Laga soo xigtay: Shutterstock
Qodob

Sugitaanka go'aanka codsigaaga dhisida qoyska

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/18/2025, 12:45 GD

IND ayaa go'aamineysa codsigaaga. Waxaad go'aanka kala socon kartaa xagga Mijn IND. Waxaad kaloo go'aanka rasmiga ku heli doontaa xagga boostada.

Sugitaanka go'aanka IND ee codsigaaga dhisida qoyska

Waxaa

ay ka go'aamineysaa codsigaaga 90 beri gudahooda. Waxaadna xaalada codsigaaga kala socon kartaa 'Mijn IND'. Si aad u gasho
ayaa u baahan tahay.

Mararka qaar IND waxay u baahan tahay waqti dheeraad ah. Tusaale ahaan haddii codsigaagu aan dhamaystirnayn ama haddii IND ay u baahan tahay dokumenti dheeraad ah. Xaaladdan oo kale, waxaad heli doontaa waraaq ka timaadda IND. Waraaqda ku qoran tahay intee waqti dheeraad ah ee IND u baahan tahay ama dokumentiyada aad weli tahay inaad dirto. Ka jawaab waraaqda wakhtigeeda ku dir IND.

Waxaad kala socon kartaa heerka codsigaaga dib u midaynta qoyska interneetka xagga 'Mijn IND'.

Qaadashada sharciga deganaansho haddii dhisida qoyska la ogolaaday

Haddii lamaanahaagu imaado Nederlaan, waa inay 5 beri gudahooda iska diiwaan galiyaan

ee degmadaada. Adiga ama lammaanahaaga waxa kale oo aad heli doontaan warqad IND dhowr toddobaad ka dib oo ay ku qoran tahay macluumaadka ku saabsan soo qaadashada sharcigooda joogitaanka. Taas waxaad ballan uga qabsan kartaa bogga IND mid ka mid ah xarumaha- IND. Lammaanahaagu waxay halkaas ka soo qaadan doonaa sharciga degenaanshada. Sharcigana deganaanshaha waxa uu shaqaynayaa ugu badnaan 5 sano

Waxaa suura gal ah in lammaanahaaga laga rabo inuu sameeyo baaritaa-tb-ga inuu sameeyo

Waxaa suura gal ah inuu lammaanahaaga markuu imaado Nederlaan ka dib laga rabo inuu maraa baaritaanka-tb-ga. Taasi waxey ku xiran tahay waddanka uu lammaanahaaga ka yimid.

Waxaad ka fiirin kartaa mareegta dowladda in lamaanahaaga laga rabo inuu sameeyo baaritaanka-tb-ga.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful