Deganaanta
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (1)
Sidaan ayaa guri u heleysaa
- 1
- 2
- 3
- 4
Waxaad xaq u leedahay guri haddii codsigaaga deganaansho magangelyo la oggolaado. Waxaad qorshahan tallaabooyinka ka aqrineysaa sida ay taasi u shaqeyso.
Warbixin

Waxan ayaad samayn kartaa haddii aanad ku qanacsanayn guriga ay degmadu ku siiso
Degmada miyaa ku siisay guri aan xaaladaada ku haboonayn? Tusaale ahaan uri ku yar reerkaaga. Waxaa suura gal ah in degmada ay guri kale kuu heli karto. Taasi waa inaad sababo aad u fiican u heysataa.

Sidan ayaad ku codsan kartaa kabista kirada gurigaaga
Ma ijaaratay guri? Waxaa suura gal ah inaad kabis ijaar xaq u leedahay. Tani waa daqli dheeraad ah oo aad dowlada ka heli karto haddii aad daqli hooseeyo leedahay. Tusaale ahaan haddii aad qaadato ceyrta ama maalgelinta waxbarashada.

Guuritaanka ka dib marka reerka la keeno
Ma imaanayaan xubnaha reerkaaga Nederlaan iyo ma heysataa guri yar oo aadanwada degi karin? Markaa degmada ayaa kuu heleysa guri kale. Qodobkan ka aqri qaabka uu u shaqeeyo.

Waxaad u baahan tahay inaad tan ogaato haddii aad guri ka hesho degmada oo aad rabto inaad guriga ku dhigato
Guri ma ka heshay degmada? Markaa waxaad bilaabi kartaa dhigashada guriga. Waxaa jira dhowr siyaabood oo aad si raqiis ah gurigaaga ugu qalabayn karto. Mararka qaarkood waxaad sidoo kale ka amaahan kartaa ama lacag ka heli kartaa degmada. Halkan ka akhri wax kasta oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato alaabta gurigaaga.

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aadan amaan ku dareemeynin xerada magangelyada
Mudada aad joogto xerada, waxaad la kulmi kartaa cunsuriyeyn, cagajugleyn ama rabshado. Tusaale magangelyodoonka kale ee xerada kula degan. Taasi lama oggola sida uu sharciga Nederlaanka qabo. Dhaqankaasi waa mid ciqaab mudan. Waxaad dacwad u gudbin kartaa boliiska. Waxaana jira ururo ku caawini kara.

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aadan ku qanacsanayn xerada COA
Ma ku qanacsanid miyaa xerada aad joogto? Markaa waxaad kala hadleysaa COA ama dowlada hoose, ayaad ka ashtakoon kartaa ama ka mudaaharaadi kartaa.

Nederlaan gudaheeda BSN ayaad u baahan tahay
Ma joogtaa wax ka badan 6 bilood Nederlaan? Markaa waxaad heleysaa nambar shaqsi ahaan u leedahay. Nambarka adeega Shaqsiga (BSN). Nambarkan waxaad ugu baahan tahay si aad arrimahaaga shaqsiga u abaabulato. Ka aqri halkan sida aad namabarkan u heleyso.

Waa kuwan xaquuqdaada iyo waajibaadka dejinta ee COA
Xerada Dejinta dhexe ee magangelyo (COA) waxaad la degan tahay dad kale. Xero walba wey kala duwan yihiin. Sidoo kale tashiilaadka laga helo wey kala duwan yhiin. kala Xerada waxaad leedahay xaquuqyo iyo waajibaadyo. Taasina waxii dheeraad ah boggan ayaad ka aqrin kartaa.

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aadan ku qanacsanayn xerada COA
Ma ku qanacsanid miyaa xerada aad joogto? Markaa waxaad kala hadleysaa COA ama dowlada hoose, ayaad ka ashtakoon kartaa ama ka mudaaharaadi kartaa.
Wax talo ah ma siineysaa websaaytka?
Nala soo socodsii haddii wax tabeyso ama aadan heli karin. Fikradaada wey caawineysaa RefugeeHelp boggan si loo hormariyo. La soco: foomkan waxaa loogu talo galay fikradaha websaaytka. Looguma talo gelin su'aalaha shaqsiga iyo codsiyada. Wax jawaab ah kama heli doontid fikrada aad noo soo jeediso. Fadlan ogow: foomkan maahan su'aalo shakhsi ah. Ma heli doontid jawaab.