Laga soo xigtay: IND
Qodob

Waxaad wareysi la yeelan doontaa IND

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 6/25/2026, 20:03

Inta lagu jiro wareysigaaga, IND waxay ku weydiineysaa su'aalo ku saabsan codsigaaga magangalyada. Maqaalkan, waxaad ka akhrisan kartaa waxa dhaca inta lagu jiro wareysiga. Waxaad sidoo kale akhrin doontaa waxaad sameyn karto haddii aadan wax fahmin, aad u baahan tahay nasasho, ama haddii wax ka khaldan yihiin wareysiga

Waxaa jooga tarjumaan ku hadlaaya luqadaada ku hadla marka wareysiga IND aad leedahay

Shaqaalaha IND wuxuu kugu weydiinayaa su'aalaha Nederlaanka. Tarjumaanka ayaa su' aalahani kuu tarjumaaya. Tarjumaanka sidoo kale jawaabtaada wuu ku tarjumayaa Nederlaanka. Tarjumaanka waa madax banaan yahay, tarjumaanka uma shaqeeyo IND iyo wax awood ah kuma laha go'aanka codsigaaga magangelyada laga gaaro.

Mararka qaar waxaad heleysaa turjumaan ku hadla lahjad ka duwan. Isla markiiba sheeg haddii adiga iyo turjumaanka aadan si fiican isu fahmin. Waa muhiim in aan isfaham la'aan dhicin sababtoo ah adiga iyo turjumaanka si fiican isuma fahamtaan

Carruurta kula safraysa waxaa iyagana IND la yeelan kartaa waraysi

Dacwada magangelyada waxaa loogu talo galay dadka waaweyn, maadaama IND gaar ahaan ula hadasho dadka waaweyn. Laakiin waxaa jira caruur la soo qaxay waalidkooda, waxaa markaa ay xaq u leeyihiin wareysi u gaar ah la yeeshaan IND. Ilmaha qasab kuma aha wadahadalka IND iney maraan hadeysan rabin. Laakiin waa IND waa iney weydiisaa ilmaha iyo waalidka.

Ilmaha laga bilaabo da' da 15 jir waa la weydiiyaa haddii ay rabaan wareysi u gaar ah iney rabaan in INDla yeelato

Ilmaha si toos ah loogama qaado wareysi. Waxaa IND weydiineysaa wareysiga 1aad hore u weydiineysaa inay ka weyn da' da 15 jirka ay rabaan wareysi u gaar ah sababo ay jiraan ay u soo qaxeen. Sidoo kale haddii ay wareysi rabaan in IND ka qaado oo qaxitaankooda ku saabsan.

Ilmaha u dhaxeeya da' da 12 jir ilaa 15 jir waa la weydiiyaa waalidkooda haddii ay rabaan wareysi u gaar ah iney rabaan in INDla yeelato

Inta lagu jiro wareysiga 1aad waxaa IND waalidiinta ilmaha da'dooda u dhaxeyso 12 iyo 15 jirka weydiisaa in ilmahaasi rabaan iney wareysi maraan. Sidoo kale caruurta da'dooda u dhaxeyso 12 ilaa 15 jir ee aan heysanin sabab u gaar ah oo magangelyo waa iney fursad u helaan iney arrintooda sheegtaan.

Haddii IND aysan waalidka weydiinin wareysiga 1aad, laakiin ilamaha uu rabo wareysi in laga qaado, waxaa taasi bilowga dacwada loogu soo gudbin karaa IND xagga garyaqaanka. Taasi badiyaa. waa ilamah u dhaxeeya 12 ilaa 15 jir ma aha wareysi gaar ahaan ah oo shaqaale IND. Badiyaa ilamah waxaa fursad loo siiyaa iney warqad ku soo qoraan waxa ay rabaan iney sheegaan.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?