
Dokumentiyada loo baahan yahay mideynta qoyska(qodobka 8 EVRM) aruurinta iyo soo tarjumida
La wadaag baraha bulshada:
Markaad codsanayso midaynta qoyska, waa inaad u soo gudbisaa caddaymaha ugu badan ee suurtogalka ah Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada IND. Kuwani waa dukumeenti caddaynaya aqoonsiga xubinta qoyskaaga, xiriirka qoyska, iyo nolosha qoyska adiga iyo xubinta qoyskaaga.
Dhiibashada dokumentiga shaqsiga ee keenista reerka ee qodobka 8 EVRM
Waxey Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ku weydiineysaa dokumenti shaqsi ah marka aad codsaneyso mideynta reerka. Waa inaad dokumentiyo kaaga iyo kan qofka familkkaaga soo gudbisaa:
Sawir dokumentiga lagu dhejiyo oo mardhow ah ee qofka xubinta ka ah familkaaga. Haddii xubinta familkaaga ka mid ahi uusan lahayn sawir dokumentiga lagu dhejiyo? Markaa waxaad dhiibi kartaa sawir kale oo si fiican loo arki karo oo wejiga ah
Koobi xagga hore iyo xagga dambe ah oo cadeynta aqoonsiga oo qofka familkaaga. Waxaa ugu fiican baasaboor. Soo gudbi bogaga ay ku qoran yihiin warbixinta shaqsiga iyo mudada uu soconaayo aqoonsigaasi. Soo deji bogaga istaambooyinka safarka ku dhegsan
Bayaanka sida buuxda u dhammeystiran oo saxiixan ee
bayaanka dembiyada' . bayaanka dembiyada waa bayaan muujinaya in xubinta qoyskaaga ka tirsan aysan lahayn taariikh dambi ciqaab mudan. Bayaanka dembiyada ahi waxaa loo baahan yahay oo keliya haddii xubin qoyskaaga katirsan uu jiro 12 sano ama ka weynBayaanka sida buuxda u dhammeystiran oo saxiixan
ee ' xaalada shaqsiga' . Waa bayaan muujinaya in xubinta qoyskaaga ka tirsan uu cadeynaayo xaalada shaqsiga hadii uu muddo dheer xariir joogto ah leeyahay. Bayaankani waxaa loo baahan yahay oo keliya haddii xubin qoyskaaga katirsan uu jiro 15 sano ama ka weyn.Xubinta qoyskaagu ma leeyahay dhalasho 1 ka mid ah wadamada aan ku qornayn 'Lifaaqa Ka-dhaafitaanka Waajibka Qaaxada Bijlage Vrijstelling tbc-plicht<'? Dabadeed fadlan ku dar dhammaantii 'Bayaanka Lifaaqa ee Ujeeddada Baarida Qaaxada'.
Iyadoo si dhamaystiran loo buuxiyeyla soo dejiyey saxiixaaaga. Foomkani waxa keliya loogu baahan yahaymarka codsiga dijitalka yahay ee mvv. Waa inaad daabacdaa, aadna adiga saxiixdaa iyo aad ka dib sawir ka sameysaa. Sawirkaasi waxaad ku sii dejineysaa codsiga- mvv. Haddii aad codsiga mideynta qoyska keenista uu yahay foom qoraal ahaan ah u sameyneyso, foomkan looma baahna. Adiga ayaa codsiga qoraalka saxiixaaya..