Link-yada dhaqsaha ah
Sidan ayaad magangelyo u weydiisan kartaa
Joogista xerada
Mideynta qoyska ee Nederlaan
Lacagta ay dowlada ku siineyso marka aad xerada degan tahay
Mawduucyada
Imaanshaha Nederlaan
Dacwada magangelyada
Ku noolaanshaha xerada qaabilaada
Shaqo
Ku noqoshada wadankaaga asalka ah
Waxbarashada
Daryeelka caafimaadka
Ku noolaanshaha Nederlaan
Mawduucyo kale
Xarunta suuqa
Nagu saabsan
Bedel xaaladaada
Bedel luqada
SO
Af Soomaali
Somali
Dhamaan qodobada mawduuca
Halkan ayaa ka heleysaa dulmar ku saabsan dhamaan warbixinta aad ka aqrin karto mawduucan.
Waxaad Nederlaan sharuudo gaar ah awgeed ku weydiisan kartaa magangelyo. Waxaa Adeega Socdaalka iyo dhalashada (IND) ayaa ka go'aamineysa inaad sharuudaha ka soo baxeyso. Halkan hoose ka aqri sharuudaha waxa ay yihiin aad qaxooti ku weydiisan karto.
Waxaad Nederlaan ka heli kartaa deganaansho magangelyo maadaama aad wadankaaga shaqsi ahaan qatar ugu jirtey ama wadankaaga qof walba ay qatar u tahay. Waa muhiim inaad sababaha saxda ah magangelyo ku heshaa.
Mudada dacwada magangelyada waxaad Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) u dhiibeysaa dokumentiyo. Dokumentiyadan waxey cadeynayaan dhibaatada aad usoo qaxday. Ka aqri halkan dokumetiyada lagaa rabo iyo qaabka aad u kuwaasi u direyso.
Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) wey soo diideen codsigaaga magangelyodoonka. Maxad sameyn kartaa haddii aad diidmada ku raacsanayn? Ka aqri halkan dacwada laga qaato maxkamada Nederlaan.
Ma waxaad ka timid waddan ay dowladda Nederlaan u aragto inuu amaan yahay? Markaa waxaa dacwadaada looga howlgalayaa dacwadda deg dega. Rajada wey badan tahay in Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ay codsigaaga soo diidaan.
Waxaa Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ay go'aamin karaan in waddan kale oo Yurub ah uu dacwadaada magangelyo ka howlgalo ay tahay.
Ma u baahan tahay IND muddo dheeraad oo ay codsigaaga magangelyada uga shaqeeyaan? Markaa waxaa aadeysaa Dacwada magangelyada la Dheereeyey (VA). Waxaa IND go'aamineysaa taasi wareysiga 2aad ka dib haddii aad VA aadeyso. Waxaa VA uu socon karaa dhowr bilood.
Ma joogtaa wax ka badan 6 bilood Nederlaan? Markaa waxaad heleysaa nambar shaqsi ahaan u leedahay. Nambarkan waxaad ugu baahan tahay si aad arrimahaaga shaqsiga u abaabulato. Ka aqri halkan sida aad namabarkan u heleyso.