Mideynta qoyska iyo sameynta qoyska

Ma haysataa sharci deganaansho magangelyo oo ma rabtaa inaad qoyskaaga (lamaanahaaga iyo carruurtaada) inaad keento Nederland? Markaa waxaad codsan kartaa dib u mideynta qoyska si aad u hesho magangalyo iney ka dib kuu imaadaan "nareis". Tilmaamaha tallaabo-tallaabo ee "Codsashada dib u mideynta qoyska ka dib imaanaaya 3 bilood gudahood marka aad hesho sharcigaaga deganaanshaha" ee boggan ku yaal ayaa sharxaya sida loo sameeyo tan.

Ma rabtaa in xubnaha kale ee qoyskaaga ee kugu tiirsan ay yimaadaan Nederland? Markaa raac qorshaha tallaabo-tallaabo ah .

Haddii IND ay aaminsan tahay inaad codsigaaga la soo daahday, ama haddii qoyskaagu sameysmay ka dib markaad Nederland timaaddo waxaan ugu yeernaa( sameynta qoyska) "gezinsvorming". Waa inaad codsataa " reguliere aanvraag gezinshereniging", " Akhri tilmaamahan tallaabo-tallaabo

Maqaalkani wuxuu sharxayaa noocyada kala duwan ee codsiyada.


Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (4)

Warbixin


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful