Link-yada dhaqsaha ah
Sharuudaha keenista ama mideynta qoyska/reerka
Sidee ayaan guri ku helaa?
Waxbarashada Nederlaan
Waxaan raadinaayaa alaab
Mawduucyada
Keenista familka/reerka
Isdhexgalka bulshada
Guriyeynta
Daryeelka caafimaadka
Waxbarashada
Shaqo
Lacag
Ku noolaanshaha Nederlaan
Sharciga deganaanshaha joogtada ah
Mawduucyo kale
Xarunta suuqa
Nagu saabsan
Bedel xaaladaada
Bedel luqada
SO
Af Soomaali
Somali
Dhamaan qodobada mawduuca
Halkan ayaa ka heleysaa dulmar ku saabsan dhamaan warbixinta aad ka aqrin karto mawduucan.
Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo ah iyo ma leedahay ilmo ka yar 18 jir oo aan weli luqada Nederlaanka ku hadlin? Markaa iskuulada waxey bixinayaan caawino si ilmahaaga af Nederlaanka u barto oo waxbarashada Nederlaan uga dhigan karo.
Haddii aad Nederlaan iskuul ka dhigato, adiga ayaa dooran kara nooca waxbarashada adiga ama ilmahaaga dhiganaayo. Qodobkan ayaa ka aqrin kartaa noocyada waxbarashada kala duwan.
Ilmaha 4 ilaa 12 jir waxey aadaan dugsiga hoose. Dugsiga hoose waa 8 fasal. Ilmaha waa waajib iney iskuulka aadaan laga bilaabo 4 jir. Boggan ayaa ka aqrineysaa wax walba oo dugsiga hoose ku saabsan.
Dugsiga hoose ka dib waxey ilmaha aadayaan dugsiga sare. Dugsiga sare wuxuu leeyahay darajado kala duwan iyo sanado waxbarasho kala duwan. Ilmaha 16 jirka, mar mar 18 jir, waa ku waajib iney iskuulka aadaan. Boggan ayaa ka aqrineysaa wax walba oo ku saabsan dugsiga sare.
Dugsiga sare ka dib waxbarasho waad sii wadan kartaa. Waxaad wax u baran kartaa darajado kala duwan. Darajada waxbarashadaada waxey ku xiran tahay shahaadadaada dugsiga sare. Qodobkan waxaad kaheleysaa warbixin darajadaha kala duwan ee waxbarashada.
Waxaad u tababaran kartaa qaabab kala duwan. Haddii aad rabto caawino xagga luqada Nederlaanka, waxaad warbixin dheeraad ka heleysaa boggan oo ah qaabka iyo meesha aad caawinada ka heleyso.
Ma Nederlaan banaakeeda ayaa shahaado ka soo qaadatay iyo ma rabtaa inaad ka barato shaqo shahaadadaada ku habboon? Markaa shahaadadaada waad qiimeyn kartaa. Markaa waxaad ogaaneysaa darajada aad Nederlaan wax uga baran karto ama uga shaqeyn karto. Waxaad 1 shahaado ku qiiimeyn kartaa lacag la'aan.
Ma aadeysaa mbo, hbo ama wo waxbarasho Nederlaan ah? waxaa jiro qaabab kala duwan oo aad waxbarashadaada u bixin karto. Tusaale ahaan caawinada maalgelinta waxbarashada ee Waaxda Fulinta Waxbarashada (DUO). halkan ka aqri wxii suura gal ah.