Shaqo
Markaad sharciga deganaanshaha ee magangelyo heysato waxaa laguu oggol yahay inaad ka shaqeysato Nederlaan. Boggan waxaad ka heleysaa qaabka shaqada loo helo iyo dhaqanka shaqada ee Nederlaan ka jira.
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (3)
Warbixin

Tani waa inaad maaliyada ahaan hagaajisaa haddii aad wax dheeraad ama wax ka yar aad shaqeyneyso
Ma shaqayn doontaa wax badan ama yar? Ama ma joojineysaa shaqada lacagta ku qaadato? Markaa waxaa muhiim ah inaad arrimahan muhiimka aad hagaajisaa haddii uu xaalada shaqadaada isbedelo.

Goorma ayaa loo ogol yahay loo-shaqeeyahaaga inuu ku eryo, goormase looma oggola inuu sidaas sameeyo?
Nederland, loo-shaqeeyaha looma oggola inuu si fudud kuu eryo. Waxaa jira xeerar arrintan khuseeya. Loo-shaqeeyahaagu waa inuu had iyo jeer haystaa sabab sax ah oo uu raaco tallaabooyinka saxda ah. Maqaalkani wuxuu sharxayaa marka la oggol yahay in shaqada laga eryo iyo waxa xuquuqdaadu tahay.

Samee shaqo tabaruc ah adoo leh ogolaanshaha joogitaanka magangalyada
Ma haysataa ogolaanshaha joogitaanka magangalyada oo ma doonaysaa inaad shaqo tabaruc ah ka qabato Nederland? Waa kartaa. Waxaad wax badan oo ku saabsan ka akhrin kartaa boggan.

Codsashada faa'iidooyinka shaqo la'aanta ee ogolaanshaha joogitaanka magangalyada
Haddii aad si buuxda ama qayb ahaan noqoto shaqo la'aan, waxaad codsan kartaa ceyrta shaqo la'aanta. Nederlaan tan waxa loo yaqaan ceyrta shaqo la'aanta WW-uitkering. Waa ceyr ku meel gaar ah in lagaa kabo dakhliga inta u dhexeeya shaqadaadii hore iyo shaqada cusub.

Tani waa sida u kaydinta lacagta hawlgabkaagu uga shaqeyso Nederlaan
Haddii aad degan tahay Nederlaan waxaad keydsan kartaa oo ah benshankaaga asaasiga. Taasi waa lacag aad heleysid da'gaar ah markaad shaqada ka fariisato. Ka aqri halkan sida benshanka Nederlaan yahay.

Dhaqanka shaqada ee Nederlaanka
Ma ka shaqeyneysaa Nederlaan? Markaa waxaad baraneysaa dhaqanka shaqada ee Nederlaan. Tani waxaa suura gal ah iney ka duwan tahay sidaad adiga caadada kuu ahayd. Boggan ayaad ka aqrineysaa wixii dheeraad ah.

Qiimeynta shahaadada ee Nederlaan marka aad sharciga deganaanta heysato
Ma Nederlaan banaankeeda ayaa shahaado ka soo qaadatay iyo ma rabtaa inaad ka barato shaqo shahaadadaada ku habboon? Markaa shahaadadaada waad qiimeyn kartaa. Markaa waxaad ogaaneysaa darajada aad Nederlaan wax uga baran karto ama uga shaqeyn karto. Waxaad 1 shahaado ku qiiimeyn kartaa lacag la'aan.

Waxaan ayaa muhiim ah inaad ka ogaato ka shaqeynta Nederlaan
Mar mar ayaa shaqo siiyaha si xun kuula dhaqmayaa. Tusaale ahaan haddii aan lacag lagu siinin ama aad shaqo aad u badan qabaneyso. Taasi waxaa loo yaqaan dhiig miirasho oo waa dembi ciqaab ka mudan Nederlaan. Ma shaqeyneysaa iyadoo aan laguu ogolayn? Xitaa markaasi xaquuq shaqaale ayaa leedahay iyo waad gudbi kartaa dhiig miirashada.

Nederlaan gudaheeda waxaad u baahan tahay BSN si aad u habayso arrimahaaga gaarka ah
Ma joogtaa wax ka badan 6 bilood Nederlaan? Markaa waxaad heleysaa nambar shaqsi ahaan u leedahay. Nambarka adeega Shaqsiga (BSN). Nambarkan waxaad ugu baahan tahay si aad arrimahaaga shaqsiga u abaabulato. Ka aqri halkan sida aad namabarkan u heleyso.

Weydiiso DigiD si aad uga gasho websaaytyada dowlada ee Nederlaan
Nederlaan waxyaalo badan oo shaqsi ah online-ka ayaad ka sameyneysaa. Tusaale ahaan arrimaha dowlada Nederlaanka. Ama ceymiskaaga ama hawlgabka. Kuwaani waxaad u baahan tahay DigiD. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa waxa uu DigiD yahay iyo sida aad u codsan karto.