Dacwada magangelyada
Ma magangalyo ka codsanaysaa Nederland? Haddii ay sidaas tahay, Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND) ayaa baari doona inaad xaq u leedahay magangalyo. IND waxay sidoo kale go'aaminaysaa habka magangalyada ee adiga kugu habboon. Hoos waxaad ka arki kartaa hababka magangalyada ee la heli karo. Habraac kasta, waxaad ka akhrisan kartaa tallaabooyinka ku lug leh.
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (3)
Warbixin

Furiinka Nederlaan mudad dacwada magangelyada
Ma rabtaa inaad furto lamaanahaaga? Waa suurtogal in la furo inta lagu jiro nidaamka magangalyada Nederlaan. Xitaa haddii aadan ku qabin Nederlaan ama aadan haysan dhalasho Nederlaan ah. Furriinku waxay cawaaqib ku yeelan kartaa nidaamka magangalyada adiga iyo lammaanahaaga.

Maxey sameeyaan VluchtelingenWerk Nederland?
VluchtelingenWerk (VWN) waa urur madax bannaan oo caawiya qaxootiga. VWN waxay ku hagaysaa habka magangalyada, waxay bixiyaan sharaxaad, oo ka jawaabtaa su'aalaha, waxay ka caawineysa inaad si cad u sheegto sheekadaada, saad u ogaato waxa muhiimka ah.

Ururada aad la kulanto marka aad codsanayso magangalyo
Waxaad magangalyo ka codsanaysaa Nederland, waana inaad la macaamishaa ururo kala duwan. Muuqaalkan waxaan ku sharxi doonaa cidda ay yihiin iyo waxa ay qabtaan.

