Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland / Selma van der Bijl
Warar cusub

Intaasi ayey qaadaneysaa mideynta qoyska

La shaaciyey: 7/30/2024, 08:00

Adeega Socdaalka iyo jiniyada (IND) waxey qiyaastii ku qaadaneysaa inta u dhexeysa 20 iyo 24 bilood si ay uga soo go'aamiyaan codsigaaga mideynta qoyska. Go'aanka ka dib wuxuu xubinta reerka heystaa 3 bilood oo fiisada ku soo qaato si Nederlaan u imaado.

Waxa IND hadda ay bilowday 20 bilood ka dib iney codsigaaga ka go'aamiyaan

Ma weydiisatay mideynta qoyska 3 bilood gudahooda ka dib markaad sharciga magangelyada heshay? Hadda ka bilow waxey qaadaneysaa19 bilood ilaa IND bilaabeyso iney ka go'aamineyso

codsigaaga mideynta qoyska. Taasi waa keliya marka aad 3 bilood gudahooda aad ku weydiisatay mideynta qoyska, tani waxaa loo yaqaanaa. mudada ka soo dib safrida.

Ka dib waxey ku qaadaneysaa IND inta u dhaxeysa 1 iyo 5 bilood ilaa ka go'aamiso codsigaaga

Ma

codsigaaga mideynta qoyska ayey ka howl aleysaa? Markaa wuxuu qaadanaayaa inta u dhaxeysa 1 iyo 4 bilood ilaa ay go'aan ka gaarayaan. Taasi wuxuu ka soo baxay dacwadii IND ee maxkamada. Inta ay qaadaneyso, waxey ku xiran tahay sida uu feylkaaga uu yahay. Waxaa jira 3 arimo suura gal ah

1. Warbixinta waa kaamil ah

Haddii warbixintaada kaamil tahay, waxaa IND ku qaadaney qiyaasti 4 wiig iney ka soo go'aamiyaan. Taasi waa ilaa hal bil

2. Waxaad leedahay wareysi ama baaris-DNA ayaad u baahan tahay

IND ma waxay rabtaa inay ku waydiiso su'aalo dheeraad ah mise IND waxay u malaynaysaa inaad samayso baaritaanka DNA? IND waxay markaas qaadan doontaa qiyaastii 16 toddobaad si ay go'aan uga gaarto. Tani waa qiyaastii 4 bilood.

3. Feylkaaga kaamil ma aha

Haddii feylkaaga uusan kaamil ahayn iyo IND rabto iney baaritaan dheeraad sameyso? Markaa waxaa qiyaasti IND ku qaadanaeysaa 20 wiig si loo go'aamiyo. Taasi waa ilaa 5 bilood

Isku darkii waxaa ID ku qaadaneysaa 20 iyo 24 bilood inay ku go'aan ka gaarto codsigaaga mideynta qoyska.

Haddii go'aan ogolaansho helo waxaa xubinta reerkaaga heystaa 3 bilood si ay Nederlaan ku imaado

IND miyay go'aansatey in xubinta qoyskaagu uu imaan karo Nederland? Markaa xubinta qoyskaagu waxay haysataa 3 bilood si

uga soo qaato safaarada Nederlaanka.
Tani waa fiiso uu xubnta reerkaaga Nederlaan ku imaan karo.

Mararka qaarkood xubnaha qoyskaaga ayaa haysta 6 bilood si uu u soo qaado MVV. Tusaale ahaan, haddii xubin qoyskaaga ah ay ku adag tahay inuu u safro safaaradda Nederland dagaal awgeed. Tan waxaad kala hadli kartaa IND.

Rasmi ahaan waxaa IND loo oggol yahay 6 bilood iney codsigaaga mideynta qoyska uga soo jawaabaan

Marka hore, sida sharcigu qabo, IND waxaa loo oggolaaday inay qaadato ugu badnaan 3 bilood si ay uga baaraandegto codsiga isu keenidda qoyska. Laakiin 2022 dawladda Nederlaan waxay go'aansatay
iney IND 6 bilood ku sameyso.

Taasi waxaa dhaliyeyay maadaama IND wax badan dib u dhac yeelatay si ay uga go'aamiyaan codsiyada. Waxaa sugaaya maarso 2024 ilaa33.440 codsiyo la go'aaminaayo ee codsigooda mideynta qoyska.

Taageerada VluchtelingenWerk marka la codsanayo midaynta qoyska

Waa inaad adigu codsataa 'mideynta qoyska magangalyo-doonka (dib u imaada)' haddii aad weli ku nooshahay xarunta soo dhawaynta. Akhriso wax badan oo arrintan ku saabsan maqaalkan wararka ah ee ku saabsan RefugeeHelp.

Waa la fahmi karaa inaad wali qabtid su'aalo ku saabsan habka 'mideynta qoyska magangalyada (dib u imaada)'. Waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto in la codsado dib u dhigis. Ama waxaa laga yaabaa inay lagama maarmaan noqoto in la cayimo safaarad kale sababo la xiriira arrimaha safarka. Waxaa sidoo kale jiri kara xaalad degdeg ah oo caafimaad oo ku lug leh xubnaha qoyskaaga.

Haddii aad qabtid su'aalo ama haddii ay jiraan wax isbeddel ah, fadlan la xiriir IND. Laga bilaabo 1 Diseembar 2025, waxaa jira 'lambarka taleefanka dib-u-mideynta qoyska magangalyo' oo aad wici karto: 088 - 043 04 00.

Waxaad guri ku leedahay degmada

Guri maku leedahay degmada? Markaas, VWN ama shaqaale bulsho oo ka socda urur kale ayaa kaa taageeri kara isu keenidda ama mideynta qoyska qaxooti (ka dib u imaanaaya)'.

Xiriiriyahaaga VWN ee degmada wuxuu awoodaa:

  • warbixin kaa siin karaa nidaamka mideynta qoyska.

  • wuxuu kaa caawin karaa buuxinta foomka codsiga.

  • ay la xariiraan IND iyagoo magacaaga ku hadlaaya arrimaha ku saabsan mideynta qoyska(nareis).

  • adiga kaa caawin karaa ka jawaabista su'aalaha IND ee ku saabsan xariirka aad reerkaaga la leedahay.

  • waxaa mar mar VWN ay kaa caawin karaan qarash

    Markaa qeyb ka mid ah qarashka safarka ee dadka qoyskaaga lagu bixinaayo

  • kaa caawin karaan arrimaha la taaban karo sida isla marka qoyskaaga ay imaadaan Nederlaan oo guri la idiinka helo degmada. Tusaale ahaan codsiga ceyrta iyo

    . Ama marka aad sameysaneysid ceymiska caafimaadka ama aad iska qoreysid dhaqtarka qoyska, dhaqtarka ilkaha iyo iskuulka.

  • Marka codsigaaga dib u mideynta qoyska (nareis) la diido oo ma rabtaa inaad rafcaan ka qaadato?, waxa ay VWN kaa caawin kartaa inaad hesho garyaqaan.


Codsiga reerka in laguu keeno

Boggan waxaad ka heli doontaa macluumaad ah oo ku saabsan codsiga dib u midaynta qoyska Nederlaan.

Waxaad IND ku oogi kartaa ka dib dhac marka ay codsigaaga muddo aad u dheer ku qaadato

Haddii ay INDmuddo dheer ku qaadato codsigaaga, waxaad IND ku oogi kartaa dib u dhac. Taasi waxey micnaheeda tahay in IND si rasmi ah ugu sheegeyso iney ku dadaalan iney waqtiga ballanta ahayd ay ka soo baxaan oo go'aan ka gaaraan mideynta qoyska. Waxaa taasi caawino ka heli kartaa VWN.

Tani ayaad sameyn kartaa haddii ay IND la soo daahdo go'aanka

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) waa iney waqtiga ku go'aamiyaan codsigaaga. Haddii ay taasi dhicin, waxaad IND si rasmi ah u weydiin kartaa iney muddo 2 wiig ah ku soo jawaabaan. Ka aqri boggan sida aad taasi u sameyn karto.

Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful