Dacwada magangelyada
Ma magangalyo ka codsanaysaa Nederland? Haddii ay sidaas tahay, Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND) ayaa baari doona inaad xaq u leedahay magangalyo. IND waxay sidoo kale go'aaminaysaa habka magangalyada ee adiga kugu habboon. Hoos waxaad ka arki kartaa hababka magangalyada ee la heli karo. Habraac kasta, waxaad ka akhrisan kartaa tallaabooyinka ku lug leh.
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (3)
Warbixin

Warbixin dheeraad ah oo dacwada magangelyodoonka haddii aad tahay lhbti
Ma soo qaxday maadaama aad tahay lesbiyan, khaniis, kuwa labada jinsi jecel ama kuwa iska bedela jinsiga ama kuwa jinsiyaadka kale? oo ma rabtaa sababtaasi darteeda inaad magangelyo uga weydiisato Nederlaan? Waxaa muhiim ah inaad mudada dacwadaada magangelyoaad garyaqaankaaga u sheegtaa iyo Adeega Socdaalka -iyo Jinsiyada (IND).

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka magangalyada haddii lagugu tuhmo dembi (1F)
Si aad Nederlaan magangelyo uga hesho, waa inaad cadeysaa iney qatar kuu tahay wadankaaga aad ka soo jeedo. Xitaa haddii aad taasi cadeyn karto, weli mar mar magangelyo laguma siinaayo. Taasi waa tusaale ahaan marka lagugu tuhmo dembiyo dagaal, jir dil argagaxisonimo, jirdil ama dembiyo kale oo bani' aadannimada ka baxsan.

Kuwani waa noocyada dejinta xeryaha marka aad magangelyo Nederlaan ka weydisato
Haddii aad Nederlaan magangalyo ka codsato, waxaad xaq u leedahay xero. Waxaa jira noocyo kala duwan oo xeryaha ah, iyadoo ku xiran xaaladdaada iyo inta ay tahay inaad sugto go'aanka codsigaaga magangalyo. Mararka qaarkood waxaa laguu rari doonaa meel kale oo soo dhaweyn ah inta lagu jiro dacwadaada. Hoos waxaad ka akhrisan kartaa wax badan oo ku saabsan goobaha soo dejinta ee kala duwan.

Maxaad sameyn kartaa haddii ay IND la soo daahdo go'aanka codsigaaga magangelyo?
Waa iney IND waqtiga ku go'aamiyaan codsigaaga magangelyo. Haddii ay taasi dhicin, waxaad IND si rasmi ah u weydiin kartaa iney muddo 2 wiig ah ku soo jawaabaan. Taasi waxaa loo yaqaan "in gebreke stellen" "dhaliilida". Ka akhri maqaalkan sida ay taasi u shaqeyso.

Haddii ay IND soo diido codsigaaga, qaadiga maxkamada ayaad racfaan aadi kartaa
IND ma diiday codsigaaga magangalyo? Haddii ay sidaas tahay, mararka qaarkood waxaad racfaan u qaadan kartaa maxkamadda. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa waxa rafcaanku ka dhigan yahay, sababta aad si dhakhso ah ula xiriiri karto qareenkaaga, iyo waxa garsooruhu go'aan ka gaari karo

Haddii ay IND si rasmi ah u diido codsigaaga codsi cusub ayaad sameyn kartaa
Ma jiraan xaqiiqooyin cusub arrintaada qixitaanka oo soo ifbaxay, mise xaaladda waddankaagii hooyo ma is beddeshay (xaaladaada) tan iyo markii codsigaaga magangalyada la diiday? Markaa way fiicanaan kartaa inaad gudbiso codsi magangelyo oo cusub. Akhriso maqaalkan si aad u ogaato sida ay taasi u shaqeyso

Dacwada magangelyodoonka ee la dheereeyey
Heshiiska Magangelyada iyo Socdaalka wuxuu dhaqan galay 12 Juun. Codsiyada magangalyada ee la soo gudbiyay ka dib 12 Juun, 2026, ikhtiyaarka nidaamka magangalyada ee dheeraadka ah ma jiro. Sidaa darteed maqaalkani wuxuu khuseeyaa oo keliya dadka magangalyo doonka ah ee horey ugu jiray nidaamka magangalyada ee dheeraadka ah ka hor 12 Juun (VA).

Nederlaan gudaheeda waxaad u baahan tahay BSN si aad u habayso arrimahaaga gaarka ah
Ma joogtaa wax ka badan 6 bilood Nederlaan? Markaa waxaad heleysaa nambar shaqsi ahaan u leedahay. Nambarka adeega Shaqsiga (BSN). Nambarkan waxaad ugu baahan tahay si aad arrimahaaga shaqsiga u abaabulato. Ka aqri halkan sida aad namabarkan u heleyso.

Waxyaalaha aad u baahan tahay inaad ogaato ee mideynta qoyska ah
Ma dalban kartid mideynta reerka haddii aadan sharci magangelyodoon ka heysanin Nederlaan. Haddii aad rajo badan leedahay inaad sharci deganaansho oo magangelyodoonka ah, mar mar waad isku sii diyaarin kartaa codsiga mideynta reerka.

Sidan ayaa Nederlaan uga heli kartaa taageero sharci oo bilaash ah ama la iska bixin karo
Nederlaan gudaheeda waxaa jira habab kala duwan oo lagu helo caawimaad sharci bilaash ah ama lacag yar. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad hayso su'aalo ku saabsan dacwadaada magangalyada, ama aad u baahan tahay caawimaad haddii aad dhibaato kala kulanto shaqada ama gurigaaga. Halkan ka akhri meesha aad ka heli karto caawinaad sharci.

