama Jaamcadeed? markaa waxaad qaadan kartaa tababar master. Waxaad kaloo heli kartaa taageero dhaqaale ah.

Haddii aad tababar cusub ama master-ka aad dhiganeyso,la socodsii waxbarashadaada cusub ka hor intaadan iska tirin tababarkaaga qadiimka xagga DUO. Sidaa ayaa kuugu sii socon doontaa helitaanka qarashka waxbarashada sidoo kale waadna ku sii safri kartaa badeecada safarka ardayda.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful