Dacwada magangelyada
Ma magangalyo ka codsanaysaa Nederland? Haddii ay sidaas tahay, Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND) ayaa baari doona inaad xaq u leedahay magangalyo. IND waxay sidoo kale go'aaminaysaa habka magangalyada ee adiga kugu habboon. Hoos waxaad ka arki kartaa hababka magangalyada ee la heli karo. Habraac kasta, waxaad ka akhrisan kartaa tallaabooyinka ku lug leh.
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (3)
Habka magangelyada ee la dedejiyey ama kan aan la dedejinin
- 1
- 2
- 3
- 4
- 5
- 6
- 7
Habka xuduudaha: sidan ayuu u shaqeeyaa codsiga magangalyada marka aad timaado garoon diyaaradeed ama deked
- 1
- 2
- 3
- 4
- 5
- 6
Habka Xeerarka Maareynta Magangelyada iyo Socdaalka: sidan ayuu u shaqeeyaa habka magangalyadu haddii aad hore magangalyo uga codsatay waddan kale
Warbixin
Sidaan ayey u hawl gashaa dacwadada magangelyada ee Nederlaan

Sharuudaha sharciga magangelyada ee deganaanshaha
Ma rabtaa inaad magangalyo ka codsato Nederland? IND ayaa markaa qiimeyn doonta inaad buuxisay shuruudaha iyo in kale iyo in lagu siin doono ogolaansho magangelyo. Waxaad codsan kartaa magangelyo oo keliya haddii aad joogto Nederland.

Imaanshaha Nederlaan xagga garoonka diyaarada Schiphol, ama garoon kale ama dekad
Ma ku imaaday diyaarad garoonka diyaaradaha Schiphol ama dekada Nederlaan? Iyo ma heysatid fiiso weli socda iyo baasaboor aad ku joogi karto Nederlaan? Markaa magangelyo ayaa ka weydiisanaysa garoonka diyaaradaha. Waxaad codsigaaga magangelyo ku sugeysaa xero xiran oo garoonka Schiphol agteeda ah.

Isu diyaarinta wareysiga IND
Inta aad wareysiga la yeelanayso IND, waxaad sharraxaysaa sababta aad magangalyo uga codsanayso Nederland. IND waxay sidoo kale tan ugu yeertaa dhageysi. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa sida loo diyaariyo, sida si cad loogu sheego sheekadaada, iyo dukumentiyada kuwa muhiimka ah

Waxaad dokumentiyada u aruurineysaa dacwada magangelyada
Mudada dacwada magangelyada waxaad Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) u dhiibeysaa dokumentiyo. Dokumentiyadan waxey cadeynayaan dhibaatada aad usoo qaxday. Ka aqri halkan dokumetiyada lagaa rabo iyo qaabka aad u kuwaasi u direyso.

Kuwani waa noocyada dejinta xeryaha marka aad magangelyo Nederlaan ka weydisato
Haddii aad Nederlaan magangalyo ka codsato, waxaad xaq u leedahay xero. Waxaa jira noocyo kala duwan oo xeryaha ah, iyadoo ku xiran xaaladdaada iyo inta ay tahay inaad sugto go'aanka codsigaaga magangalyo. Mararka qaarkood waxaa laguu rari doonaa meel kale oo soo dhaweyn ah inta lagu jiro dacwadaada. Hoos waxaad ka akhrisan kartaa wax badan oo ku saabsan goobaha soo dejinta ee kala duwan.

Tani waa waxa uu lawyarka kuu sameeyo inta lagu jiro dacwada magangelyada
Qof walba oo Nederlaan magangelyo ka weydiista, wuxuu xaq u leeyahay lawyer lacag la'aan ah. Lawyarkan wuxuu kaa caawinaayaa mudada dacwada magangelyada uu socdo. waaa kaloo uu lawyarka hubinaayaa in xaquuqdaada la dhowro

Warbixin dheeraad ah oo dacwada magangelyodoonka haddii aad ka yar tahay 18 jir
Ma ka yar tahay 18 jir iyo aad Nederland kaligaa u qaxday? Markaa waxa laga yaabaa in nidaamka magangalyadu wax yar kaaga duwanaan karo kan dadka waaweyn. Waxaa jira sharciyo gaar ah iyo waxaad heleysaa taageero dheeraad ah. Maqaalkan waxaad ku akhrin kartaa waxaad u baahan tahay inaad ogaato.

Warbixin dheeraad ah oo dacwada magangelyodoonka haddii aad tahay lhbti
Ma soo qaxday maadaama aad tahay lesbiyan, khaniis, kuwa labada jinsi jecel ama kuwa iska bedela jinsiga ama kuwa jinsiyaadka kale? oo ma rabtaa sababtaasi darteeda inaad magangelyo uga weydiisato Nederlaan? Waxaa muhiim ah inaad mudada dacwadaada magangelyoaad garyaqaankaaga u sheegtaa iyo Adeega Socdaalka -iyo Jinsiyada (IND).

Codsiga magangelyada haddii lagugu tuhmo dembiyaa (1F)
Si aad Nederlaan magangelyo uga hesho, waa inaad cadeysaa iney qatar kuu tahay wadankaaga aad ka soo jeedo. Xitaa haddii aad taasi cadeyn karto, weli mar mar magangelyo laguma siinaayo. Taasi waa tusaale ahaan marka lagugu tuhmo dembiyo dagaal, jir dil argagaxisonimo, jirdil ama dembiyo kale oo bani' aadannimada ka baxsan.

