Lacag
Marka aad ka shaqeyneyso Nedelaan, waxaad heleysaa lacag. Ilaa aad shaqo ka heleyso, waxaad taageero dhaqaale ka heli kartaa dowladda. Macluumaad ku saabsan daqligaaga boggan ayaad ka heleysaa.
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (1)
Warbixin

Sida xisaab bangi looga furto Nederlaan
Xisaab bangi aad ayuu muhiim u yahay Nederlaan. Waxaa kuugu soo dhacaaya mashahar ama ceyr, waxaad ku bixineysaa biilalaka iyo online-ka ayaa wax uga gadan kartaa. Qodobkan ka aqri sida aad xisaab bangi u fureyso iyo waxa la rabo inaad ka taxadarto.

Noocyo kala duwan ee ceymisyada
Nederlaan noocyo kala duwan oo kala duwan oo ceymisyada ah si aad nafsadaada iyo alaabtaada u badbaadiso. Ceymisyada qaarkood waa waajib. Kuwo kalena waa ay fiican yihiin inaad heysato. Boggan ayaa ka aqrineysaa noocyada ceymiska ee jira.

Kaalmo dhaqaale noocee ah ayaad ka codsan kartaa degmada?
Haddii aadan lahayn dakhli ama dakhli yar, mararka qaarkood waxaad caawimo ka heli kartaa degmada. Nooca gargaarka aad heli karto waxay ku xiran tahay xaaladdaada iyo sidoo kale degmada aad ku nooshahay. Maqaalkan, waxaad ka akhrisan kartaa gargaarka dhaqaale ee aad ka codsan karto degmada.

Tani waa inaad maaliyada ahaan hagaajisaa haddii aad wax dheeraad ama wax ka yar aad shaqeyneyso
Ma shaqayn doontaa wax badan ama yar? Ama ma joojineysaa shaqada lacagta ku qaadato? Markaa waxaa muhiim ah inaad arrimahan muhiimka aad hagaajisaa haddii uu xaalada shaqadaada isbedelo.

Gunnada marka ad caruur leedahay
Ma leedahay daqli hooseeya iyo 1 ama caruur ka badan? Markaa waxaa suura gal ah inaad xaq u leedahay gunnooyin. Gunnooyinka waa daqli dheeraad ah oo dowlada aad ka heli karto haddii aad daqli yar heysato.

Sidee ayaa uga hortageysaa ganaax canshuur oo khaldan?
Markaad sameyneyso canshuur bixinta Nederland, waa inaad ku buuxisaa macluumaadka saxda ah. Mararka qaar wax baa qaldama. Tusaale ahaan, sababtoo ah waxaad hilmaantay lacag ama aadan si sax ah u hubin dukumenti. Maqaalkan, waxaad ku akhrin doontaa sida looga hortago ganaax.

Ceyrtee kale ayaa la heli karaa markaad gabowdo?
Gabowga, jirada, ama ka fariisashada shaqada waxay saameyn kartaa dakhligaaga. Nederland, waxaa jira ceyrar kala duwan oo ku caawin kara. Maqaalkani wuxuu sharxayaa ceyrta la heli karo markaad gabowdo, cidda bixisa, iyo goorta aad xaq u leedahay.

Maxaad sameyn kartaa haddii aadan bixin karin canshuurta degmada?
Markaad degan tahay degmo ku taal Nederlaan, waa inaad bixisaa cashuuro kala duwan, sida kharashaadka ururinta qashinka, kharashka bulaacada, iyo cashuuraha arrimaha biyaha. Ma leedahay dakhli hooseeya? Markaa waxaad mararka qaarkood bixin kartaa wax ka yar ama haba yaraatee wax cashuur ah, dhaqan loo yaqaan dhaafitaanka ‘kwijtschelding. Maqaalkani wuxuu sharxayaa cashuuraha ay tahay inaad bixiso iyo sida loo codsado ka dhaafid ‘kwijtschelding'.

Isla wada noolaanshaha Nederland: maxaa isbeddel ah oo ku yimaada lacagta iyo maamulka?
Ma isla nooleysaan Nederland? Markaa dhaqaalahaaga iyo maamulkaagu way isbeddeli karaan. Waxay sameyneysaa farqi haddii aad is guursateen iyo haddii aadan isguursan. Sidoo kale way quseysaa haddii aad guri kireysataan ama aad iibsataan.

Waa inaad dhaqaale ahaan arrimahan habeysaa marka xaaladda qoyskaaga is bedelo
Haddii ay xaaladaada qoyska is bedesho, taasi waxey saameyn kartaa daqligaaga iyo qarashka aad bixiso. Haddii aad qof wada degaysaan, guursaneyso, ilmo kuu dhasho, aad qof is fureysaan, ama lammaane kaa dhinto. Maqaalkan ka aqri waxa aad habeyneyso xaaladaha isbedela ee reerka.