Halkan ayaa ka heleysaa dulmar ku saabsan dhamaan warbixinta aad ka aqrin karto mawduucan.
Codsigaaga magangelyada ma ka socdaa Nederlaan 6 bilood ama ka badan? Markaa waa la oggol yahay inaad shaqo lacag ah aad ka shaqeyso iyadoo sharuudo ku xiran yihiin.
Waa laguu oggol yahay shaqada tabaruca inaad qabato marka aad magangelyo weydiisato iyo aad heysato dokumeti-W oo 1 sano ah. Halkan ka aqri wixii dheeraad ah ee sharuudaha.
Ma joogtaa wax ka badan 6 bilood Nederlaan? Markaa waxaad heleysaa nambar shaqsi ahaan u leedahay. Nambarka adeega Shaqsiga (BSN). Nambarkan waxaad ugu baahan tahay si aad arrimahaaga shaqsiga u abaabulato. Ka aqri halkan sida aad namabarkan u heleyso.
Nederlaan waxyaalo badan oo shaqsi ah online-ka ayaad ka sameyneysaa. Tusaale ahaan arrimaha dowlada Nederlaanka. Ama ceymiskaaga ama hawlgabka. Kuwaani waxaad u baahan tahay DigiD. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa waxa uu DigiD yahay iyo sida aad u codsan karto.
Ma Nederlaan banaankeeda ayaa shahaado ka soo qaadatay iyo ma rabtaa inaad ka barato shaqo shahaadadaada ku habboon? Markaa shahaadadaada waad qiimeyn kartaa. Markaa waxaad ogaaneysaa darajada aad Nederlaan wax uga baran karto ama uga shaqeyn karto. Waxaad 1 shahaado ku qiiimeyn kartaa lacag la'aan.
Mar mar ayaa shaqo siiyaha si xun kuula dhaqmayaa. Tusaale ahaan haddii aan lacag lagu siinin ama aad shaqo aad u badan qabaneyso. Taasi waxaa loo yaqaan dhiig miirasho oo waa dembi ciqaab ka mudan Nederlaan. Ma shaqeyneysaa iyadoo aan laguu ogolayn? Xitaa markaasi xaquuq shaqaale ayaa leedahay iyo waad gudbi kartaa dhiig miirashada.
Ma ka shaqeyneysaa Nederlaan? Markaa waxaad baraneysaa dhaqanka shaqada ee Nederlaan. Tani waxaa suura gal ah iney ka duwan tahay sidaad adiga caadada kuu ahayd. Boggan ayaad ka aqrineysaa wixii dheeraad ah.