Link-yada dhaqsaha ah
Sharuudaha keenista ama mideynta qoyska/reerka
Sidee ayaan guri ku helaa?
Waxbarashada Nederlaan
Waxaan raadinaayaa alaab
Mawduucyada
Keenista familka/reerka
Isdhexgalka bulshada
Guriyeynta
Daryeelka caafimaadka
Waxbarashada
Shaqo
Lacag
Ku noolaanshaha Nederlaan
Sharciga deganaanshaha joogtada ah
Mawduucyo kale
Xarunta suuqa
Nagu saabsan
Bedel xaaladaada
Bedel luqada
SO
Af Soomaali
Somali
Dhamaan qodobada mawduuca
Halkan ayaa ka heleysaa dulmar ku saabsan dhamaan warbixinta aad ka aqrin karto mawduucan.
Haddii aadan weli shaqo heysanin ama haddii shaqada lagaa saaray, waxaad xaq u leedahay gunno. Tani waa qadar lacageed oo bishii aad ka hesho dowladda. Warbixin dheeraad oo tan ku saabsan waxaad ka heleysaa boggan.
Haddii aad shaqeyso ama ka qaadato gunnado Nederlaan, waxaad bixisaa canshuuro. Sannadkii mar waa inaad buuxisaa canshuur celinta daqliga. Halkan ka aqri qaabka tani u shaqeyso.
Ma leedahay daqli hooseeya iyo 1 ama caruur ka badan? Markaa waxaa suura gal ah inaad xaq u leedahay gunnooyin. Gunnooyinka waa daqli dheeraad ah oo dowlada aad ka heli karto haddii aad daqli yar heysato.
Ma leedahay daqli yar? Tusaale ahaan maadaama aad qaadato ceyrta ama malagelinta waxbarashada? Waxaa suura gal ah inaad hesho kabista dayeelka caafimaadka. Tani waa qarash xagga dowlada ah si aad u bixiso ceymiska caafimaadka.
Ma ijaaratay guri? Waxaa suura gal ah inaad kabis ijaar xaq u leedahay. Tani waa daqli dheeraad ah oo aad dowlada ka heli karto haddii uu daqli hooseeyo leedahay. Tusaale ahaan haddii aad qaadato ceyrta ama maalgelinta waxbarashada.
Isdhicitaanka xagga e-mailka. Whatsapp ama SMS marar badan ayaa la sameeyaa. Tuugada waxey tusaale ahaan kuu soo jiidanayaan xagga e-mailka ama SMS bixinta lacagta oo been ah. Waxey ku weydiinayaan tusaale ahaan inaad warbixintaada bangiga soo ku soo buuxiso. Halkan ka aqri waxa aad sameyn kartaa si aad uga hortagto in lagu dhaco
Isla markii uu ilamhaaga noqdo 18 jir waxaa muhiim ah inaad xagga maaliyada waxyaalahan sameysaa. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa waxa la rabi inaad dabirto iyo qaabka aad u sameyneyso.