• Bilowga
  • Xurnimo dheeraad oo dumarka: Loubna waxey caawineysaa dumarka danahooda u gaaraan
Loubna Bazarbashi waxeey bixisaa casharo qoraal ahaan oo jidadka iyo baabuurta shirkadeeda 'Veilig Onderweg'. Loubna waxey fadhidaa kambiyuutarkeeda.
Laga soo xigtay: RefugeeHelp / Aline Bleeker

Xurnimo dheeraad oo dumarka: Loubna waxey caawineysaa dumarka danahooda u gaaraan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/1/2024, 2:35 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaa Maalinta Caalamiga Dumarka u dabaaldegaan xaquuqda dumarka ee duida oo dhan. Loubna Bazarbashi waxey ku dadaashaa xaquuqda dumarka si ay ugu caawiso iney laysankooda soo qaadaan. " Markii aan soo qaatay laysanka baabuurka, waxaan helay xurnimo ka badan Nederlaan. Markaa taasi dumarka kale waa la jeclahay."

Cabsi wax wadis ilaa macalin - baabuur wadis bara

Loubna oo ka timid Suuriya oo degan ilaa 2014 Nederlaan. Suuriya kuma heysanin laysanka baauurta.: " Marna kuma aan hamin karin inaan ku riyoonin inaan baabuur xamuul ku ag wadi doono", ayey tiri iyadoo qosleyso. "Aniga rakaab ahaan mar walba waan ka cabsan jirey inaan sheygaasi weyn agtiisa maro"

Laakiin Nederlaan wey ka gudubtay cabsideeda wadista iyo waxey soo qaadatay laysinkeeda baabuurta. Taasi nolosheeda ayey bedeshay. "Ilmahayga ayaan iskuulka ama isboortiga ku geeyaa iyo baabuurka waxaan ku aadaa waalidkeyga agtooda. Xitaa waxyaalaha fudud sida adeega ayaa fudeyd kuu fudeyd noqonaaya". Iyo waxey Loubna heysataa ganacsi u gaar ah oo ay dumarka kale ku caawiso laysanka baabuurta.

Caawino yar oo dumarka weli aan Nederlaan badan aqoonin

""Markii aan baranaayey qoraal ahaanta, waxaa jirey iskuulo yar ama kanaalada bulshada oo kaa caawini kara inaad laysanka ku qaadato luqada kale", ayey tiri Loubna. "Waxaan arkay inaan dad kale taasi ku caawini karo.'

Markaasi waxey bilowday 2021 iskuulka qoraalka ah ee loo yaqaan 'Veilig Onderweg'. Halkaa ayey online-ka ka bixisaa casharo ku saabsan nidaamyada jidadka iyo gaadiidka oo Carabi ah. Bilowgii waxaa casharka la siiyey rag iyo dumar. "Laakiin waxaan dareemay in dumarka ay ka sii jecel yihiin kooxyo dumar ah."

Qaab amaan oo ay dumarka ku hormari karaan

Loubna waxey u aragtaa in dumarka ay ka baqayaan iney su'aalo doqonnimo weydiiyaan. "Waxaan daryeelayaa iney meel amaan ah oo ay dumarkana wanaag ku dareemayaan iney wax ku bartaan oo ku horumaraan." Waxaa kaloo ay la qeybsanaysaa qibradeeda iskuulada baabuurta bara iyo ururada kale si dumar kale u caawiyaan danahooda u gaaraan.

Casharada waxaa loogu talo galay dumarka ku cusub Nederlaan ee da'walba leh: "Ardayda badankooda waa dhalinyar. Waxey aadaan iskuulka, oo waxey heystaan shaqo iyo waa dad mashquul ah. Sidaa awgeed waxaa bixiyaa mar walba casharada habeenkii. "Laakiin dumarka u dhexeeya 45 iyo 50 jir ey is qoraan. "Badiyaa waxey ka baqayaan iney wax barab karin. Waan ku dhiiro geliyaa oo rajo ayaan siiyaa."

Habab fudud oo casharada lagu barto

Loubna waxa ay isticmaashaa qaaba fudud oo algu barto casharada qoraalka. "waxaan mar walba heystaa warqad € 100,- waxaan tusaa ardayda warqada cagaaran ardayda, sidaa ayey ku xasuusnaanayaan in xariijinta cagaarka ee jidka inuu micnahiisa yahay 100 ayaa ku wadi kartaa."

Inkastoo casharada Carabiga yahay, waxey kula talisaa Loubna ardaydeeda iney imtixaanka ku sameeyaan Nederlaanka. "Waxaan qeybaha ku magacaabaa sidoo kale laf Nederlaanka." Wey sii wadatay: "waxaad imtixaanka- qoraalka ku sameyn kartaa af Carabiga, laakiin qarashka tarjumaanka waa ilaa 6 jeer ayuu ka qaali yahay imtixaanka Nederlaanka. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad 6 jeer aad imtixaanka Nederlaanka ku sameyn karto, adigoo 1 amr imtixaanka luqada kale ku sameynaaya."

Wax ka badan iskuulka baabuur barashada

'Veilig Onderweg' waxaa Loubna ay noqotay bulsho y dumarka isku dhiiro geliyaan iyo iska caawiyaan. "Waxaa intaa dheer in casharada badayaa ay yihiin kuwo xiiso leh. Waxaa at tahay wax dhaafsiisan keliya casharo qoraalka. Waxaan aniga dumarka ka caawiyaa iney weyneeyaan kalsoonidooda nafsiyada."

Mustaqbalka waxey Loubna rajeyneysaa iney aqoonteeda iyo qibradeeda sidoo kale af Nederlaanka kula wadaagto. "Markaa dhamaan dumarka Nederlaan jooga ayaan caawinaayaa."

Maqaalkani xiiso ma kuu leeyahay?