Deganaanta
Waxaad u guureysaa degmo isla markii aad hesho fasax deganaansho. Degmada waxey bixisaa guriyeynta iyo waxey fiiro u leeyihiin xaaladaada shaqsiga.
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (1)
Warbixin

Sidee ayaad kharashyada kuleylintaada hoos ugu dhigtaa?
Jiilaalku waa yimid, waana qabow dibadda. Waxaad rabtaa in gurigaagu diirimaad ahaado, laakiin kuleylintu waa qaali. Maqaalkani wuxuu bixiyaa talooyin fudud oo lagu ilaalinayo kharashyada kuleylintaada (tamarta) oo hooseeya. Sidan, ayaad lacag u dhaaaleyn kartaa oo wali gurigaaga ka dhigi kartaa mid wanaagsan oo diirran.

Maxaad samaynaysaa haddii ay wax ka jabaan guryaha ijaarka?
Mararka qaarkood waxbaa guriga ka jabo, sida tuubada dariishada ama kuleyliyaha. Dayactirka qaarkood waa inaad adiga sameysaa, qaar kalena ururka guryaha ayaa sameynaaya. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa cida sameyneysa dayactirka iyo wixii aad sameyn karto marka uu wax ka jabo guriga ijraaka ah.

Sidan ayuu u shaqeeyaa la joogista qoyska martida loo yahay inta ay kuu socoto dacwada magangalyada
Ma haysataa sharci degenaansho magangalyo, laakiin weli guri laguu ma hayo? Markaa waxaad si ku meel gaar ah ula joogi kartaa qoyska martida loo yahay. Sidan uma baahnid inaad had iyo jeer sii xerada. Maqaalkan waxaad ka akhrisan kartaa sida tani u shaqeyso.

Ku noolaanshaha Nederlaan marka aad da'da 18 jir ka yar tahay oo aad qoyskaaga la'aantooda nooshahay
Haddii aad ka yar tahay 18 jir, aad keligaa Nederlaan timid iyo sharci deganaansho leedahay, markaa waxaad hoos imaaneysaa nidaamka- AMV, keligaa ma degi kartid. NIDOS ayaa kaa caawineysa inaad guri hesho. Qodobkan waxaad ka aqrineysaa caawinaadee ayaad heleysaa iyo meesha aad degi karto.

Sidan ayaad ugu nooshahay xerada inta aad guri ka sugayso degmada
Ma heysataa sharci deganaan magangelyodoon iyo xerada Xarunta dhexe een Dejinta magangelyodoonk (COA) ku sugeysaa guri? boggan ayaa warbixinada muhimka ah ka heleysaa ee xaaladaada.

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aadan amaan ku dareemeynin xerada magangelyada
Mudada aad joogto xerada, waxaad la kulmi kartaa cunsuriyeyn, cagajugleyn ama rabshado. Tusaale magangelyodoonka kale ee xerada kula degan. Taasi lama oggola sida uu sharciga Nederlaanka qabo. Dhaqankaasi waa mid ciqaab mudan. Waxaad dacwad u gudbin kartaa boliiska. Waxaana jira ururo ku caawini kara.

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aadan ku qanacsanayn xerada COA
Ma ku qanacsanid miyaa xerada aad joogto? Markaa waxaad kala hadleysaa COA ama dowlada hoose, ayaad ka ashtakoon kartaa ama ka mudaaharaadi kartaa.

Waa kuwan xaquuqdaada iyo waajibaadka dejinta ee COA
Xerada Dejinta dhexe ee magangelyo (COA) waxaad la degan tahay dad kale. Xero walba wey kala duwan yihiin. Sidoo kale tashiilaadka laga helo wey kala duwan yhiin. kala Xerada waxaad leedahay xaquuqyo iyo waajibaadyo. Taasina waxii dheeraad ah boggan ayaad ka aqrin kartaa.

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aadan ku qanacsanayn xerada COA
Ma ku qanacsanid miyaa xerada aad joogto? Markaa waxaad kala hadleysaa COA ama dowlada hoose, ayaad ka ashtakoon kartaa ama ka mudaaharaadi kartaa.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waajibaadka isxaadirinta ee hoyga ilaa inta aanad weli haysan gurigaaga
Ma haysataa ogolaanshaha joogitaanka magangalyada oo wali ma ku nooshahay meel lagu qaabilo Xarunta Dhexe ee qaabilaadda magangalyada (COA)? Markaa waxaa waajib kugu ah inaad halkaas iska xaadiriso, sida inta lagu jiro nidaamkaaga magangelyo. Miyaanad tan samayn? Markaa waxaad waayi kartaa hoygaaga iyo lacagta toddobaadlaha. Tan ka dibna dib uma heli doontid.