Shaqo

Waxaad rabtaa dhaqso inaad uga shaqeysato Nederlaan. Si aad lacag u shaqeysato oo familkaaga iyo nafsadaadaba. Ama waxaad rabtaa inaad shaqo tabaruc sameyso ama shaqo barato. Si aad u mashquulsanaato iyo qibrad u kororsato. Halkan ka aqri waxa aad u baahan tahay inaad ogaato ee ku saabsan shaqo haddii aad magangelyo weydiisatay iyo aad heysato dokumenti-W.


Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (2)

Warbixin

Codsashada cayrta shaqo la'aanta ee Nederlaan

Magangelyo-doonku waa loo oggol yahay inay ka shaqeeyaan Nederlaan. Waxayna taasi la macno tahay inaad sidoo kale heli karto manfacyada shaqo la'aanta (WW -ceyrta) haddii aad waydo shaqadaada. Lacagta shaqo la'aanta waa ceyr ku meel gaar ah si loo magdhabo khasaaraha dakhliga u dhexeeya shaqadaadii hore iyo kan cusub. Si aad u hesho manfacyada shaqo la'aanta, waa inaad buuxisaa shuruudo badan. Tusaale ahaan, waa inaad shaqeysay lix bilood ama ka badan oo xiriir ah.

Qodob

Maxaa ku qoran warqada mushaharkaaga?

Haddii aad shaqo heysato bil walba mushahar ka heleyso waxaa ku shaqeysaa shaqo mushahar. Bil walba shaqo siiyaha wuxuu soo diraayaa warqada mushaharka. tani waa muuqaal sida uu mushaharkaaga u dhisan yahay. Warqadan mushaharka kuma qorna keliya inta lacag aad qaadato, waxaa kaloo ku qoran inta canshuur aad bixiso iyo waxaa ku bixiso. Qodobkan waxaad ka aqrineysaa waxa kale ee warqada mushaharka ku qoran iyo maxey muhiim u yihiin.

Qodob
Xuquuqda shaqada iyo qandaraasyada