Deganaanta
Waxaad u guureysaa degmo isla markii aad hesho fasax deganaansho. Degmada waxey bixisaa guriyeynta iyo waxey fiiro u leeyihiin xaaladaada shaqsiga.
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (1)
Warbixin

Waa inaad tan habayso haddii ay degmadu guri ka heshay
Marka aad guri hesho waxaa jiro waxyaalo badan oo aad u baahan ahay inaad sameyso. Tusaale ahaan, waa inaad sameysataa heshiis tamarta ama korontada iyo gaaska iyo inaad cinwaankaaga cusub gudbisaa. waxaad bogan ka heleysaa liis dhamaan waxa aad u baahan tahay inaad sameyso.

Waxan ayaad samayn kartaa haddii aanad ku qanacsanayn guriga ay degmadu ku siiso
Degmada miyaa ku siisay guri aan xaaladaada ku haboonayn? Tusaale ahaan uri ku yar reerkaaga. Waxaa suura gal ah in degmada ay guri kale kuu heli karto. Taasi waa inaad sababo aad u fiican u heysataa.

Hubi haddii aad xaq u leedahay dhimis ijaarka
Kiradaadu ma aad bay u sarreysaa, dakhligaagu ma hoos u dhacay, mise gurigaagu ma leeyahay dhibaatooyin waaweyn? Xaaladaha qaarkood, waxaad codsan kartaa dhimista kirada. Xeerarka khuseeya waxay ku xiran yihiin xaaladdaada, qandaraaskaaga kirada, iyo nooca guriga aad kiraysato. Maqaalkan, waxaad ka akhrisan kartaa fursadaha jira.

Sidan ayaad ku codsan kartaa kabista kirada gurigaaga
Ma ijaaratay guri? Waxaa suura gal ah inaad kabis ijaar xaq u leedahay. Tani waa daqli dheeraad ah oo aad dowlada ka heli karto haddii aad daqli hooseeyo leedahay. Tusaale ahaan haddii aad qaadato ceyrta ama maalgelinta waxbarashada.

Waxaad u baahan tahay inaad tan ogaato haddii aad guri ka hesho degmada oo aad rabto inaad guriga ku dhigato
Guri ma ka heshay degmada? Markaa waxaad bilaabi kartaa dhigashada guriga. Waxaa jira dhowr siyaabood oo aad si raqiis ah gurigaaga ugu qalabayn karto. Mararka qaarkood waxaad sidoo kale ka amaahan kartaa ama lacag ka heli kartaa degmada. Halkan ka akhri wax kasta oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato alaabta gurigaaga.

Waxa aad u baahan tahay inaad ogaato markaad degmo kale guri ka rabto
Ma haysataa sharci degenaansho magangelyo oo ma rabtid degmada laguu qoondeeyey inaad degto? Markaa waxay ku xiran tahay xaaladaada inay tani suurtogal tahay iyo in kale. Tani inta badan suurtagal maaha, laakiin xaaladaha qaarkood weli waa ka bedelan kartaa degmada.

Guuritaanka ka dib marka reerka la keeno
Ma imaanayaan xubnaha reerkaaga Nederlaan iyo ma heysataa guri yar oo aadanwada degi karin? Markaa degmada ayaa kuu heleysa guri kale. Qodobkan ka aqri qaabka uu u shaqeeyo.

Sidee guri ijaar u heli kartaa Nederlaan?
Haddii aad haysato sharci deggenaansho muddo ah, waad kiraysan kartaa guri ku yaal Nederland. Laakiin waxaa muhiim ah inaad taqaan xeerarka. Maqaalkaan wuxuu kaa caawinayaa dhammaan macluumaadka aad u baahan tahay, laga bilaabo noocyada guryaha ilaa dukumentiyada aad u baahan tahay.

Tani waa waxa aad u baahan tahay inaad diyaariso haddii aad kireysato ama aad iibsato gurigaaga
Haddii aad guri ka kireysato Nederland, waxaad u baahan tahay inaad diyaariso dhowr waxyaalood. Hoos waxaad ka heli doontaa macluumaad ku saabsan kaalmada nolosha, caymiska, diiwaangelinta cinwaankaaga degmada, iyo kaalmada guryaha.

Gadashada guri marka aad heysato sharci deganaansho muddo ah
Nedeerlaan qof walba guri waa iibsan karaa. Xitaa hadaad muwaadin Nederlaan ahayn ama sharci rasmi aadan lahayn.