
Fiiri haddii aad ka soo baxeyso sharuudaha dhisida qoyska
La wadaag baraha bulshada:
Ma ku eedahay lamaane dibadda oo ma rabtaa in lamaanahaaga imaado Nederlaan? Waa inaad sharci deganaansho u weydiisaa lamaanahaaga. Codsigaasi waxaad ka sameyneysaa IND. Boggan ayaa ka aqrineysaa waxa ay yihiin sharuudaha dhisida qoyska Nederlaan.
Kuwani waa shuruudaha dhismaha qoyska
Waad weydiisan kartaa Nederlaan dhisida reerka haddii aad tahay muwaadin Nederlaan ama aad sarci deganaansho heysato. Waxaad ka weydiisaneysaa
Waxaad xariir la sameysatay lamaanahaaga ka dib markii aad Nederlaan timid. Waad isqabtaan, waxaad leedihiin lamaanka diiwaangashan ama waxaad leedihiin xariir sugan (aanad is qabin).
Lamaanahaaga wuxuu heystaa baasaboor sax ah.
Adiga iyo lammaanahaaga waxaad labadiinuba jirtaan 21 sano ama ka weyn.
Adiga iyo lamaanahaaga waxaad ku wada noolaan doontaan Nederland isku cinwaan.
Waad ka soo baxeysaa sharuudaha dakhliga:
Dahkligaagu waa mid madax banaan: waxaad heysataa shaqo ama shaqeysataa dakhli iskaaga, iyo waxaad bixisaa canshuurta iyo khidmooyinka.
Dakhligaaga waa mid waara: Waxaad sii wadi doontaa inaad hesho dakhligan muddo dheer.
Dakhligaag waa ku filan yahay: waa inaad ugu yaraan € 2.245,80 bishii oo buuxa (marka laga reebo lacagta fasaxa), markaasi koleyba waxaa shaqeysaa wax kugu filan. haddii aad ka yar shaqeysaa waxey IND fiirineysaa iney adiga iyo lamaanahaag idinku filan tahay.
Adiga ayaa tixraac u ah lamaanahaaga. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad adiga codsiga mas'uul ka tahay.
Lamaanahaaga waa inuu ku baasaa imtixaanka asaasigaisdhexgalka bulshada ee dibadda haddii aad adiga muwaadin Nederlaan tahay. Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo? Markaa looma baahna in lamaanahaaga sameeyo imtixaanka asaasiga ee isdhexgalka bulshada. Laakiin waa inaad weydiisataa in laga fasaxo.
Iyadoo ay ku xiran tahay jinsiyada lamaanhaaga, waa in iyada ama asaga marka uu imaado Nederlaan baaritaan caafimaad sameeyaa oo qaaxada ah
.(baaritaan-TB)