
Dokumentiyada loo baahan yahay mideynta qoyska(qodobka 8 EVRM) aruurinta iyo soo tarjumida
La wadaag baraha bulshada:
Markaad codsanayso midaynta qoyska, waa inaad u soo gudbisaa caddaymaha ugu badan ee suurtogalka ah Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada IND. Kuwani waa dukumeenti caddaynaya aqoonsiga xubinta qoyskaaga, xiriirka qoyska, iyo nolosha qoyska adiga iyo xubinta qoyskaaga.
Dhiibashada dokumentiga shaqsiga ee keenista reerka ee qodobka 8 EVRM
Waxey Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ku weydiineysaa dokumenti shaqsi ah marka aad codsaneyso mideynta reerka. Waa inaad dokumentiyo kaaga iyo kan qofka familkkaaga soo gudbisaa:
Sawir dokumentiga lagu dhejiyo oo mardhow ah ee qofka xubinta ka ah familkaaga. Haddii xubinta familkaaga ka mid ahi uusan lahayn sawir dokumentiga lagu dhejiyo? Markaa waxaad dhiibi kartaa sawir kale oo si fiican loo arki karo oo wejiga ah
Koobi xagga hore iyo xagga dambe ah oo cadeynta aqoonsiga oo qofka familkaaga. Waxaa ugu fiican baasaboor. Soo gudbi bogaga ay ku qoran yihiin warbixinta shaqsiga iyo mudada uu soconaayo aqoonsigaasi. Soo deji bogaga istaambooyinka safarka ku dhegsan
Bayaanka sida buuxda u dhammeystiran oo saxiixan ee
bayaanka dembiyada' . bayaanka dembiyada waa bayaan muujinaya in xubinta qoyskaaga ka tirsan aysan lahayn taariikh dambi ciqaab mudan. Bayaanka dembiyada ahi waxaa loo baahan yahay oo keliya haddii xubin qoyskaaga katirsan uu jiro 12 sano ama ka weynBayaanka sida buuxda u dhammeystiran oo saxiixan
ee ' xaalada shaqsiga' . Waa bayaan muujinaya in xubinta qoyskaaga ka tirsan uu cadeynaayo xaalada shaqsiga hadii uu muddo dheer xariir joogto ah leeyahay. Bayaankani waxaa loo baahan yahay oo keliya haddii xubin qoyskaaga katirsan uu jiro 15 sano ama ka weyn.Xubinta qoyskaagu ma leeyahay dhalasho 1 ka mid ah wadamada aan ku qornayn 'Lifaaqa Ka-dhaafitaanka Waajibka Qaaxada Bijlage Vrijstelling tbc-plicht<'? Dabadeed fadlan ku dar dhammaantii 'Bayaanka Lifaaqa ee Ujeeddada Baarida Qaaxada'.
Iyadoo si dhamaystiran loo buuxiyeyla soo dejiyey saxiixaaaga. Foomkani waxa keliya loogu baahan yahaymarka codsiga dijitalka yahay ee mvv. Waa inaad daabacdaa, aadna adiga saxiixdaa iyo aad ka dib sawir ka sameysaa. Sawirkaasi waxaad ku sii dejineysaa codsiga- mvv. Haddii aad codsiga mideynta qoyska keenista uu yahay foom qoraal ahaan ah u sameyneyso, foomkan looma baahna. Adiga ayaa codsiga qoraalka saxiixaaya..
Keenida dokumetiyada muujinaaya xariirka reer ahaan aad leedihiin
Markaad codsanayso dib u midoobida qoyska sida ku xusan Qodobka 8aad ee EVRM, waa inaad sidoo kale muujisaa inaad xiriir qoys la leedahay qaraabadaada. Tan waxaa lagu samayn karaa dukumentiyada soo socda
Walaalahaaga ama walaalahaa
Nuqul ka mid ah dukumenti asalka ah oo caddaynaya xiriirka qoyska, sida shahaadada dhalashada ama buug-yaraha qoyska
Lifaaqa si buuxda loo dhammaystiray
Liiska su'aalaha ku saabsan walaakaa ama walaashaa 8 EVRM '
Waalidka(waalidiinta) korsada (waxaad tahay AMV)
Koobiga cadeynta ku qoran qofka mas' uulka kaa ah Nederlaan (tusaale qofka aad la xariirto ee Nidos)
Lifaaqa si buuxda loo dhammaystiray '
Su'aalaha Nolosha Qoyska iyo Familka 8 EVRM '
Ilmaha aad awoowe u tahay ama canug aad korsatay
Koobi cadeynta halkaasoo aqoonsiga waalidka dhalay xubinta familkaaga dhalay ka cadaaneyso.
Nuqul caddayn ah oo muujinaysa xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo ilmaha.
Nuqul ka mid ah shahaadada dhalashada ama nuqulka caddaynta kale ee tusinaysa xiriirka qoyska ee u dhexeeya ilmaha iyo waalidka dhalay ilmaha
Lifaaqa la buuxiyey oo dhameystiran
liiska su' aalaha xariirka reerka ee ilmaha 'Lifaaqa si dhammaystiran loo buuxiyey '
Codsiga baaritaanka DNA ee isu-keenidda qoyska '
Waalidkii dhalay ilmahii aad korisay ama awoow u tahay miyay dhinteen? Fadlan sidoo kale ku dar:
Nuqulka shahaadooyinka dhimashada ee waalidiinta dhalay ilmaha.
Nuqul caddaynaya inaad tahay masuulka ilmahaaga korista ah.
Waxaad sidoo kale ka heli kartaa macluumaadka ku saabsan dukumeentiyada loo baahan yahay shabakada IND. Fiiri:
Dokumentiyada ku soo tarjun Nederlaan, Inglishka, Faransiiska ama Jarmalka
Dhamaan dokumentiga waa in Nederlaan, inglishka, Jarmalka ama Faransiiska ku qornaadaan. Ma ku qoran yihiin dokumentiga luqad kale? Markaa waa inaad
Diiwangelinta tarjumaannada iyo tarjumayaasha qoraalka la dhaariyay'
Tarjumaanada qoraalka aad ka dooran kartaa waxaa ka heleysaa
Raadi turjumaan turjumi kara dukumeentigaaga. Waxaad u sheegi kartaa luqadda aad ku rabto dukumeentigaaga in loogu turjumo Nederlaanka. Waxaad sidoo kale raadin kartaa turjumaan agtaada ah. Waxaad arki doontaa magaca, ciwaanka iimaylka, iyo lambarka taleefoonka turjumaanada aad la xiriiri karto. Way fiican tahay inaad marka hore waydiiso turjumaanka inta ay ku kacayso tarjumaada. Sidan ayaad ku ogaaneysaa inta qarash ee aad bixin doonto.
Fadlan ogow: dukumeentiyada waa in uu turjumaa turjumaan la dhaariyey oo sharciyeysan oo Nederlaan jooga. Turjumaadda dibadda laga keenay sidaas awgeed ma ansaxayso.