Waxbarashada
Boggan waxaad ka heleysaa warbixin ku saabsan waxbarashada Nederlaan. Tusaale ahaan dugsiga hoose iyo dugsiga sare. waxaad kaloo halkan ka aqrineysaa sharuudaha waxbarashada haddii aadan weli sharci deganaansho heysanin iyo qarashka waxbarashada.
Warbixin

Laga bilaabo xanaanada carruurta ilaa jaamacadda: sidee buu nidaamka waxbarashadu uga shaqeeyaa Nederland?
Nidaamka waxbarashada ee Nederland wuu adkaan karaa. Waxbarashadu waxay u qaybsan tahay marxalado da'eed oo kala duwan. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa sida ay u egtahay wadada laga bilaabo xanaanada carruurta ilaa jaamacadda.

BBL iyo BOL: waa laba qaab oo loo dhigto tababar-mbo
Waxaa Nederlaan jira laba siyaabood oo lagu sii wado waxbarashada farsamada gacanta (MBO): iyada oo loo marayo BBL ama BOL. Labada barnaamijba waxay bixiyaan shahaadada rasmiga ah ee MBO, laakiin habka waxbarashadu waa ka duwan yahay. Maqaalkani waxa uu sharaxayaa farqiga u dhexeeya labadan tababar.

Iskaaga aad af - Nederlaanka u barato haddii aad weli sameyn la qabsashada ama iskuul aadin
Ma rabtaa inaad barato af - Nederlaanka? Haddii aad weli heysanin sharci deganaansho, Nederlaan weli ma sameyn kartid la qabsashada. Weli kama baraneysid luqada Nederlaanka iskuulka ama koorso ahaan. Haddana waa sii bilaabi kartaa inaad barato Nederlaanka. Ka aqri halkan qaababka loo sameyn karo

Waxbarashada ilmaha aan weli Nederlaanka ku hadlin iyo weli aan sharci deganaansho heysanin
Ma heysatid weli sharci deganaansho magangelyo ah iyo ma leedahay ilmo ka yar 18 jir oo aan weli luqada Nederlaanka ku hadlin? Markaa iskuulada waxey bixinayaan caawino si ilmahaaga af Nederlaanka u barto oo waxbarashada Nederlaan uga dhigan karo.

Qiimeynta shahaadada ee Nederlaan marka aad sharciga deganaanta heysanin
Ma Nederlaan banaankeeda ayaa shahaado ka soo qaadatay iyo ma rabtaa inaad ka barato shaqo shahaadadaada ku habboon? Markaa shahaadadaada waad qiimeyn kartaa. Markaa waxaad ogaaneysaa darajada aad Nederlaan wax uga baran karto ama uga shaqeyn karto. Waxaad 1 shahaado ku qiiimeyn kartaa lacag la'aan.

Noocyo kala duwan oo waxbarashada Nederlaan
Haddii aad Nederlaan iskuul ka dhigato, adiga ayaa dooran kara nooca waxbarashada adiga ama ilmahaaga dhiganaayo. Qodobkan ayaa ka aqrin kartaa noocyada waxbarashada kala duwan.

Sidan ayay waxbarashada gaarka ahi uga shaqaysaa Nederland
Waxbarashada gaarka ah waxaa loogu talagalay ardayda u baahan taageero dheeraad ah oo aan dugsi caadi ah had iyo jeer siin karin. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa sida waxbarashada gaarka ahi u shaqeyso iyo waxa ay ardaydu ka caawiyaan halkaas.

Dugsiga hoose dhexe
Ilmaha jira 4 ilaa iyo 12 jir ayey aadayaan dugsiga hoose. Dugsiga hoose wuxuu leeyahay 8 fasal. Ilmaha waa waajib iney iskuul aadaan laga bilaabo 5 jir laakiin badiyaa ilmaha Nederlaan laga bilaabo 4 sano ayey aadaan dugsiag hoose. Boggan ka aqri wax walba oo ku saabsan dugsiga hoose.

Dugsiga sare
Dugsiga hoose ka dib waxey ilmaha aadayaan dugsiga sare. Dugsiga sare wuxuu leeyahay darajado kala duwan iyo sanado waxbarasho kala duwan. Ilmaha 16 jirka, mar mar 18 jir, waa ku waajib iney iskuulka aadaan. Boggan ayaa ka aqrineysaa wax walba oo ku saabsan dugsiga sare.

Sidaan ayaa waxbarashada u hawlgashaa Nederlaan
Dugsiga sare ka dib waxbarasho waad sii wadan kartaa. Waxaad wax u baran kartaa darajado kala duwan. Darajada waxbarashadaada waxey ku xiran tahay shahaadadaada dugsiga sare. Qodobkan waxaad kaheleysaa warbixin darajadaha kala duwan ee waxbarashada.