
Sidan ayaad IND uga codsan kartaa dhisida qoyska IND
La wadaag baraha bulshada:
Ma ka soo baxeysaan adiga iyo lamaanahaaga dhamaan sharuudaha dhisida qoyska? Markaa codsiga dhisida qoyska ayaa IND ka sameyneysaa. Waxaad weydiineysaa sharci deganaansho iyo fiisada geltaanka oo lamaanahaaga. Boggan ayaa ka aqrineysaa sida iyo sababta aad taasi u sameyneyso.
Waxaad sharci deganaansho u codsaneysaa lamaanahaaga
Si aad lammaanhaaga u keento Nederlaan, waxaad u dalbeysaa shrci deganaansho oo ah la joogista lammaanah. Sharcigan waxaa loogu talo galay dadka raba iney in ka badan 90 beri ay Nederlaan joogaan.
Waxaad sidoo kale waxa u dalbi kartaa fiisada gelitaanka lamaanahaaga
Lammaanahaaga waxay badanaa u baahan tahay in uu helo fiisaha soo galitaanka khaaska ah. Tan waxaa loo yaqaan
Fiiro gaar ah: Mararka qaarkood, mvv looma baahna. Tani waxay ku xiran tahay jinsiyadda ama xaaladda lamaanahaaga.
Sidee ayaa u sameyneysaa codsiga dhismaha qoyska?
Waxaad wada codsaneysaa mvv iyo sharciga deganaanshaha hal mar. Waxaad tan online ku samayn kartaa ama aad codsiga soo daabacan kartaa, warqada ku buuxin kartaa oo boostada ku diri kartaa.
xagga internetka: "Foomka codsiga dhismaha qoyska"
Waxaad ku buuxin kartaa websaaytka IND foomka codsiga dhisida qoyska. markaa taasi waxaad u baahaneysaa
xagga boostada: soo deji "Codsiga foomka dhisida qoyska"
Mareegtada IND waxaad ka soo degsan kartaa foomka codsiga ee ku saabsan dhisida qoyska. Markaad buuxiso foomka oo dhan, waxaad daabacan, saxiixan oo loo diro qorsho boosto la sugay u dir IND. Waa inaad doorataa foomka saxda ah. Waxaa jira laba foom
Codsiga sharciga deganaanshaha: la deganaanshaha dadka guur isku qaba ama lammaanaha diiwaangashan
Codsiga sharciga deganaanshaha: la deganaanshaha dadka guur aan isku qabin
Codsigaag lacag ayaa ku baxaaya
Codsiga waa 243 yuuro.
Ma ka sameyneysaa codsiga xagga interneetka? Markaa isla markii ayaa bixineysaa xagga
iDEALMa ku direysaa boostada? Markaa waxaad ka dib heleysaa warqad la socda sharaxaad oo qaabka lacag bixinta.