Laga soo xigtay: Canva
Qodob

Tani waa inaad sii habeysaa haddii aad rabto inaad wax ka barato hbo ama jaamacadda

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 10/29/2025, 3:02 GD

Haddii aad rabto dhigato tababarka hbo ama jaamacadda, waa in sharuudaha gaar ah ka soo baxdaa. Waxaad la kulmeysaa qarashka sida lacagta kulliyada iyo sharuudaha gelitaanka. Maqaalkani waxa uu sharxayaa sida aad isu diiwaangelineyso, waxa aad habeyneyso iyo waxa aad qarashka ku bixineyso. Iyo caawinaada dhaqaalaha aad heli karto.

Haddii aad

ama
rabto inaad dhigato, waa inaad iska qorta xagga onlaynka qeybtaStudielink. Halkaa ayaa ku geleysaa
, tani waa inaad hore u weydiisatay. Ka dib waxaad dooraneysaa tababarka iyo iska qoreysaa. Haddii aad agoosto ama sebtembar aad tababarka bilaabi rabto, waa inaad ka hor 1 maajo iska diiwaangelisaa. Iskuulka ama jaamacadda aad iska qoreysaa, ayaa fiirinaaya inuu diiwaangelintaada iyo sharuudaha inaad ka soo baxeyso.

Xaaladaha qaarkood waxaa jira doorasho maadaama boosas kooban ay jiraan. Mar mar ayaa jira imtixaano sii ogolaanshaha. Waxaa suura gal ah in tababaradaasi la rabo mar hore la isa sii qoro, mar walba la soco websaaytka tababarka waxbarasho aad rabto. Ma laguu doortay waxbarashadaasi? Markaa waa inaad Studielink badiyaa 2 wiig gudahooda booskaaga ka ogolaataa.

Mar mar laba waxbarasho ayaad isku mar sameyn kartaa. Laakiin tababarada sida caafimaadka, dhaqtarka ilkaha, fiisoterabiga iyo nadaafada afka keliy hal waxbarasho ayaad dooran kartaa.

Si laguugu ogolaadao inaad wax barataaa, waa inaad kharashka waxbarashada bixisaa

Haddii aad dhiganeyso tababarka hbo-ama tababar jaamacadda, taasi waxa la yiraahdaa lacagta waxbarashada. wuxuu sannad dugsiyeedka 2025-2026 yahay lacagta kulliyada € 2.601. Markaad is diiwaangeliso waxaad ka bixineysaa xagga Studielink. Waxaad dooran kartaa hal mar inaad bixiso ama 9 qeybood.

Taageerada dhaqaalaha waa suura gal

Sharci deganaansho heystaha

Haddii aad haysato sharci deganaansho oo aad wax baraneyso, waa inaad lacagta casharka (collegegeld)bixisaa. Waxbarashada Nederlaan lacag la'aan ma aha

Ma heysataa lacag ama shaqo? Markaa adigaa iska bixin kara waxbarashada. Ma heysatid lacag ama shaqo? Markaa lacag ayaad ka deynsan kartaa

. Lacagtani waa inaad dib u bixisaa waxbarashada ka dib, mar mar iyadoo uu ku darsamay faa'iido

Lacagta deynta ma aha keliya waxbarashadaada, sidoo kale qarashka sida ijaarka, buugaagta iyo gaadiidka. Taasi waxa loo yaqaanaa

wuxuu ka koobnaan karaa deyn,
iyo

Waxaad taageeradan heli kartaa haddii da'daada u dhexeyso 18 iyo 30 sano oo aad

dhiganeyso. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad wiiga oo dhan aad ku hawlan tahay waxbarasho iyo kulliyada

Haddii aad ka weyn tahay 30, markaa xaq uma lihid taageerada waxbarashad. Weli ma rabtaa

inaad dhigato iyo iskama biin kartid lacagta kulliyada? markaa waxaad dalban kartaadeynta waxbarashada nolosha oo dhan. Ma ahan inaad 57 sano ka weyn tahay. Waxaa deynsan ilaa xadka ugu badan ee kartaa lacagta kulliyada sannadkii. Markaa ma heleysid deyn lacagta buugaagta ama safarka

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan taageerada maaliyadeed ee dawladda waxaa laga heli karaa ee maqaalkan.

Haddii aadan weli sharcianaansho heysanin ama aad ka timid Yukrayn, markaa xaq uma lihid taageero dhaqaale

Ma tahay magangelyodoon ama Yukreeniyaan? Markaa xaq uma lihid dhaqaale waxbarasho. Waa inaad qarashka waxbarasho iyo qarashyada kale si kale iskaaga u bixisaa.

Ma awoodidi iyo shaqo ma heysid? Markaa waxaad weydiisan kartaa in lagaa dhaafo

xagga
. waxaase jira dhowr sharuudood. Sharuudahan waxaa ka heleysaa websaaytka DUO.

Haddii aad rabto inaad hbo ama jaamacadda wax ka barato, waa inaad Nederlaanka- B2 ku hadli kartaa

Ma rabtaa inaad dhigato darajada hbo ama jaamacadda? Markaa waxaad u baahan tahay darajada luqada B2. Iskuulada-Hbo iyo jaamacadaha waxey weydiiyaan badiyaa

Iskuulada iyo jaamacadaha iyagaa go'aamin kara nooca sharuudo luqada ay rabaan.

Ma rabtaa inaad tababar qaadato? Markaa la xariir iskuulka ama jaamacadda iyo weydii sharuuda jira. Sharuudaha iskuul walba waa kala duwanaan karaan.

Ma dhiganeysaa tababar inglishka lagu qaato? Markaa la xariir iskuulka ama jaamacadda aad rabto inaaad wax ka barato. Markaa ayaad ogaaneysaa drajada luqada lagaa rabo iyo sidii aad ku muujin karto inaad heysato darajadasi.

U diyaar garow waxbarasho sare ama jaamacadda oo eh sannad xariirin ah

Haddii aad rabto waxbarasho hbo- ama jaamacad dhigato, waxaa fudud inaad sameyso sannad xariirin ah. Waxaad sannadkaasi u dhiganeysaa haddii tababrka uu tallaabo weyn yahay. Sannadka xariirinta waxaad tusaale baraneysaa af Nederlaanka, Inglishka iyo meherado muhiim ah. Warbixin dheeraad waxaa ka heleysaa websaaytka UAF

.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful