
Waxaad 1 waraysi la yeelan doontaa IND haddii aad Nederland ka soo gasho waddan kale oo Yurub ah
La wadaag baraha bulshada:
Markaad iska diiwaan geliso Ter Apel ama Schiphol, waxaad IND la yeelaneysaa 1 wareysi. Wareysigan wuxuu ku saabsan yahay codsigaaga hore ee waddan kale oo Yurub ah.
Waxaa IND su'aalo kaa weydiin doontaa codsigaaga magangelyo ee meel kale oo Yurub ah
IND waxay ku weydiin doontaa:
Magacaaga
Taariikhda dhalashadaada
Wadanka aad ka soo jeedid
Waa kuwee xubnaha qoyska ee kula safraaya
Luqadee ku hadashaa
Wixii aad kala soo kulantay dalka kale ee Yurub, taas oo kaa dhigaysa inaad rabto inaad magangelyo ka codsato Nederland
Wadahadalkan waxaa jooga tarjumaan, kaasoo su'aalaha shaqaalaha-IND kuu tarjumaaya. Trajumaanka uma shaqeeyo IND iyo adiga kaama caawini karo codsigaaga magangelyo. Haddii tarjumaanka aadan si fiican u fahmeynin, markaa bilowga wadahalka sheeg. Waa muhiim inaad asaga ama iyada aad si fiican u fahmeysaa