Laga soo xigtay: Canva
Qodob

Aruuri dokumnetiyada dhisamaha qoyska

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/5/2025, 6:30 GD

Codsiga loogu talagalay dhisida qoyska, waa inaad soo dirto caddaymo dheeri ah oo aan kaliya ahayn foomka codsiga ee IND. Kuwani waa dukumiintiyo muujinaya aqoonsiga lamaanahaaga iyo xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo lamaanahaaga. Dukumiintiyadan waxay muujinayaan in aad buuxisay dhammaan shuruudaha.

Waa inaad soo koobiga aqoonsigaaga iyo kan lamaanhaaga

  • Koobi baasaboorkaaga ama aqoonsigaaga.

  • Koobiga baasaboorkaaga iyo kan lamaanhaaga. Waa inaad koobiga bogga macluumaadkaaga iyo dhamaan boggaga leh shaabada safarka soo dirtaa.

Waa inaad soo dirtaa koobiga heshiiskaaga shaqada

Waa inaad cadeysaa inaad dakhli kugu filan leedahay. Dokumentiyada aad soo direysaa, waxey ku xiran tahay xaaladaada:

  • Haddii uu heshiiskaaga shaqada 12 bilood ama ka badan sii soconaayo, markaa waa inaad soo dirtaa koobiga heshiiskaaga shaqo ee hadda.

  • Haddii heshiiskaaga shaqo socdo inta u dhexeysa 6 iyo 12 bilood, markaa waa inaad heshiiska hadda iyo kii (kuwii) hore ee 12 bilood la soo dhaafay aad soo dirtaa. Halkan waxaa kaloo u baahan tahay cadeynta shaqo siiyahaaga ay ku taalo inaad 6 bilood ee soo socda aad shaqo heysato.

  • Haddii heshiiskaagu ka yar yahay 6 bilood ama aad ka shaqeyneyso xafiiska shaqaaleynta, markaas waa inaad nuqul ka mid ah heshiiskaaga hadda heysato soo dirtaa.

  • Haddii aad leedahay ganacsi adiga kuu gaar a ama aad iskaa u shaqeysato, waa inaad soo dirtaa xisaabaadka faa'iidada iyo khasaaraha ee sannad maaliyeedka lagu jiro, sannad maaliyeedka sannadki hore, iyo kii ka sii horeeyey.

Waa inaad sidoo kale koobiga waraaqaha mushaharka iyo dakhligaaga aad soo dirtaa

Tani sidoo kale, waxey ku xiran tahay xaaladaada:

  • Haddii heshiiskaaga uu weli 12 bilood ama ka badan socdo markaa waa inaad waraaqaha mushaharka ee 3 bilood ugu dambeysey soo dirtaa. Daqliga aan joogtada ahayn waa in aad 12 kii bilood ugu dambeeyey soo dirtaa.

  • Haddii heshiiskaaga shaqada uu socdo inta u dhaxeysa 6 iyo 12 bilood markaa waa inaad dhamaan waraaqaha mushaharka ee 12 bilood ee la soo dhaafay iyo bayaan sannadeedka ugu dambeeyey soo dirtaa.

  • Haddii heshiiskaagu ka yar yahay 6 bilood, aadna si dabacsan u shaqeyso ama aad ka shaqeyso xafiis shaqo-bixin, waa inaad soo dirtaa dhammaan warqadaha sanadlaha ah ee 3-dii sano ee ugu dambeysay iyo koobiyo ka mid ah dhammaan heshiisyada 3-dii sano ee la soo dhaafay.

  • Ma leedahayy ganacsi kuu gaar ah ama ma tahay qof madax banaan u shaqeeya? Markaa waa inaad soo dirtaa canshuur gudbinta (dakhliga canshuurta) iyo xisaabta faaíido iyo khasaaraha ee 3 sano la soo dhaafay. Iyo kuwa ku meel gaarka ah iyo kuwa rasmiga ah.

Sidoo kale waa inaad cadeynta dirtaa Bangiga ceymiska Sociale Verzekeringsbank

Waa inaad cadeynta bixinta guud ee buughaynta mushaharka soo dirtaa

. Mushaharkaaga Sociale Verzekeringsbank waa inuu ugu yaraan ahaadaa € 2.245,80 oo buuxa bishii. Qarashaka dakhliga wuu is bedelaa 6 biloodba mar. Taasi waa 1 janaayo iyo 1 julay

Sidoo kale cadeymaha xariirkaaga soo dir

  • Haddii aad xaas tahaytama lamaane diiwaangashan leedahay,waa inaad koobiga shahaadada guurka soo dirtaa.

  • Haddii aadan xaas ahayn, waa inaad koobiga cadeynta inaan la qabin lamaanahaaga soo dirtaa. Adiga cadeyntan looma baahna inaad soo dirto maadaama aad heysato jinsiyada Nederlaanka ama sharci deganaansho leedahay. Cadeyntan lamaanahaaga aan la qabin waa inuu ka imaadaa wadanka uu ka soo jeedo. Cadeynta lama rabo inuu 6 bilood ama ka badan jirey. Waa inaad cadeysaa in adiga iyo lamaanahaaga xariir leedihiin. Taasi ku cadey sawiro, fariino, xaga chat-ka ama ku sheekeysi baraha bulshada tigidyada diyaarada iyo lacagta bangiga lagu diro.

  • Waa inaad sidoo kale soo dirtaa cadeynta xariirka. Cadeynta xiriirka waxaad ka soo dejin kartaa bogga IND. Waa in aad buuxisaa oo saxiixdaa.

Waxaad la socotaa in IND ay waqti dambe rabaan inaad u dirto cadeymaha asalka ama orijinalka inaad xariir leedahay.

La soco:Mar walba dokumentiyada rasmiga ee dibadda ka yimid in la sharciyeeyo laguna tarjumo Nederlaanka, Inglishka, faransiiska ama Jarmalka.

Halkan ka aqri waxa micnaheeda yahay iyo sida taasi loo sameeyo.

Sidoo kale soo dir cadeynta loo shaqeeyaha

Haddii aad shaqo mushahar ka shaqeyso, la buuxi loo shaqeeyahaaga cadeynta loo shaqeeyaha. Tani sidoo kale waxaa ka heleysaa shabakada IND.

Sidoo kale waa inaad buuxisaa cadeynta taariikhda dembiyada oo aad soo dirtaa

Waxa

sheegeysaa inaan lamaanahaaga diiwaan dembiyo lahayn. Sidoo kale foomkan waxaa ku jiraa mareegaha IND. Lamaanahaaga waa inu buuxiyaa oo saxiixaa.

Lamaanhaaga waa inuu marmar ku guuleysaa imtixaanka asaasiga ee la qabsashada bulshada

  • Ma tahay Nederlaan? Markaa waa in lamaanahaaga ku guuleystaa imtixaanka asaasiga ee la qabsiga bulshada> waa inaad koobiga nattijada soo racisaa codsiga.

  • Ma heysataa sharci deganaansho? markaa lamaanhaaga looma baahna inuu imtixaan sameeyo, laakiin waa inaad uga weydiisaa in laga dhaafo IND taasina raaci codsiga.

Ka akhri wixii dheeraad ah ee imtixaanka asaasiga iyo ka dhaafista shabakada IND.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful