• Bilowga
  • "Haddii aan Nederlaan ka mudaaharaado waxaan dareemayaa amaan"
Qaxooti ka mudaaharaadaaya dejinta xun ee xerada Zwolle.
Laga soo xigtay: ANP

"Haddii aan Nederlaan ka mudaaharaado waxaan dareemayaa amaan"

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 1/31/2024, 12:52 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Mazen oo u dhashay Suuriya wuxuu u soo qaxay Nederlaan iyo mudaaharaad ayuu ka sameeyey Nederlaan taasoo ahayd xaalada adag ee dejinta magangelyodoonka. "Markii hore waxba isma bedelin, laakiin hadda COA jikooyin guur guura ayey noo sameeyeen.'

Cunto xumada xerada

Markii hoygii shanaad ee Zuidbroek uu yimid Mazen ayuu markii ugu horeysay uu cambaareyn sameeyey. Asaga iyo dad kale oo deganaa meesha oo ay ku wada jireen Whatsapp-ka waxey ka banaan baxeen cuntada xun. "Cuntada wey xumeyd oo xitaa mar mar waqtigiisii ayaa dhacsanaa. COA waxey yiraahdeen inaan wax ka bedeli karin maadaama uu Zuidbroek yahay hoy ku meel gaar ah oo aan adeegyo badan lahayn. Waxaan ku ballanay inaan cuntada aan la cunin ilaa COA ay wax ka bedelayaan."

Taasi waxba ma bedelin isla markii, markaa waxaa dadka deganaa ay ku fekereen arrin kale. "Cuntada nala siiyo waxaa lagu diyaariyaa hoteel ku dhowaa xerada. Annaga ma fahmin sababta martida hotelka cunto caadi ah loo siinaayey oo aan annaga na loo siinin. Markaa waxaa dad badan ay hotelka siiyeen qiimeyn hooseeya oo Google Maps-ka ah. Milkiilaha hoteelka ayaa ku xanaaqay COA wixii aan sameynay awgeed. Taasina isla markii ayey saameyn deg deg ah dhalisay."

Hadda COA wey rabaan iney la hadlaan dadka degan hoyga dejinta. "Ugu dambeyn waxey noo sameeyeen jikooyin guur guura. Sidan ayaan u diyaarsan karnaa cuntooyinka aan rabno inaan cunno. Maadaama uu yahay hoy ilaa muddo ah cudur daar ma aha. Waa in dadka si wanaagsan loo dejiyaa oo la dhageystaa waxa ay u baahan yihiin"

Si amaan ah oo loo mudaaharaado

Qaabkan oo loo mudaaharaado marnaba ma aqoonin. Haddii aad banaanbaxdo Suuriya, waxaa ku xiraaya boliiska oo xabsiga ayaa lagu dhigayaa. Haddii aad halkan mudaaharaado, boliiska ayaa agagaarkaaga jooga, iyagoo dhabarka ku aadinaaya, si lagaaga badbaadiyo dadka meesha taagtaagan. Taasi weli hore iima soo marin. Mudaaharaada Nederlaan waxay dareensiisaa amaan iyo xornimo"

Xitaa hadduu qaxooti sii ahayn oo uusan ku jirin hoyga, Mazen wuxuu damacsan yahay inuu sii mudaaharaado. "Ma ahan nafsadayda ee waxan u sameyn dadka dhibaatada ku jira. Mudaaharaada waxay muhiim u tahay sinaanta iyo wadajirka. Inaan u istaagno midba midka kale oo aan is taageerno

Nabad iyo wadjir

Sidee ayaa mudaaharaad wanaagsan loo sameeyaa? Sida uu sheegay Mazen taasi waa muhiim in si amaan ah loo sameeyaa, iyo inaad aruuriso dad badan oo kugu hareersan tusaale xagga Whatsapp-ka. "Annga ma rabno inaa wax baabi'inno, keliya inaan codkayaga la maqlo oo aan helno xaquuqdeena. Waxaan ku mudaaharaadnay Zwolle annagoo koox ay mudada sugitaanka dheer ee IND. Iney waqti dheer qaadato waa hal shey, laakiin inaan laguu sheegin mudada aad wadahadalka leedahay waa wax bani'aadannimada ka baxsan. Sidaa darteed ayaan dariiqa ugu baxnay."

"Waxaan kaloo mudaaharaadka ogeysiinay degmada iyo warbaahinta. Degmada xitaa wey ku caawin kartaa. Warbaahinta ayaa yimid iyo waxey qoreen qoraal ku saabsan mudaaharaadkayna wargeyska."

Maqaalkani xiiso ma kuu leeyahay?