De asielprocedure
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (3)
Dacwada Guud ee Magangelyada
- 1
- 2
- 3
- 4
- 5
Ma ka soo gashay Nederlaan xagga dhulka? Markaa waxaad magangelyo ka weydiisaneysaa Dacwada Guud ee magangelyada. waxaad ka weydiisaneysaa tuulada Nederlaanka ee Ter Apel. Halkan ka aqri sida uu dacwada magangelyo u shaqeeyo.
Dacwada xaduudka: sidan ayey u shaqeysaa magangelyo weydiisashada marka aad ka imaado garoon diyaarad iyo dekad
- 1
- 2
- 3
- 4
- 5
Nederland ma ku timid diyaarad ama markab? Iyo ma heysatid fiiso aad Nederlaan ku gasho? Kadib waxaad magangelyo ka codsataa nidaamka xaduudka. Tan waxaa sidaan loogu yeeraa sababtoo ah weli si rasmi ah uma aadan joogin Nederlaan. Halkan ka akhri sida nidaamkan magangelyo u shaqeeyo.
Dacwada Dublin: Sidan ayuu u shaqeeyaa dacwada magangelyada haddii aad hore waddan kale oo Yurub ah magangelyo ka weydiisatay
- 1
- 2
- 3
- 4
Haddii aad magangelyo ka weydiisatay waddan kale oo Yurub ah, rajada wey weyn tahay in aadan magangelyo ka heleynin Nederlaan. Markaa badiyaa inaad wadankaasi koowaad ku noqotaa. Taasi waxaa loo yaqaanaa 'Dacwada Dublin'. Qodobkan ayaa ka aqrinrysaa sida ay taasi tahay.
Warbixin

Dacwada magangelyodoonka oo la sii dheereeyey
Ma u baahan tahay IND muddo dheeraad oo ay codsigaaga magangelyada uga shaqeeyaan? Markaa waxaa aadeysaa Dacwada magangelyada la Dheereeyey (VA). Waxaa IND go'aamineysaa taasi wareysiga 2aad ka dib haddii aad VA aadeyso. Waxaa VA uu socon karaa dhowr bilood.

Sidan ayaa samey kartaa haddii ay IND soo diido codsigaaga magangelyo
Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) wey soo diiday codsigaaga magangelyo. Markaa waxaa heleysaa warqad IND. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa waxa dhacaaya iyo waxa aad sameyn karto

Tani ayaad sameyn kartaa haddii ay IND la soo daahdo go'aanka codsigaaga magangelyo
Waa iney IND waqtiga ku go'aamiyaan codsigaaga magangelyo. Haddii ay taasi dhicin, waxaad IND si rasmi ah u weydiin kartaa iney muddo 2 wiig ah ku soo jawaabaan. Taasi waxaa loo yaqaan "in gebreke stellen" "dhaliilida".

Waxyaalaha aad u baahan tahay inaad ogaato ee mideynta qoyska ah
Ma dalban kartid mideynta reerka haddii aadan sharci magangelyodoon ka heysanin Nederlaan. Haddii aad rajo badan leedahay inaad sharci deganaansho oo magangelyodoonka ah, mar mar waad isku sii diyaarin kartaa codsiga mideynta reerka.

Nederlaan gudaheeda BSN ayaad u baahan tahay
Ma joogtaa wax ka badan 6 bilood Nederlaan? Markaa waxaad heleysaa nambar shaqsi ahaan u leedahay. Nambarka adeega Shaqsiga (BSN). Nambarkan waxaad ugu baahan tahay si aad arrimahaaga shaqsiga u abaabulato. Ka aqri halkan sida aad namabarkan u heleyso.

Sidan ayaa Nederlaan uga heli kartaa taageero sharci oo bilaash ah ama la iska bixin karo
Nederlaan gudaheeda waxaa jira habab kala duwan oo lagu helo caawimaad sharci bilaash ah ama lacag yar. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa inaad hayso su'aalo ku saabsan dacwadaada magangalyada, ama aad u baahan tahay caawimaad haddii aad dhibaato kala kulanto shaqada ama gurigaaga. Halkan ka akhri meesha aad ka heli karto caawinaad sharci.

Sidan ayaa loo sameeyaa baaritaanka da'da marka IND ka shakiso da'daada
Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) waxey sameyn karaan baaritaanka da'da haddii ay ka shakiyaan inaad ka yar tahay 18 sano. Haddii aad ka yar tahay 18 sano waxaad leedahay xaquuqyo kale mudada dacwada magangelyada. Xaquuqdan waxaad keliya heleysaa haddii ay IND hubaan inaad 18 ka yar tahay

Furiinka Nederlaan mudad dacwada magangelyada
Ma rabtaa inaad furto lamaanahaaga? Waa suurtogal in la furo inta lagu jiro nidaamka magangalyada Nederlaan. Xitaa haddii aadan ku qabin Nederlaan ama aadan haysan dhalasho Nederlaan ah. Furriinku waxay cawaaqib ku yeelan kartaa nidaamka magangalyada adiga iyo lammaanahaaga.
Wax talo ah ma siineysaa websaaytka?
Nala soo socodsii haddii wax tabeyso ama aadan heli karin. Fikradaada wey caawineysaa RefugeeHelp boggan si loo hormariyo. La soco: foomkan waxaa loogu talo galay fikradaha websaaytka. Looguma talo gelin su'aalaha shaqsiga iyo codsiyada. Wax jawaab ah kama heli doontid fikrada aad noo soo jeediso. Fadlan ogow: foomkan maahan su'aalo shakhsi ah. Ma heli doontid jawaab.

